HomeRIYADII SAC-MAALLADA: Sheeko Khuseysa Habka Hogaaminta iyo Qaabka Musharaxiinta. Q/4aad

RIYADII SAC-MAALLADA: Sheeko Khuseysa Habka Hogaaminta iyo Qaabka Musharaxiinta. Q/4aad

Date:

Related stories

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Sida aan ku soo qaatay saddexdii qormee hore (Q-1aad, Q-2aad iyo Q-3aad) waxay sheekadan ku aroortaa habka hoggaaminta fiican iyo qaabka murrasharaxiinta oo lagu saleeyo rabitaanka dadka.

Waxaanay la xidhiidhaa boqortooyo bari hore ka talin jirtay aduunka oo ka koobnayd boqor iyo hawl-wadeenadiisa oo la odhan jiray gollaha sac-maallada, kuwaasoo koox ka mid ahi sameeyeen kacdoon ay kaga soo horjeedeen fikir boqorkoodu qaatay.

Go’aan kasta iyo talaabo kasta oo dhinaca wax-qabadka hawlaha shaqo ee awoodaha xukumaddiisa ee uu qaadayo, wuxuu u soo ban-dhigi jiray, kalana tashan jiray gollihiisa Sac-maallada, halkaasoo uu kaga go’aan qaadan jiray hadba tallada aqlabiyada Sac-maalladiisaasi ay u bataan, iskuna raacaan.

Hoggaamiyuhu wuxuu ka fikiraa oo uu ka hadlaa xalka, taageerayaashuna waxay ka fikiraan oo ay ka hadlaan dhibaatada.

Boqorkaas iskumuu dayi jirin inuu ku abuuro niyad jab iyo inuu tuurro oo ay ka siibtaan saaxiibaddii meeshay doonaan ha hakala joogaane, laakiinse wuxuu isku dayi jiray inuu dhiiri-galiyo, waxaanu boqorkaas inta badan ku hamiyi jiray sidii uu u abuurilahaa fursado badan oo uu ku soo kala saarayey ka leh xirfadaha qarsoon ee dabiiciga ah.

Inkastoo haddana aannu fahmi karin hoggaamiye kastaaba qiyamka xirfaddaha dabiiciga ah iyo xirfadda caadiga ah ee uu qofku leeyahay, balse waxa kaliyaata ee uu ku ogaan karaana ay tahay inuu hantiyo, isla-markaana uu ku xidhnaado kuwo leh xirfadda dabiiciga ah iyo tayo-xirfaddeed oo gaar u ah.

Gollaha sac-maallada fikraddihii ay qabeen ee ay aamin-sanaayeen waxay ahayd in aannay marnaba dhicin karrin xaajo ay iyagu ogyihiin ama ay gooyaan mooyaane aannu boqorkaasi kaligii go’aan gaahin, waxaana arrintaas lagu qiimeeyaa inay ka mid ahayd wax-yaabihii hoday ee horseedka u ahaa hungowgoodii ay ka mid ahaayeen arrimo baddan, iyo sidoo kale inuu ku dhacay jaceyl kakan oo watay hamuun baddan oo ay u qabeen, sidii ay mar uun iskugu dayi lahaayeen innay ku sameeyaan af-ganbi boqortooyadaas, taasoo markii danbe loogu magac darray Riyadii Sac-maallada “ Isku-dayga Af-ganbigii-Dhicisoobay”

Waayo? waxa lala xidhiidhiyaa arrintaas inay ahayd nooc ka mid ah af-ganbiga, taasoo lagu sababeeyey, waa sida uu dhigayey Dastuurka qaranka ee boqortooyadaas, sidoo kale, wuxuu dastuurkaasi xaq u siiyey inuu boqorku gaadhi karo go’aan, uguna soo jeedin karro gollahiisa sac-maallada go’aankaa uu qaatay.

Isla-markaana haddii go’aanka boqorka uu qaatay ay gollahiisa sac-maalladu kala horyimaadaan diidmo qayaxan oo ay ku diidayaan go’aankaas, waxa habkaa diidmada la yidhaa “Veto” da’e, waxa lagu tilmaamaa inay ka mid tahay mid ka mid ah Afarta qaybood ee ay ka kooban yihiin Af-ganbigu.

Dadka rayiyaddooda cabbira, kuwa wax saadaaliya, kuwa wax-qeexa iyo qorayaashuba waxay ku sifeeyeen dhacdadaasi innuu boqorkaas la mid ahaa heesaagii caanka ahaa ee la odhan jiray “ Mofra” , wakhti wakhtiyadda ka mid ahayd ayaa heesaagan oo goob fagaare ah kana mid ahayd goobaha habeenkii lagu caweeyo ka qaadaya hees aad u macaaneyd, isla-markaana isagoo badhtanka kaga jira heestaas, ayuu ka go’ay xadhig ka mid ahaa afartii xadhig ee uu lahaa Kabankii uu tumayey, ka dibna wuxuu ku dhameystiray heestii macaaneyd saddexdii xadhig ee soo hadhay, nasiib-wanaag mar-naba lagamana dareemin wax dhantaal ah intii ay socotay heestii macaaneyd ee uu qaadayey heesaagaas.

Muddo ka dib markii ay soo dhawaatay muddo xilleedkii boqorkaas xubintii uu ka soo baxay waxay qabteen shir-guud oo ay ku kala dooranayey musharaxii ugaga qayb gali lahaa tar-tanka doorashada jagada hoggaamiyaha boqortooyadaas.

 

ka dibna waxa ku guuleysan jiray doorashadaas jagada hoggaamiyaha boqortooyadaas, waxa kale oo loo eegi jiray laguna qiimeyn jiray inuu leeyahay 10-shuruudood inay leeyihiin musharaxiinta saddexda xubnood uga sharaxan jagada hoggaamiyaha boqortooyadaas, kuwaasoo ahaa sida:-

inuu yahay mid daacad ah, oo sababeyn kara tallaabo kasta oo uu qaadayo, laguna sifeyn karro inuu yahay mid leh arragti-fog, himilo iyo hiigsi mustaqbal, iyo inuu yahay mid fahmo badan oo wax akhriya, waxna darsikarra, raadin karra waxa khaldan si uu u saxo, isla-markaana ay u arkaan inuu si siman dadkiisa u wada daaweyn karo, oo aan lahayn eex, kuna han-weyn inuu yahay mid dadkiisa ugaga tagaya dhaxal, sameyn karana amar go;aan qaadasho fiican xilliga ay ku haboon tahay, wakhtiga ku haboona wax-ka baddeli kara malihiisa, qorshihiisa iyo fikradaha kale ee dhibaatooyinka lagu xaliyo, kuna kalsoon wax kasta oo uu qabanayo maskax ahaan, jidh ahaan iyo niyad ahaanba, oo ah mid leh dhiiri-galin.

Qodobadaa aynu kor ku soo sheegnay Ka sokow waxa kale oo ay dadkaasi intooda baddan ay iibsan jireen hoggaamiyaha ka hor inta aanay iibsanin aragtiiisa, iyagoo ku raaci jiray hoggaamiyahaas si mutadawcnimo ah, xitaa haddii aanu lahayn ciwaan ama aannu lahayn wax xil ah, sidoo kalena waxay ku tilmaami jireen hoggaamiyaha dhabta ah inuu yahay ka isku kalsoon ee kaligii meel istaagi kara, mana aha bay odhan jireen furaha guusha lagu gaadhaa inay tahay awood, waxa kale oo ay ku tilmaami jireen inay danbiilayaal yihiin kuwa ku hoggaamiya sidii dadku madaxa ay iskula dhici lahaayeen.

 

 

la soco……………………..

 

 

 

Dr. Maxamed Faarax Qoti

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories