HomeRaysalwasaarihii Liibiya oo baxsaday kadib markii la Casilay

Raysalwasaarihii Liibiya oo baxsaday kadib markii la Casilay

Date:

Related stories

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Liibiya (SLPOST) Baarlamaanka Liibiya ayaa xilkii ka xayuubiyey Raysalwasaare Cali Saydan, kadib markii la xaqiijiyey inuu baxsaday Markabkii Shidaalka ee laga lahaa dalka Kuuriyada Waqooyi.

calisaydan_baxsad-740x370

Markabkan ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku xirnaa dekkada Al Sidra ee bariga wadankaasi Liibiya, xaruntaasi oo ay gacanta ku hayaan maleeshiyaad madax-banaan.

Maalinimadii Shalay ayuu Raysalwasaare Cali Saydan sheegay in ciidamada dowlada Liibiya ay la wareegeen markabkaasi isla markaana keeni doonaan dekkada ay maamusho dowlada.

Balse habeenimadii xalay ayaa la xaqiijiyey in markabkaasi uu la baxsaday shidaalkii uu siday oo laga qaaday dekkada Al sidra.

Baarlamaanka Liibiya oo arrintan kadis ku noqotay ayaa xilkii ka xayuubiyey Xukuumada Cali Saydan waxayna amar kusoo saareen inuu dalka ka bixi karin Raysalwasaare Cali Saydan. Balse warar hada soo baxaya ayaa sheegaya in Raysalwasaaraha xilka laga qaaday Cali Saydan uu ka baxsaday wadanka Liibiya hadana ku sugan yahay Jasiirada Malta.

Maleeshiyaadka gacanta ku haya xarumaha shidaalka laga soo saaro ee bariga dalkaasi Liibiya ayaa dhawaan ku dhawaaqay ismaamul gobaleed ka madax banaan Tripoli, waxayna sheegeen inay xaq u leeyihiin inay dhoofiyaan shidaalkooda.

Dowlada Liibiya ayaa Qaramada Midoobay ka codsatay inay cunaqabatayn kusoo rogto wadankii wax heshiis shidaal ah la gala maleeshiyaadka ku sugan bariga Liibiya.

Markabka ka yimid dalka Kuuriyada Waqooyi ayaa ah kii ugu horeeyey oo shidaal ka qaada dhulka maleeshiyaadkaasi heystaan ee dalkaasi Liibiya.

 Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories