HomeRaysal Wasaarihii Hore Ee Masar Axmed Shafiiq oo sheegay in Gen.Sisi uu...

Raysal Wasaarihii Hore Ee Masar Axmed Shafiiq oo sheegay in Gen.Sisi uu musuq maasuqi doono Doorashada Masar

Date:

Related stories

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Masar (SLPOST)Raysalwasaarihii hore ee dalka Masar Axmed Shafiiq oo la filayey inuu isu sharaxo doorashada Madaxweynaha ayaa cod laga duubay ku sheegay in hogaamiyaha Militariga Cabdifatax Al Sisi uu musuq maasuqi doono doorashada soo socota.

axmed-shafiiq

Axmed Shafiiq oo lagu waday inuu markale isu soo sharaxo doorashada Madaxweynaha Masar ayaa cod laga duubay lagu faafiyey shabakad uu leeyahay ururka Ikhwaan Muslimiinka.

Codkan laga duubay Axmed Shafiiqi ayuu ku sheegay in hogaamiyaha Militariga Masar Cabdifatax Al Sisi uu musuq maasuqi doono doorashooyinka Madaxweynaha, isla markaana doorashadaasi noqon doonto mid magac-u-yaal ah.

Axmed Shafiiq ayaa sheegay inuusan xilka Madaxweynaha isu sharaxi doonin hadii Cabdifatax Al Sisi uu kamid yahay murashaxiinta, maadaama uu hogaamiyaha militariga hadaba maamulo dalka Masar isla markaana musuq maasuqi doono natiijada.

Axmed Shafiiq ayaa xilka Raysalwasaaraha soo qabtay sanadkii 2011 xiligii ay dalka Masar ka bilowdeen banaanbaxyada looga soo horjeeday Xusni Mubaarik, wuxuuna xilka iska casilay muddo bil ka dib ah markii Mubaarik xilkaasi u magacaabay.

Axmed Shafiq oo sidoo kale horey usoo qabtay xilka Taliyaha Ciidamada Cirka Masar iyo Wasiirka Duulimaadka, ayaa doorashadii Madaxweynaha ee sanadkii 2012 ka qeybgalay waxaana codad yar uga guuleystay Maxamed Morsi oo ka socday xisbiga Ikhwaan Muslimiinka.

Axmed Shafiiq ayaa u baxsaday dalka Imaaraadka Carabta dhamaadkii sanadkii 2012 kadib markii xeer illaalinta dalka Masar kusoo oogtay danbiyo.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories