HomeQurbejoogga Reer Awdal ee Woqooyiga Maraykanka oo Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa ku bogaadiyey...

Qurbejoogga Reer Awdal ee Woqooyiga Maraykanka oo Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa ku bogaadiyey siyaasaddooda hoggaamineed, ballan-qaadayna inay garab-taagan yihiin

Date:

Related stories

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Madaxweyne ku-xigeenkiisa Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta xarunta madaxtooyada ku qaabilay Aqoonyahanka iyo wax-garadka Qurbejoogta ah ee ka soo jeeda gobolka Awdal.

IMG_0016Aqoonyahanka iyo wax-garadka Qurbejoogta Awdal, ayaa kulanka ay maanta la qaateen madaxda dalka ugu sarreysa, waxa ay ugu gudbiyeen qoraal xambaarsan bogaadin iyo hambalyo la xidhiidha nidaamka hoggaamineed ee ay ku daadihinayaan siyaasadda gudaha iyo dibadda ee dalka.

IMG_0014Sida lagu sheegay war-murtiyeed kooban oo laga soo saaray kulanka madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisu la yeesheen qurbejoogta Awdal, waxa ay ku bogaadiyeen heerka gaadhsiiyeen horumarka ka jira dalka, waxaanay sheegeen waxqabadkaasi inuu yahay mid ugu hiilinaya hiigsiga qaran iyo ka midho-dhalinta u jeedooyinka sii adkaynaya gaadhitidaanka yool dhamaystiran oo sii xoojinaya miisaanka qaranku bulshada caalamka ku leeyahay.

“Run ahaantii haddaanu nahay aqoonyahanka iyo wax-garadka gobolka Awdal ee degan Woqooyiga Ameerika (Maraykanka iyo Canada), waxaanu si dhow ula soconaa tallaabooyinka is-daba joogga ah ee dhinaca horumarka u socda ee xukumad ahaan aad qaadeen, waxaanu aad ugu faraxsanahay in horukacaasi uu raad ku yeeshay siyaasadda Arrimaha Dibada iyo tan gudahaba, waxaana xusid mudan isbeddelladaasi in ay yihiin qaar taabtay bulshada reer Somaliland oo dhan, kuwaasi oo ay ugu muhiimsan yihiin waddooyinka, waxbarashada, caafimaadka, Amniga gudaha, arrimaha dibada, miisaaniyada iyo waliba qaar kaloo badani,” ayaa ka mid ahaa qoraalka ay qurbejoogta gobolka Awdal u gudbiyeen madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa, sida lagu xusay war-saxaafadeedka ka soo baxay xafiiska Afhayeenka madaxtooyada.

Warku waxa uu intaas ku daray inay ku bogaadiyeen madaxweynaha socdaalkii dheeraa ee xeebaha uu ku soo maray dhowaan, “Waxa uu dhiiri-gelinayay wax-qabadka adeegyada bulshada waana kuwo markhaati cad ka bixinaya sida aad u gudateen waajibaadkii iyo amaanadii ummada aad u hayseen,” ayay qoraalkooda ku sheegeen.

IMG_0009Qurbe-joogta reer Awdal waxa ay ballan-qaadeen inay ka qayb-qaadanayaan doorkooda ka wejahan horumarinta dalka. “Waxa naga go’an in kaalintayada annagoo isku duuban aanu qaadano, idinkuna barbar istaagno dhismaha qaranka iyo horumarintiisa, waanu idinku hambalyaynaynaa horumarka marba marka ka danbaysa sii xoogaysanaya, kaasi oo muuqaalka uu bixinayaa ay noqonayso mid uu taageero qarankeenu kaga helayo bulshada caalamka,” ayaa lagu sheegay qoraalka oo madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa ay soo gaadhsiiyeen Xaaji Ibraahim Muxumed Aaye iyo Xasan Halas oo wakiil ka ah Qurbjoogta Reer Awdal ee Woqooyiga Ameerika.

SOMALILANDPOST.NET

CONTACT@SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories