HomeQiso Xiise Badan Oo Dhex Martay Madaxweyne Jacfar Numayri Iyo Nin Ka...

Qiso Xiise Badan Oo Dhex Martay Madaxweyne Jacfar Numayri Iyo Nin Ka Mid Ahaa Shaqaalaha Dawladda

Date:

Related stories

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Khartuum (SLpost)- Jacfar Numayri oo hore madaxweyne uga soo noqday dalka Suudaan waxa uu ka mid yahay madaxweynayaasha dunida soo maray ee leh qisaska badan ee maadayska iyo qosolka noqday. 

Goor subax ah ayaa uu madaweyne Numayri boogasho indha-indhayn ah oo aan hore loo sii filayn ku tegey mid ka mid ah wasaaradaha dalka Suudaan. Inta uu kursi hor dhigtay kadinka laga galo dhismaha wasaaradda ayaa aanu qof kasta oo waqti ka dambeeya kii shaqada ee rasmiga ahaa wasaaradda yimaadda waxa uu weydiinayey sababta, cidda aanu cudur daarkeeda maangal u arkin ama dayacaadi ka muuqatana waxa uu u gudbinayey anshax marin.

Madaxweyne Numayri oo halkii fadhiya ayaa waxaa u yimi mid ka mid ah shaqaalihii wasaaradda oo goor aad u dambaysa socda, ninkan shaqaalaha ah oo gartay in ruuxa meesha fadhiyaa madaxweynihii dalka yahay, waxaa dhex maray sheekadan xiisaha badan:

Madaxweynihii: Ma shaqaale ayaa aad ka tahay wasaaraddan:

Shaqaalihii: HAA

Madaxweynihii: Maxaa aad ku soo habsaantay?

Shaqaalihii: Wallaahi, qoys jaarka ka mid ah ayaa ay geeriyi ku timid oo aan aaska yara tegey, hadda ayaa aanan xabaashii ka imi.

Madaxweynihii: Gartay, Ma geeri ku timid qoys aad jaar tihiin awgeed, ayaa aad laba saacadood kaga dib dhacday waqtigii lagaa rabay in aad shaqada timaaddo.

Shaqaalihii: Oo adigu markii uu dhintay Cabdinaasir (Waa Madaxweynihii Masar) inta aad aaska ka qayb gashay ayaa aad shaqada qaranka toddobaad dhan kaga maqnayd ee ma cid baa ku xisaabisay?!!

Madaxweyne Numayri oo arkay in uu ninkani ka gar joogo maadaama oo uu isaguba geerida dal deris ah ka dhacday ku maqnaa muddo ka badan inta uu ninkani ku maqnaa geerida deriskiisa. Ayaa qosol awgii ku sigtay in uu kursiga ka dhaco isaga oo leh, “Aamus, aamus..”

Jacfar Numayri oo ahaa madaxweynihii Shanaad ee dalka Sudan waxa uu xukunka afgembi ku qabsaday sannadkii 1969kii waxa aanu talada dalkaas hayey tan iyo sannadkii 1985kii.

Xigasho Geeska

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories