HomeQIIMAYNTA DASTUURKA KULMIYE: Qaab-qoraalka qumman iyo qaab-dhaqmeedka qalloocan - By Boobe Yuusuf...

QIIMAYNTA DASTUURKA KULMIYE: Qaab-qoraalka qumman iyo qaab-dhaqmeedka qalloocan – By Boobe Yuusuf Ducaale

Date:

Related stories

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

kulmiyeHordhac:

Waa maalmihii……Waa maalmaheedii…….Waa maalmihii Khamiisle-taraarka……Waa maalmihii isku-dul-liska…….Hadal-hayntan 9aad ayaa Qormooyin isu sii kala jiidaysa. Ha ka ambannina oo ha ka lumina…..Ma nala socotaan.

Aah! Tanina ma inoo dambeysay. Xisbi qabsan kari la’ Shirweynihiisii. Weliba Shirweynihii 3aad ah oo aan kii ugu horreeyay ahayn. Xisbi sheeganaya in uu laba iyo toban jirsaday. Waa sida aan habeen dhaweyd ka maqlayay Muuse Biixi oo Tv-ga ka hadlayay. Xisbi sheeganaya in uu hayo talada dalka Jamhuuriyadda Somaliland, xaqiiqadu se tahay in uu xukuumadda maanta talada haysa marti ku yahay oo ay Qurbo-joogga soo qamaamay uga talo iyo tamarba badan yihiin. Iyo dad aan soo joogin oo aan soo jirin iyo weliba dhawaan-xoolow dhandhamada sedka mooda, sidii Axmed ‘Genius’ u sheegay bishii ogos 6dii, 1984kii galabtii Jigjiga laga furayay Shirweynihii 4aad ee SNM.

Galabiba, galab ka tilmaaman e’, tuducyadii Maansadii Dhayalsiee uu galabtaa Shirweynaha ku furay, waxa ku jiray:

“Ma dhurwaa I haystaan,

Ku beddeli dhurwaa kale,

Mise aniga dhiil-xoor,

Igamaba dhammaadoo,

Markii Dhahar la waayaba,

Dhiqlaa soo beddeli jiray,

Beeshayaduna Dhaantada,

Dhaqan bay u leedee,

Allow anu ku soo dhicin,

Mid kaloo dhabqinayaa,”

 

Waa tuducyo ilaa maantadaa aynu joogno taagan oo taabbo-gal ah. Weli waa aynu ducaysanaynaa. Oo maxaynu ka ducaysanaynaa? In aanu ku soo dhicin mid kale oo dhabqinayaa. Ama aanu ku soo dhicin mid hore u dhabqiyayba. Suugaantu waa taas. Markaas ayay xariir tahay oo aanay duugoobin.

Halgaamaagii waddaniga ahaa, Darwiishkii Sayid Maxamed Cabdille Xasan oo af-maalna ahaa suugaanyahan ah, ayaa laga guntay:

“Haddii aanay luulidu kuu taxnayn, labacu waa been,”

Luuli waa suugaanta raandhiiska leh ee aan maalmaha, sannadaha iyo qarniyada midnaba ku tirmin. Labacu waa waxa aan waarin ee qosol-ku-jabka ah. Waa suugaanta rakhiiska ah ee maalin-la-noolka ah.

Sheekadii Kulmiye ku soo noqo. Marka la qiimaynayo, marka la diiwaan-gelinayo ama marka la falanqaynayaba Xisbiyada waxa laga abbaaraa: Barnaamajka Siyaasadeed iyo Xeerka ama Ddastuurkaba, hadba sida loo yaqaanno. Wixii soo raaca ee aasaasi lagu sheegaaba waa astaanta iyo calanka.

Maanta amba-baxeennu waa Dastuurka Xisbiga kulmiye oo aynu ku eegaynno ama ku dhudhuminaynno qaban-qaabada ay ugu jiraan shirweynahoodan qabsoomi la’. Ma maqasheen: “Waar abtow halkee ayay salaaddu ka xidhmi la’dahay.” Waxaynu isku dayaynaa in aunu abbaarno halka ay xaaladdan Kulmiye ka guntami la’dahay innaga oo u cuskanayna Dastuurkooda mar mar koobanna ku qalayn donna ama ku jar-jari donna Qodobbo ka mid ah Dastuurka Qaranka.

Qoraalka Dastuurku ma laha Hordhac tilmaamaya halka looga soo meydhax-diiray iyo illimaha looga arooray. Ha koobnaadoba, bal se waxay ahayd in ay Hordhac gaaban oo kooban u qoraan. Waa wax ka dhiman quruxdiisa iyo dhammaystirkiisaba.

Qacda hore eegmada Dastuurka Kulmiye oo ka kooban 35 bog waa mid awran oo aad u shilis. Waa Dastuur intiisa ku duq ah oo ku ash ah. Ilaahay ayaa dhammaansho u sugnaadeen. Ilaahay ayay Dastuurkiisa iyo axkaamtiisuba dhan yihiin. Wax aadame qorto ayaan dhammays noqon. Dastuur oo dhan ayaa qabyo ah, ka Kulmiyena kuwaas ayauu ka mid yahay oo mar walba waa la sii hagaajin karaa.

Nuqulka Dastuurkan Kulmiye ee aan ka hadlayaa waa kii wax-ka-beddelka lagu sameeyay 31/03/2008kii. Wuxu ka kooban yahay 63 qodob. Qaybta koowaad ayaa ku bilaabmaysa: Tilmaamaha Guud oo u sii kala baxaysa: Magaca Xisbiga, Astaanta Xisbiga, Calanka Xisbiga, Xarunta Dhexe ee Xisbiga, Ujeeddooyinka Xisbiga, Dabeecadda Xisbiga, Luqadda Xisbiga, Dhaqaalaha Xisbiga, Xubinnimada Xisbiga, Aqbalaadda Xisbiga, Kala-noqoshada xubinnimada Xisbiga, Xuquuqda Xubinta, Waajibaadka Xubinta iyo Taageerayaasha Xisbiga.

Yaa salaam! Bilowga ka wanaagsan oo aad ka gasho Dastuur xisbi leeyahay miyaad garanaysaan. Haa, waa run oo qabyo waa ay ku jirtaa oo waa la sii hufi karayaa, bal se miyaanu ku fiicnayn Xisbi Somalilandi ah oo aan weli qaan-gaadhin.

Intaa marka aad ka durduurato oo lagu soo koobay 6 bog oo keliya ayaad gelaysaa Qaybta 2aad ee Dastuurka Xisbiga kulmiye oo ah Qaab-dhismeedka Xisbiga Kulmiye. Wuxu bilaabmayaa Qodobka: 1aad, Faqraddiisa B oo ah: Heer qaran. Laba ayay u sii kala baxdaa oo kala ah: Shirweynaha iyo Golaha Dhexe.  

LA SOCO………

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories