HomeQarixii Daallo Oo Al-shabaab Sheegatay iyo Warbaahinta CNN Oo Baahisay Mid Ka...

Qarixii Daallo Oo Al-shabaab Sheegatay iyo Warbaahinta CNN Oo Baahisay Mid Ka Mid Ah Nimankii Kamarada Amaanka Ee Madaarka Laga Arkay In Isagiina La Qarxiyay

Date:

Related stories

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Muqdisho(SLpost)-Ururka al-Sbabaab, ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkii diyaaradda Daallo Airline ee horraantii bishan February lagu qaaday, xilli ay ka duushay garroonka Muqdisho kuna sii jeedda Jabuuti.

War ay Shabaab soo saareen ayay ku sheegeen inay bar-tilmaameed sanayeen waxay ugu yeereen sirdoon reer galbeed iyo Turkiyiin saarnaa diyaaradda, sida ay ku sheegeen war uu ururku soo saaray maanta.Qarax loo adeegsaday Laptop, ayaa lagu dhex qarxiyay diyaaradda Daallo, xilli ay ka kacdey garroonka dayuuradaha ee Muqdisho, islamarkaasina 14 kun oo Fiit ay dhulka u jirtay.

Halkaasi waxa ku dhintay hal ruux oo la rumeysan yahay in uu ahaa qofkii qaraxa maleegay, oo ka soo faniinay duleel uu qaraxa u yeelay dayaaradda.Wadihii diyaaradda, ayaa markaasi kadib ku guuleystay in uu dib ugu dejiyo Daallo halkii ay ka kacdey ee garroonka Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya, ayaa hadda u xiran dad looga shakisan yahay wax ka ogaanshiyaha iyo maleegidda weerarkaasi la doonayay in lagu laayo dadkii la socdey duulimaadkaasi ku socdey Jabuuti, horraantii bishan February.

Dhanka Kale Diyaaradii Daallo Airline, ee horaantii bishan qaraxa lagu waxyeeleeyay magaalada Muqdisho ayaa waxa ka soo baxaya xogo kala duwan.

Telefishanka CNN ayaa habeen hore baahiyay in walax qaraxda oo lagu xidhay Kombiyutarka gacantu ay sababtay qaraxa. Dawladda Somaliya ayaa baahisay muuqaalo laga soo saaray kamaradaha qarsoon ee ee garoonka Muqdisho, kuwaas oo muujinaya laba ruux oo isu dhiibaya koombiyuutarka, waxaana labadaas ruux oo ka mid ah shaqaalaha madaarka loo taxaabay xabsiga. Hase yeeshee arrinta yaabka leh ee uu Telefishanka CNN sheegay ayaa ah in saddex cisho ka dib qaraxii diyaaradda, qarax kale lagu dilay mid ka mid ah labadaas ruux. Telefishanku wuxuu sheegay in qofkaas lagu qarxiyay baabuur uu la socday, ka dib markii uu wadihii baabuurka oo ahaa ruuxa kale ee isna muuqaalka kamarada kala soo baxay uu gaadhiga ka degay una sheegay inuu tukaan alaab ka soo iibsanayo, markaas oo baabuurkiina qarxay.

Sababta keentay in qarax lagu dilo, labada nin ee muuqaalada qarsooni soo saareen islamarkaana xabsiga looga sii daayay ayuu Telefishanku tilmaamay inay dareeno iyo su’aalo badani ku gadaamanyihiin.

Telefishanku, wuxuu kaloo falanqayn ku sameeyay sababta keeni karta in walax qaraxdaa ay si fudud u dhaafto qalabka casriga ah ee yaalay garoonkaas Muqdisho ee lagu baadho alaabooyinka iyo dadka dhoofayaba.Dawladda Somaliya, waxa ay qaraxaas ku tilmaanay mid argagixiso, laakiin cid ilaa hadda sheegatay ma jirto, waxaanay sheegasho la’aanta qudheedu ka mid tahay mucjisooyinka la arkay qaraxa diyaaradda Daallo ka dib.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories