HomeQarax Khasaare Geystay Oo Ka Dhacay Gaalkacayo

Qarax Khasaare Geystay Oo Ka Dhacay Gaalkacayo

Date:

Related stories

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Gaalkacayo (SL.Post) Laba qarax oo aad u culus,  ayaa ka dhacay xeraddii hore ee Dayaxa magaalada Gaalkacyo oo haatan laga dhigey Suuq aad u weyn.

 

Qarax-Suuqa-Cusub-Gaalkacyo-4

 

Qaraxyada dhacay ayaa ahaa labo, ayaa waxa fuliyey qof naftiisa biimeeyey oo gaadhi ku dhuftay derbiga Dowladda Hoose, weerarkaas ayaa geystey khasaare aad u ba’an gaar ahaan waxaa ku dumay inta badan guryihii suuqa laga dhisey, waxaana gaarigu ahaa nooca loo yaqaan Daynaha ee xamuulka yaryar loo isticmaalo, kadib waxaa gobta ku soo xoomey oo isugu yimid dadweyne aad u faro badan, ardeyd ka soo yaacdey iskool goobta ku dhaw. Waxaa la maqley rasaas ka soo dhacaysa gaari nooca NOAH loo yaqaan, kadib waxaa u jawaabey ciidanka AMNIGA, waxaana gaariga oo xoog usocdaa lagu dhex qarxiyey dadkii isugu soo baxay halka weerarku ka dhacay, waxaana halkaas ka dhacay dhimasho iyo dhaawac aad u badan.

Qarax-Suuqa-Cusub-Gaalkacyo-4

 

 

Dadka geeriyoodey ayaa dhamaantood ahaa ganacsatada yar-yar, ardey, xamaali, macaamiisha suuqa adeega u soo doobtey iyo dad kale oo rayid ah. Wararku waxay sheegayaan in dadka ku geeriyoodey uu kamid ahaa taliyihii ilaalada canshuuraha ee Dowladda Hoose Gaalkacyo Khadar Dhuubane.

 

Qarax-Suuqa-Cusub-Gaalkacyo-3

 

Waa adagtahay in la ogaado khasaaraha nafeed ee meesha ka dhacdey marka la eego dhibaatada uu geystey qaraxa danbe, weriyaha Horseed Media ayaa sheegaya in uu laamah caafimaadka ka ogaadey ugu yaraan 15 qof in ay geeriyoodeen, ayna jiraan dad dhaawacyo culus qaba.

Qarax-Suuqa-Cusub-Gaalkacyo-2

 

Weerarkan ayaa imaanaya iyada oo magalada Gaalkacyo ay ka socotey hawlgal ay si wada jir ah u fuliyeen ciidamada PSF iyo Danab kaas oo lagu soo qab qabtey saraakiil sarsare oo al-Shabaab ah.

 

 

Somalilandpost.Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories