HomeQaramada Midoobay oo soo Saartay Warbixin Shaacisay Fadeexado Musuqmaasuq oo Xukuumadda Soomaaliya...

Qaramada Midoobay oo soo Saartay Warbixin Shaacisay Fadeexado Musuqmaasuq oo Xukuumadda Soomaaliya ku Kacday

Date:

Related stories

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

 

Muqdisho(SLpost)- Kooxda cunno-qabteynta hubka Soomaaliya iyo Eritrea ayaa warbixin ay kasoo saareen Somalia kaga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin; amniga, budhcadbadeedda, dhoofinta dhuxusha, musuq-maasuqa iyo argagaxisada.

 

Warbixintan guddiga oo ka koobnayd 400-bog ayaa waxay guddigu ku sheegeen in baarlamaanka Somalia uu yahay mid ku kala baxa lacag marka ay timaaddo codeyn ama mooshin, iyagoo tilmaantay in baarlamaanka Somalia uu laba garab u qaybsan yahay; kuwaasoo ay ku kala sheegeen kuwo taageersan ururro lagu kala magacaabo Dam Jadiid iyo Aala-Sheekh, iyadoo mar walbana ay guushu raacdo kooxdii lacagta ugu badan bixisa.

 

Sidoo kale, warbixinta waxay ka hadashay dhoofinta dhuxusha iyagoo sheegay in dhoofinta dhuxusha ay hoos u dhacday sannadkan. Waxayna guddigu xuseen in hoos-u-dhacan uu yimid kaddib markii Al-shabaab laga qabsaday Baraawe bishii Oktoobar sannadkii hore.

 

Warbixinta ayaa waxaa kaloo lagu sheegay in musuq-maasuq baahsan uu ka jiro bixinta sharciyada ogolaanaya kalluumeysiga, iyadoo la ogaaday baa lagu yidhi warbixinta in si qaldan loo siiyo ogolaashaha kalluumeysiga shirkaddo ajaaniib ah, kuwaasoo intooda badan ka diiwaan-gashan dalka Shiinaha.

 

Guddigu waxay warbixintooda ku xuseen in lacagaha laga qaado shirkadaha kalumeysiga ay si khalad ah ugu dhacaan xisaabaadyo gaar loo leeyahay oo ka furan dalka Jabuuti, halka ay ku dhici lahayd qasnada dowladda Somalia.

 

Kooxdan ayaa waxay warbixintooda ku xuseen in qaladaad dhinaca xisaabaadka ah uu ka jiray safaaradda Somalia ee dalka Kenya xilligii uu maamulayay danjire Maxamed Cali Nuur [Ameerika], iyadoo intii u dhexeysya Jannaayo 2014-kii illaa iyo Abriil 2015-ka, safaaradda waxay soo xereysay 960,836 oo doollar oo laga qaaday 7,500 oo ah Somali baasaboorro loo sameeyay, isla waqtigaas waxaa Bangiga Dhexe ee Somalia ku dhacday 486,258 oo doollar, halka 474.578 oo doollar oo kale aan la ogeyn halka ay martay.

 

Ugu dambeyn, warbixinta ayaa lagu xusay in 10-casho ka hor intii aanu xafiiska wareejin danjire Ameerika uu keenay aqoon-yahanno dhinaca kambiyuutarrada ah, kuwaasoo tirtiray dhammaan kaydadkii kambiyuutarrada safaarada ku jiray, si aan tix-raac  dambe loogu sameyn.

Source: Hiiraan Online

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories