HomeQaabkee ayuu u dhacay Qaraxii Khasaaraha badan Geystay ee Maanta gil-gilay Baydhabo?...

Qaabkee ayuu u dhacay Qaraxii Khasaaraha badan Geystay ee Maanta gil-gilay Baydhabo? (SAWIRRO)

Date:

Related stories

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Baydhabo (SLpost)- Ugu yaraan 13 qof ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen, 25 kalena ku dhaawacmeen, Qarax ismiidaamin ah oo gelinkii dambe ee maanta ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, 13-ka ruux ee ku naf-waayay qaraxaas ayaa la sheegay inuu ku jiro ruuxii qaraxaas fuliyey.

SAWIRRO (6)Wararka ka imanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in dadka dhintay ay ku jiraan shan ka mid ah shaqaalihii xarunta shirkadda Dahabshiil ee Baydhabo, halkaasoo uu ku sugnaa Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga ee maamulka lixda gobol ee Koonfur-galbeed Soomaaliya ee bishii hore magaaladaas lagaga dhawaaqay Cabdifataax Maxmaed Geesey oo la filayo in weerarkaas lagu bartilmaameedsaday isaga.

“Qaruxu wuxu ahaa mid xooggan, waxaanan arkay dhimashada 12 qof oo ay ku jireen laba ka mid ah ilaalada Cabdifataax Geesey, dadka kale ee dhintayna waxaa ka mid ahaa shan ka tirsanaa shaqaalaha shirkadda Dahabshiil iyo dad rayid ah oo qaarkood shirkadda lacago ka qaadanayeen.” Sidaa waxa yidhi Weriye ka hawlgala magaalada Baydhabo oo warbaahinta faahfaahin ka siiyey sida wax u dhaceen ee uu goob-joogga u ahaa.

Sidoo kale, Weriyaha ayaa sheegay in Cabdifataax Geesey aanay waxba ka gaadhin qaraxaas naf ahaantiisa, iyadoo goobta oo dhan ay xidheen Ciidammada dowladda Soomaaliya ee Baydhabo ku sugan, waxaanu sheegay in qaraxu uu geystay burbur xooggan.

“Weerarkan ismiidaaminta ahi wuxuu saameyn aad u xooggan ku yeeshay marka laga soo tago adeegyadii korontada iyo isgaadhsiinta magaalada, runtii qaraxani wuxuu ahaa kii ugu xoogga badnaa oo ka dhaca Baydhabo sannadkan 2014-ka.” Sidaa ayuu yidhi Weriye Hiiraan u jooga Baydhabo oo xaaladda magaalada ka soo warbixiyey qaraxa ka didb.

SAWIRRO (4) SAWIRRO (3) SAWIRRO (2) SAWIRRO (1)Ma jirto cid sheegatay inay mas’uul ka tahay qaraxaas, iyadoo mas’uulka weerarka lagu bar-tilmaameedsanayay aanu weli isaguna ka hadal, iyadoo qaraxa uu ahaa mid lagu fuliyay gaadhi noociisu ahaa TOYOTO NOAH oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qaraxa.

Dhaawacyadii ka dhashay qaraxan ayaa la dhigay Cusbitaalka weyn ee Baydhabo, iyadoo uu soo sheegayo, si halkaas loogu daweeyo, waxaana Cusbitaalka iyo hareerihiisa buux-dhaafiyey sida lagu soo warramayo ehelada dadka ku dhaawacmay weerarkaas araggixisannimo ee maanta ka dhacay magaalada Baydhabo.

 

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories