HomeNuxurka Talooyin Xukuumadda Somaliland uga faa'idaysatay wax-ka-qabashada tabashooyinka ka taagan Gobollada Bari...

Nuxurka Talooyin Xukuumadda Somaliland uga faa’idaysatay wax-ka-qabashada tabashooyinka ka taagan Gobollada Bari ee dalka iyo cidda soo jeedisay

Date:

Related stories

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Hargeysa (SLpost)- La-taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee Goboladda Bari Eng Cabdinaasir Garaad Abshir, ayaa Waraysi uu bilowgii sannadkan siiyey warbaahinta dalka qaarkood ku soo bandhigay talooyin dhaxal-gal noqday xukuumadda uu ka tirsan yahayna u ayday kuna dabbaqday wax-ka-qabashada tabashooyinka ka taagan gobollada Bari ee dalka, waxaanu waraysigaas ku tilmaamay in wax lagaga qaban-karo Cabshooyinka kasoo yeedhaya Goboladda Berri ee Somaliland, isagoo hoosta ka xariiqay in deegaamadaas si balaadhan loo gaadhsiiyo Adeegyada kaabayaasha nolosha, kuwaas oo ay hadda muuqato inay Xukuumaddu ku dhaqan-tay.

engXukuumadda Somaliland, ayaa dhawaan wada-hadal fool-ka-fool ah oo aan wali midho-dhalin la furtay hoggaamiyaha kooxda Khaatumo, Cali Khaliif Galeydh, waxaana midho-dhalka wada-hadalkaas safar aan hore loo shaacin maanta ugu baxay gobollada Bari Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo lagu wado inuu maalmaha soo socda kulan la qaato Cali Khaliif Galeydh iyo siyaasiyiin mabada’oodu ka soo horjeeday nidaamka dawladnimo ee Somaliland.

Haddaba, xukuumadda Somaliland, ayaa wakhtigan u muuqata mid waajahday isla markaana dabbaqaysa talooyinka uu xilligaas soo jeediyey Cabdinasir Garaad Abshir oo ah aqoonyahan da’ yar oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Gobolka Buuhoodle.

La-taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee arrimaha Goboladda Berriga, Eng Naasir Garaad Abshir, waxa uu waraysiga uu todobada Bilood ka hor siiyey warbaahinta ku soo bandhigay talooyin qayb laxaad leh ka geysanaya wax-ka-qabashada tabashooyinka dhinaca maamulka iyo arrimaha bulshada ee ka taagan gobollada Bariga Somaliland, gaar ahaan gobollada Buuhoodle, Sool iyo Sanaag, waxaanu La-taliyuhu waraysigan kaga jawaabay weydiimo kala duwan oo laga su’aalay Xaaladaha dhaqan-dhaqaale, Amni, waxbarasho iyo Siyaasadeed ee ka taagan Gobollada Bariga Somaliland.

Waraysiga lala yeeshay Eng Abdinasir Garaad Abshir Garaad Saalax, ayaa ugu horeyn wax laga weydiiyey xaaladaha xilligan ka jira gobollada Bari, waxaanu ku jawaabay, “Xaalka Gobollada Bari ma fiicna kadib markii 24 sannadood dib-u-dhac ku yimid, dib u dhaacaas weyn badankiisa waxa qaybta ugu ballaadhan leh siyaasinta ka soo jeeda gobolladaas iyo dowladahii soo maray Somaliland oo ka gaabiyay in wax qabadka halkaas la gaadhsiiyo. Waxaa kale oo dib u dhaca iyaguna qayb ku leh maamulka Garoowe oo isna dadkii ku doonaaya inay Isir ku raacan. Waxaa kale oo arrimahaas kor ku xusan kusoo biiray kacdoono rag siyaasiyiina hor kacayaan, wakhtigan hadeerna arrimahaas aan kor kusoo sheegay way taagan yahiin,” Sidaas ayuu ku jawaabay Eng Abdinasir Garaad Absir.

Mar la weydiiyey rejada uu ka qabo inay gobolladaas ka qabsoomi karaan Doorashooyin iyo Diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo inta badan gobollada dalka laga furliyey waxa uu ku jawaabay, “Arrintaas doorashadda iyo diwaan-galintuba waxaan qaladka ugu weyn saarayaa Komishanka Doorashooyinka Somaliland oo mudo farabadan lumiyay oo loo baahnaa dadkaas gobollada Bari in ay gaadhsiiyan wacyi gelin ku saleysan doorashada soo socota,mudo hadeer laga joogo bil iyo badh kahor uu iiyeedhay guddoomiyaha Gudiga doorashooyinka Somaliland Cabdiqaadir, waananu gaadhsiinay qoraal ku waajahan sida gobollada Bari doorasho uga qabsoomi karto, qodobbo 8 ah ayaanu hoosta ka xariiqnay oo wacyi gelintu ugu horeyso ilaa hadeerna weli komishanka muu dhaafin burco.”

Isaga oo ka jawaabay su’aal laga weydiiyey qorshaha uga yaalla xukuumadda uu ka tirsan yahay xal waara oo laga gaadho tabashooyinka ay tirsanayaan shacabka reer Buuhoodle, waxa uu ku jawaabay, “Buuhoodle waa magaalo ka midah kuwa Gobollada Bari. Anigu in muddo ah saxaafada waan ka sheegay Gobollada Bari ee kale ee maamulka Somaliland gaadhay haddii la gaadhsiiyo wax qabad iyo horumar, markaas xiisada Buuhoodle way dhamaan oo wax-qabdkaas kamay hadheen. Reer buuhoodle ayaa yidhaahda Somaliland maxay anaga nagu falaysaa dhulkii kale ee Bari ee maamulku  gaadhay cidna wax uma qaban,” ayuu yidhi Eng Abdinasir.

Mar la weydiiyey su’aal u dhignayd, ‘Cali Khaliif Galaydh miyay xukuumaddu awoodi kari-weyday inay ku qanciso inuu Somaliland yimaaddo oo ka qeyb-galo hanaanka siyaasaddeed ee dalka,’ wuxuu ku jawaabay, “Prof Cali waa siyaasi reer Somaliland ah, arrintaas waa mid aan aad ugu dadaalo in Professorku mar uun dadkiisa iyo dhulkii uu ku koray oo uu wax ku bartay inuu u soo noqdo,waxaan qabaa cid Somaliland ka xigta majirto isagaaba madaxweyna ka noqon lahaa.”

Isagoo ka jawaabay su’aal u dhignayd, ‘Maxay xukuumaddu kala soctaa safarka uu haatan wasiir xaglotoosiye ku joogo gobolka Buuhoodle?’ Waxa uu Eng Cabdinaasir yidhi, “Xaglotoosiya waa wasiir ka tirsan xukuumadda Somaliland xukuumadu qayb bay kuleedahay inuu Buuhoodle gaadho, lakiin wasiirku gacan kahadalka intuu iska daayo waa inuu wada hadal ka bilaabaa waxgaradka Buuhoodle iyo madaxda dhaqanka ee halkaas ku sugan. Reer Buuhoodle dagaal danbe uma baahna waa dad nabadda jecel oo weli aan helin qofkii ugu haboonaa oo gaadhsiiya xulashada siyaasada, Somaliland ku qanciya iyagoo aan lala dagaalamin inay kaqayb galaan beel wadaaga shacabka Somaliland,” ayuu yidhi Eng Cabdinasir Garaad Abshir.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories