HomeNuxurka Qodobo Xasaasi Ah Oo Lagaga Hadlay Shir Albaabadu U Xidhnaayeen Oo...

Nuxurka Qodobo Xasaasi Ah Oo Lagaga Hadlay Shir Albaabadu U Xidhnaayeen Oo Ay Hargeysa Ku Yeesheen Madaxdhaqmeedka Iyo Haldoorka Beesha Makaahiil

Date:

Related stories

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somalilandpost NewsKulankan Ayaa Lagu Go’aamiyey In La Go’doomiyo Siyaasiyiinta Beesha Ee Danaha Gaarka Ah Ku Maxaafsada Mar Walba

Hargeysa (SLpost)- Waxgaradka, Haldoorka iyo Madaxdhaqmeedka beesha Makaahiil Isaaq (Sacad Muuse), ayaa shir albaabadu u xidhan yihiin xalay ku yeeshey magaaladda Hargeysa, kaas oo lagu falanqeeyey qodobo xasaasi ah oo ay beeshaasi ku talo-jirto inay si wadda-jir ah go’aamo uga soo saarto.

Shirkaas ayaa intiisa badan lagu gorfeeyey qaabka ugu haboon ee ay u qabsan lahaayeen shirwaynihii ay hore u iclaamiyeen oo ay go’aansadeen in si degdeg ah loo dardar-galiyo, kuwaas oo sida ay xogaha laga helayo kulankaasi tibaaxeen lagu naaqishay danaha siyaasadeed ee beeshaasi.

Haldoorka kulankaasi iskugu yimid oo sida la sheegay ay gadh-wadeen ka ahaayeen Madaxda dhaqanka ee beesha Makaahiil iyo Xildhibaanka golaha guurtida ugu jira beeshaasi, kuwaas oo isku afgartay inay beeshu wali ku taagan tahay go’aankeedii hore ee ay ku qaadaceen saamigii xukuumadda iyo xisbigeeda Kulmiye-ba ay beeshaasi ka heshay oo ay si wayn iskugu raaceen inuu cad quudheed yahay, kuwaas oo sida tibaaxuhu xusseen ku dooday in dhawaan shir ay beeshu ku qabsan doonto magaaladda Hargeysa laga soo saari doono go’aamo ku taxaluqa danaha beesha iyo halka ay taageeradeeda iskugu biyo shuban-doonto iyo inay taageeradii si rasmi ah ugala noqdeen xisbul-xaakimka iyo xukuumadda Siilaanyo-ba.

Sidoo kale shirkan oo ahaa mid albaabadu u xidhnaayeen oo aan loo ogalayn warbaahinta ayaa sida tibaaxaha laga helay iftiimiyeen lagu soo qaaday taageero ay beesha waydiisteen axsaabta mucaaridka iyo guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo isaga la sheegay inuu si cad taageero u waydiistay beesha Makaahiil balse lagu wargaliyey inuu ka dhur-sugo go’aamada shirkooda.

Shirkan ayey madaxda ka soo qaybgashay oo ay ka mid ahaayeen Ugaaska guud ee iyo labadda Suldaan ee beesha Makaahiil, Xildhibaanka guurtida ugu jira iyo xubno ka mid ah ganacsatada iyo waxgaradka beeshaasi, kuwaas oo isku afgartay in todobaadada soo socda si rasmi ah loo iclaamiyo xiliga shirka beeshu iskugu iman doonto la qaban-doono, isla markaana sida ay tibaaxuhu sheegeen inay qaybihii shirkaasi ka qaybgalay ay isku waafaqeen in siyaasiyiinta mar walba matala beeshaasi ay hagradeen danaha beeshooda, kuwaas oo dano gaar ah ka door-biday danta caamka ah.

Dhinaca kale shirkan beesha Makaahiil Isaaq la sheegay inuu dhawaan magaaladda Hargeysa uga furmi doono ayaa sid la sheegay in lagu soo casuumi doono guud ahaan qaybaha bulshadda ee beeshaasi kuwooga dalka jooga iyo kuwa dibada ku maqanba, taas oo sida xubnaha hormoodka ahi ku doodeen laga soo saari doono go’aamo ku taxaluqa halka ay danta beeshaasi ku jirto mucaarid iyo muxaafidba inay cududooda iyo taageeradoodaba ku caawin doonaan.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories