HomeNuxurka kulan dhex maray Madaxweyne Siilaanyo iyo Ambassador Mahiga

Nuxurka kulan dhex maray Madaxweyne Siilaanyo iyo Ambassador Mahiga

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Demonstration at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Hargeysa, (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ergayga Qarammadda Midoobay u qaabilsan Somaliland/Somalia Augustina Mahiga oo socdaal qaatay muddo laba maalmood ah ku yimid Somaliland.

blank“Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed (Siilaanyo) iyo wakiilka Xoghayaha guud ee qaramadda midoobay u qaabilsan Somaliland/Somalia Augustina Mahiga waxay ka wada hadleen dhawr qodob. Qodobka hore wuxuu ku saabsanaa shirkan labada maalmood ah ee ka socday magaalada Hargeysa ee lagu dardar gelinayo laguna xoojinayo Ha’yadaha dhinaca ammaanka ee beesha caalamkuna khubarada u soo direen inay gacan ka geystaan ayuu qodobka hore ee kulanka madaxweynaha iyo wakiilka qaramada midoobay ka wada hadleen,”ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar.

“Mr. Mahiga waxa uu ka waramay sida ay beesha caalamku u taageersan tahay nabadgelyada ka jirta Somaliland waxaanu sheegay inay qaramada midoobay gacan weyn ka geysan doonto sidii ay ula shaqayn lahayd Somaliland ee loo sii adkayn lahaa nabadgelyada iyo Ha’yadaha nabadgelyada qaabilsan,”ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha dibaddu.

Dr. Maxamed Cabdilaahi wuxuu sheegay inuu madaxweynaha Somaliland uga waramay Wakiilka qorshihii shan sanadoodlaha ahaa ee xukuumaddu samaysay waxaanu yidhi “Madaxweynuhu wuxuu uga waramay wakiilka qarrammadda midoobay qorshaha shan sanadoodlaha ah ee ay xukuumadda Somaliland ay dhigatay gaar ahaan wuxuu tafaasiil ka siiyay qorshaha xukuumaddu ku doonayso inay ku horumariso adeegyadda bulshada iyo Ha’yadaha amnigaba.”

Dhinaca kale, waxa kulankaasi goob joog ka ahaa Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirka Madaxtooyadda Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Wasiirka Arrimaha dibada Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar.

Somalilandpost.net

Contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories