HomeNOOCYADA JACAYLKA (Q – 2 AAD)

NOOCYADA JACAYLKA (Q – 2 AAD)

Date:

Related stories

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Qaybtan tii ka horreysay waxa aynu ka soo hadalnay laba nooc oo ka mid ah noocyada jacaylka. Imikana halkii beynu ka sii anbo qaadi doonnaa.

3. Jacaylka Ciyaarta Ah

Noocan jacayl waa marka lammaanaha is jecel marka uu mid ka mid ah ka kale u soo dhawaado uu ka kale fogaanayo, sidaa caksigeedana, marka uu kii fogaaday soo dhawaado ayuu kii markii hore soo dhawaa sii fogaanayaa. Waaba sidii oo aad mooddo in ay labadoodu isku ciyaarayaan. Mid baa kan kale si qoto dheer u jeclaanaya, dabadeed tii/kii la jeclaaday ayaa ka fogaanaya kan kale, muddo ka dibna, isagii/iyadii la jeclaaday ayaa dib u jeclaanaysa oo isagii ayaa fogaanaya.

Marlabaad, noocyada jacayl midna mid kama wanaagsana, wey kala duwan yihiin balse ma kala fiicna. Jacaylka ugu fiican ee lammaanaha dhex maraana, waa ka uu mid walba kan kale garaayo noociisa jacayl dabadeedna uu sidiisa/sideeda kula dhaqanto.

4. Jacaylka Rooxaaniga Ah

Waa nooca jacayl ee lagu cabbiro hadallo aan caqli gal ahayn. Tusaale ahaan, “waxan rabaa jacayl ilaa samada isku shareera, jacayl ay dadka kale ka sheekaystaan, jacaylka ugu weyn jacayladda…iwm.” Qofka noociisa jacayl yahay kan rooxaaniga ah, waxa uu had iyo goor dalbadaa dalabyo aan xad lahayn mararka qaarkoodna ay adagtahay fulinteedu.

Sidee loola dhaqmayaa qofka noociisa jacayl yahay kan rooxaaniga ah? Isku day in aad si dadban uga dhaadhiciso in aanay macquul ahayn dalabaadkiisu adiga oo isaga la kaashanaya. Sidee ayaad ula kaashanaysaa? Weydii su’aalo aad ka codsanayso sidii aad dalbaadkeeda/kiisa u fulin lahayd. Tusaale ahaan, haddii uu/ay ku tidhaahdo “Jacaylkeennu ha noqdo jacaylka ugu weyn jacayllada inaga oo isla duulayna”, waxa aad ugu fal celisaa weydiimadan “waa si fiican in aynu isla duulno, laakiin side ayaynu u wada duulnaa, bal I tilmaan?”

Waxa habbon in dalabaadkeeda/kiisa la dareensiiyo in uu noqon karo mid waaqica la falgali kara iyo in kale, sababtuna waa dalabaadkeeda/kiisa oo aan xad lahayn awgeed. Haddii kale, waxa laga yaabaa in ay hadhow canaan iyo cambaarayn joogto ah sababto.

Jacaylku keliya ma aha dareen balse waa mashruuc ay tahay in la samaysto. Qof kastaana wuxu ku dhashaa noociisa jacayl ee u gaarka ah. Sidaa daraaded, In la fahmo nooca jacayl ee qofka kale iyo in uu isaguna/iyaduna fahansiiso nooceeda jacayl ayaa muhim u ah labadodaba si ay u haqabtiraan baahiyahooda nafsiyeed oo ay u awdaan gal-dallooladooda.

5. Jacaylka Xanuunka Ah

Waa xaaladda uu ninku/gabdhu iska dhaadhiciso in uu jecelyahay qof kale oo aan warba ka hayn. Gabadh xoghayn ah ayaa laga yaabaa in ay iska dhaadhiciso in uu maamuleheedu jecelyahay. Nin baa laga yabaa in uu isku qufulo in ay jeceshahay gabadh fannaad ah oo caan ah. Farriimo ayuu u dirayaa, haddii ay u soo jawaabi weydana wuxu iska dhaadhicinaya in ay mashquul tahay.

 Xidhiidhka jacayl waa dabar iskaabis iyo is dhamaystiris. Mid waliba waxa uu kan kale u buuxinaya baahida nafsiyeed ee ka maqan. Halka uu ninku ku liito gabadha ayaa u kaabaysa, halka ay gabadhu ku liidatana ninka ayaa u kaabaya. Si ay tani u dhacdo, waa in uu gabadhu ninka kula dhaqantaa sida uu yahay, ninkuna uu gabadha kula dhaqmaa sida ay tahay. Si ay tani u sii dhacdana, waa in uu mid walba gaarkiisa u ogaada nooca jacayl iyo baahida nafsiyeed ee uu u baahnayahay/u baahantahay in loo buuxiyo.

Ahmed Ali Diriye

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories