HomeNin jebiyey go’aan beesha Adan Madoobe hore Madaxweyne Siilanyo ugu gudbisay iyo...

Nin jebiyey go’aan beesha Adan Madoobe hore Madaxweyne Siilanyo ugu gudbisay iyo jawaabta xukuumada laga sugayo

Date:

Related stories

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

“Waxaan leenahay arrinkaa ninkaa is-magacaabaya wax jira maaha, waanan uga diganynaa dadka deriska ah ee la khalday…”Cabdillahi Xirsi Saleebaan

Burco (SLpost)- Waxgaradka Beesha Adan Maxamed (Adan Madoobe) ayaa xukuumada Somaliland ugu baaqay inay talaabo degdeg ah ka qaado nin la yidhaahdo Mustafe Maxamed Adan-weyne ay sheegeen inuu fitno dhexdhigayo, oo qabanqaabada caleema-saarkiisa suldaanka beeshu socoto.

beesha madaxweyne siilaanyoNinkan oo la sheegay inuu magaalada Baali-dhaliye ee deegaanka Soomaalida Itoobiya qabanqaabada caleemasaarkiisu ka socdo ayaa hore guddiga beesha Adan Madoobe ee shirkii Dhagaxdheex lagu doortay qoraal ay u gudbiyeen hay’adaha amaanka, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, badhasaabka gobolka Tohdheer, Taliyaha Qeybta Booliiska Todheer ku cadeeyeen qodobo ay ka mid ahaayeen,  In beesha Adam Madoobe ku go’aansatay shirkii Dhagaxdheer  inaan loo baahnay suldaan beeshu yeelato, Ummada Somaliland waxay u caddeeyeen inaanay ka qeybgelin isla markaana taageerin ninkan sheegtay inuu isku-caleema saarayo suldaanka beesha iyo In Xukuumadu talaabo sharciga waafaqsan ka qaado, una madaxbanaan tahay cid kastoo qeyb ka ah arrinkan lagu kala dhantaalayo midnimada beesha Adan Maxamed.

Wakhtigii shirkii Dhagaxdheex qabanqaabadiisu socotay ayaa sidoo kale hore  arrinka suldaan guud oo beeshu yeelato layskula qaatay inaan loo baahnayn go’aan ay wada jirna looga soo saaray ay ku  saxeexnaayeen 21 odey oo ka kala socday todobada ardaa ee beesha Adan madoobe mid walba saddex odey iyo saddexda Caaqil ee beesha Chief Caaqil Guud ee beesha Adan Madoobe Chief Caaqil Barkhad Cabdi Sheybe, Caaqil Cabdillahi Saxardiid Gaaxnuug iyo Caaqil Axmed Yoonis Qasbaaye, una gudbiyeen go’aanka beesha Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilanyo, muddo imika laga joogo shan bilood horteed.

Dhinaca kale, odeyaal, waxgarad iyo dhalinyaro ka tirsan ardaaga Adan Yoonis (Basanboor) ayaa shaaca ka qaaday inaanu waxba ka jirin, isla markaana aan laysku raacsanayn qabanqaabada caleema-saarka ninka sheeganaya suldaanka beesha Adan madoobe, uguna baaqay beelaha deriska inaanay ku daqmin ka qeybgalkiisa iyo hambalyeyntiisaba.

Odeyaal, waxgarad iyo dhalinyaro ka soo jeeda ardaaga ninkan is-caleema saaraya kana mid ahaayeen Cabdillahi Xirsi Saleebaan, Axmed jaamac Diiriye, oo shalay warbaahinta kula hadlay magaalada Burco ayaa ugu baaqay ninkan sheeganaya inuu isku caleema-saarayo suldaanka iyo dadka la socda inay soo fadhiistaan gogosha beesha Adan madoobe hadii ay wax tirsanayaan, laakiin aanay kula socon talaabada ay ku dhaqaaqeen, kana soo horjeedaan, maadama aanay beeshu isku raacsanayn,

“Waxaan leenahay arrinkaa ninkaa is-magacaabaya wax jira maaha, waanan uga diganynaa dadka deriska ah ee la khalday, arrinta inaanay ku dhexdhacin, iskana hubsadaan, mid beeshu ku wada socoto maaha, marka hore wax beesha Adan madoobe wada qaadatay maaha, marka labaad wax ardaaga basanboor ku wada socdo maaha, laakiin waa arrin inan iyo shaqsiyaad la socdaa wataan.”

Xukuumada Somaliland ayaa la sugayaa jawaabta ay ka bixiso cabashada beesha madaxweyne Siilanyo ugu soo gudbiyeen wax ka qabashada nin ay sheegeen inuu fitno ka dhex abuurayo dhexdooda.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories