HomeMurashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga UCID oo Kulan la Qaatay Saraakiil Sar-sare oo...

Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga UCID oo Kulan la Qaatay Saraakiil Sar-sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Australia iyo Nuxurka Waxyaabaha ay ka wada-hadleen

Date:

Related stories

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Sydney (SLpost)- Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka, Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo socdaal ku jooga dalka Ustareeliya, ayaa maalintii shalay kulan kula qaatay Xafiiska Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalkaas, haweenayda ugu sarreysay waaxda u qaabilsan Arrimaha Bariga Afrika Ms Raine Dixon.

2Kulanka oo 14-kii Bisha ku qabsoomay xarunta Wasaaradda ee caasimadda dalkaas ee Sydney, waxa uu Murashaxa Xisbiga UCID kala hadlay wasaaradda Arrimaha Dibadda Australia kaalinta uu waddankaasi ka geysan karo dhinac horumarinta adeegyada bulshada, doorashooyinka iyo sidii ay kor ugu qaadi lahaayeen xidhiidhka dibloomaasiyadeed ee labada waddan.

Kaaliyaha wasiirka Arrimaha dibadda ee Australia u qaabilsan Bariga Qaaradda Afrika Ms Raine Dixon, waxa ay kulankaas ku soo qaadday Xaddi lacageed oo dhan 10 Milyan oo Dollar oo dawladdeedu ugu talo-galay inay ku caawiso Somaliland iyo Soomaaliya, balse ay ka fekerayaan qaabkii lacagtaas loo bixin lahaa iyo sidii loo xaqiijin lahaa lacagtaasi in loo maamulo sidii loogu talo-galay, sida uu sheegay Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo ka war-bixiyey waxyaabaha ay ka wada-hadleen wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Australia.

“Haweenayda aan la kulmay wax ay sheegtay inay diyaariyeen maaliyad dhan 10 Milyan oo Dollarka Maraykanka ah oo ay ugu talo-galeen inay ku caawiyaan Somaliland iyo Soomaaliya, Laakiin waxay sheegtay inaanay lacagta wali sii daynin oo ay ka baaraan-degayayso dawladda Australia qaabkii loo maarayn lahaa,” ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen oo ka war-bixinayey kulanka uu la yeeshay wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Australia, waxaanu sheegay in uu ka codsaday kuna qanciyey lacagtaas gar-gaarka ah inay sida ugu dhakhsaha badan ee suurta-galka ah ugu caawiyaan shacabka Somaliland.

5“Waxaan ku qanciyey baahiyaha waawayn ee ka jira dalka oo aad u badan dhinaca wax soo saarka Beeraha, iyo waliba horumar ay Somaliland ka nabada Iyo dimoqraadiyada. Dalka Ustareeliya waxay aad u yaqaanaan Beeraha iyo Xoolaha oo innagu xaggaasaynu isaga mid nahay, waxaanan u sheegay inay lacagtaas toos ugu caawiyaan Somaliland halkii ay uga sii marin lahaayeen hay’ad kale oo sii dilaasha. Runtiina, faa’iido weyn baan inoogu jirta haddii ay dawlada Australia barto shacbiga Somaliland sida looga faa’idaysto beeraha Iyo xoolaha. Shacbiga Somaliland waxay u noqonaysaa dhaxal gal oo waxa dhacaysa in ay Ssomaliland sii dhoofiso waxa ka soo baxa beeraha,” ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen oo ka war-bixinayey Waxyaabaha uu kala hadlay haweenaydan wasaaradda Arrimaha Dibadda Australia u u Qaabilsan Bariga Afrika.

Murashax Jamaal Cali Xuseen oo shacabka Somaliland eek u nool dalka Australia kala qayb-galaya xuska munaasibadda 18-ka May, ayaa todobaadkan gaadhay dalkaasi ka dib markii uu safarro kala duwan ku maray dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska oo munaasibado ballaadhan oo taageeradiisa lagu muujinayo lagu soo dhaweeyey.

 

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories