HomeMunaasibadii 11-aad ee Abaal-marinta Shaqaalaha Shirkadda Telesom oo Xalay Lagu Qabtay Huteel...

Munaasibadii 11-aad ee Abaal-marinta Shaqaalaha Shirkadda Telesom oo Xalay Lagu Qabtay Huteel Maansoor

Date:

Related stories

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Hargeysa (SLpost)- Shirkadda Telesom ayaa habeenimadii Jimcaha qabatay munaasibaddii 11-aad ee abaal-marinta shaqaale-weynaheeda oo ah sannadle lagu maamuuso shaqaalaha hawl-karnimadooda la majeertay.

Munaasibada oo ka dhacay hotel Maansoor ee Magaalada Hargeysa habeenimadii Jimcaha, waxaa ka soo qayb galay Wasiirka dhalinyarada dhaqanka iyo ciyaaraha Cali Siciid Raygal, Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guryeynta Cabdirsaaq Khaliif, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Axmed, gudoomiye Ku-xigeenka Kowaad ee Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin, Culimo-awdiin, Salaadiin, Maamulka Sare ee Shirkadda Telesom, Gudoomiyayaasha Daladda SONYO iyo Nagaad, Marti Sharaf kale iyo shaqaalaha Shirkadda Telesom.

DSC05530Munaasibadda oo ahayd tii 11-aad ee Abaal-marinta shaqaalaha shirkadda Telesom, waxa shahaadooyin iyo abaalmarinno lacageed lagu guddoonsiiyey shaqaalihii kaalmaha koowaad iyo labaad ka galay qiimayntii shaqaalaha ee sanadkii 2013, waxaanay Shaqaalahani ka kala socday xarunta guud ee shirkadda Telesom iyo xarumaha ay shirkaddu ku leedahay gobolada dalka oo dhan.

Ugu horayn waxaa furitaanka xafladda ka hadlay maamulaha Waaxda Shaqadda iyo Shaqaalaha ee Shirkadda Telesom muddane Cabdiqaadir  Maxamed Sahal, waxaanu sharraxaad dheer ka bixiyey marxaladaha shirkada Telesom ay u soo xulato shaqaalaha, sida ay aqoontooda u dhisto, qaababka ay shirkadu u dhiiri galiso shaqaalaha, noocyada dheefaha kala duwan ee shirkaddu siiso iyo ujeeddada qiimaynta shaqaalaha laga leeyahay.

Cabdiqaadir Sahal waxa uu ku nuux-nuuxsaday kaalinta ay shaqaaluhu horumarka kaga jiraan, waxanu yidhi, “Haddii la waayo shaqaalo hawl-kar ah waxay shirkadaasi noqonaysaa shirkadda fadhiid ah, si loo helo taasi waxaa loo baahan yahay in la helo shaqaale ku haboon hawsha shirkadda.”

“Qofkasta oo shirkadda Telesom ka mid ah waxa u dareemayaa jawi xasilooni oo shaqadiisa aamin uu ku yahay oo aanu ka cabsi qabin in uu shaqadda si fudud looga eryi karo,” ayuu intaas ku darya.

Hawl-galiyaha  guud ee shirkadda Telesom Ciise Maxamud Faarax  oo isna madasha ka hadlay ayaa mahadnaq u soo jeediyey shaqaalaha shirkadda Telesom ee sanadkii 2013 shaqadda wayn u soo qabtay shirkadda, waxaanu ku dheeraaday dhibaatada shaqo-la’aantu dalka ku hayso, isaga oo ku dooday in dhibaatada dalka ka jirta ee shaqalo la’aanta ahi ay ugu wacan tahay dadka oo aan diyaar u ahayn shaqadda qofkastana uu doonayo in uu noqdo qof shaadhkiisu cad yahay.

“Maanta haddii la yidhaahdo shirkadda Telesom shaqo ayaa ka banaan waxaa laga yaabaa in 2000 ama 3000 oo qof soo codsadaan, haddii la yidhaahdo dawladda Hoose shaqo ayaa ka banaana waxaa laga yaabaa in aanay dad badani soo codsan,” ayuu yidhi Ciise Maxamuud Faarax.

Guddoomiye Ciise Maxamud Faarax waxa uu ka digay akhtarta ay dalka ku keeni karto shaqooyinkii hoose ee ay gacanta ku hayaan dadka ajaanibka ah oo uu sheegay inay mustaqbalka ubadkoodu kala wareegi doonaan.

Dhanka kale, waxaa isaguna madasha ka hadlay Sheekh Almis Yaxye oo ka hadlay sida ay Diinta Islaamku u dhiirri-gelisay in shaqo kasta oo qofku qabanayo waajibaadkeeda uga soo baxo sida ugu haboon. Sheekh Almis waxa uu sheegay in  horumarka lagu gaadho  qofka shaqaalaha oo laga tayeeyo  maskaxda iyo qalbiga si uu u noqdo qof aamin ah oo hawl-kar ah. Waxa uu Sheekhu taabtay sida ay shaqaalaha Ajaanibka ahi shaqooyinka sarsare ee dalka uga qaadeen kuwa muwaadiniinta ah isaga oo sheegay in shaqaale Ajaanib ah oo tiradoodu gaadhay 5000  ay dalka ka shaqeeyaan, kuwaas oo sida uu sheegay qaata $3,000 ilala $4,000 oo dollar.

Suldaan Axmed Daahir oo ku hadlaayey afka Salaadiinta Somaliland, ayaa sheegay in shirkadda Telesom iyo shirkadaha kale ee dalku ay iyagu samaysteen shaqaalahooda, waxaanu shirkadaha kale ku guubaabiyey inay ku daydaan talaabadan ay Telesom ku abaalmarinayso Shaqaalaheeda si loo dhiirigeliyo wax-soo-saarka iyo tayada Shaqada ee Shirkadaha dalka.

Gudoomiyaha Daladda Haweeenka ee NAGAAD Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi oo ku hadlaysay afka haweenka, ayaa iyaduna shirkadda ku bogaadisay abaalmarinta ay shaqaalaheeda ku maamuusto sannad kasta, waxaanay tidhi, “Runtii waxaan uga mahadnaqayaa shirkadda Telesom abaal-marinta ay shaqaalaheeda gudoonsiinayso. Waxaanan shirkaddaha kale ugu baaqayaa in ay ku daydaan.”

Gudoomiyaha Daladda SONYO Mubaarik Cismaan Taani oo isna ku hadlaayey afka dhalinyaradda Somaliland, ayaa xusay in shirkadda Telesom ay shaqaalaheedu u badan yihiin dhalinyaro, waxaanu u hambalyeeyey shirkadda Telesom oo uu ku sheegay in ay tahay shirkadda kaliya ee nooceeda ah oo bilowday in ay Abaal-marin gudoonsiiso sanad walba si xidhiidh ah shaqaalaheeda.

Gudoomiye Ku-xigeenka Kowaad ee Xisbiga Kulmiye muddane Maxamed Kaahin oo isna munaasibaddan abaal-marinta shaqaalaha shirkadda Telesom ka hadlay, waxa hadalladiisa ka mid ahaa, “Aad iyo aad baan uga mahadnaqayaa madaxda shirkada Telesom sida ay u soo agaasimeen xafladan abaalmarinta shaqaalaha shirkadda Telesom.”  Maxamed Kaahin ayaa shirkadda Telesom iyo shirkaddaha kala ka codsaday in ay siyaasiyiinta ka dhigaan mobaylada tirada badan ee kala jaad-jaadka maadama ay hadda gaadheen aqoontii lagu midayn lahaa.

Ugu dambaytnii waxaa xaflada soo gabagabeeyey Wasiirka Dhaqanka Dhalinyaradda Iyo Ciyaaraha Somaliland Md Cali Siciid Raygal oo ku hadlayey afka golaha wasiiradda Xafladda ka soo qayb-galay. Wasiirka ayaa mahadnaq iyo hambalyo u soo jeediyey Shirkadda Telesom iyo shaqaalaheeda, waxaanu sidoo kale uga mahadnaqay shirkadda Telesom sida ay ula shaqayso xukuumadda Somaliland.  Wasiirka ayaa sheegay in runtii ay jirto in dalka ay ka shaqeeyaan dad ajaanib ah, waxanu tilmaamay in hawshaasi loo baahan yahay in la iska kaashado.

Gabo-gabadii xafladda Abaal-marinta shaqaalaha Shirkadda Telesom waxaa abaal-marin la gudoonsiiyey shaqaale tiradoodu gaadhayso dhawr iyo sodon shaqaale ah kuwaasi oo ku guulaystay kaalmaha kowaad iyo labaad. Shaqalaas oo ka kala yimid gobolada dalka oo dhan. Waxaan shaqaalaha abaal-marinta gudoonsiiyey wasiiradda Hawlaha guud iyo Guryeynta, Diinta iyo Aw-qaafta, iyo gudoomiyaha shirkadda Telesom.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories