HomeMUHIIMADDA DAAH-FURKII QARNIGA

MUHIIMADDA DAAH-FURKII QARNIGA

Date:

Related stories

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Laba cisho uun ka hor khamiistii dhawayd ee ay taariikhdu ahayd 11 ka bisha labaad ee sannadkan 2016 waxa ay culimada ku hawlan cilmiga xiddigisku ay sameeyeen daah-fur ay isku raaceen in uu yahay ‘daah-furkii qarniga’. Waxa ay xaqiijiyeen arrin uu sii saadaaliyay saynisyahankii can ka ahaa ee Albeirt Einstein kaas oo 100 sanno ka hor sheegay in uu aaminsanyahay in uu jiro balse uu awoodi waayay in uu xaqiijiyo. Xisaabtii iyo qaaciidooyinkii uu soo dhiraandhiriyay ayaa ay saynisyahanno dalal kala duwan ka kala yimid ay sii dabo- galeen aakhirkiina ay maalintan dhawayd ku guulaysteen. Haddaba waxa mudan in wax la iska weydiiyo waxa uu daahfurkani ku muttaystay muhiimmada intaas

leeg ee loogu yeedhay in uu yahay ikhtiraacii qarniga.

Waa maxay muhiimadda HIRARKA CUF-IS-JIIDAD (gravitational waves) ee la sheegay in samada (space) ay ka jiraan? Si jawaabta su’aashan aynu si aad u cad iskula fahanno, aynu isweydiinno ilaa iyo hadda wixii laga daah-furay in ay samada ka yimaaddaan oo ay soo gaadhaan koonkan aynu ku nool-nahay. Iftiinka qorraxda ka yimaadda oo keli ah ayaa ilaa hadda aynu naqaannay in uu cadceedda ka yimaaddo soo maro space-ka dhulkana uu soo gaadho. Isagoo la ogaaday xilli aad u danbaysay in keliya aanu ku sifoobin ‘hirar’ uun , balse uu leeyahay astaamaha maatarkana oo ku sifoobay ‘particle’ ahaanna. Haddaba hirarkan la sheegay in ay samada ka jiraani waa shaygii labaad ee la daahfuro in uu samada ka jiro walaw aan la sheegin in uu dhulka soo gaadho.

Daah-furkani waxa uu barbilow u noqonayaa in sawiro amma muuqaallo muujinaya wax aynaan hore ugu ogayn koonka iyo samadaba in la helo.

In la helo sawiro gebi-ahaanba ka geddissan islamarkaana xog aad u farabadan xambaarsan oo aynaan awood hore ugu lahayn kuwaasoo la mid ah sawirada saadaasha hawada ee maanta jira oo aynu ogsoonnahay in dayax-gacmeedyadu ay soo qaadaan dhulka loo soo diro lana turjumo si loola socdo isbadalada kala duwan ee dabaylaha iyo cadaadiska hawada ka jira loona saadaaliyo roobabka iwm ee iman doona maalmo aan la gaadhin.

In la hindiso qalab lagu eego samada oo ka duwan qalabadii hore loogu eegi jiray. Sidaa daraadeedna daahfurkani uu gundhig u noqdo daahfurro badan oo kale in la sameeyo. Tusaale ahaan, in la sameeyo mishiin MRI ah oo hawada scan-gareeya inna tusana qaab hor leh oo uu u samaysan yahay koonku oo aynaan hore u aqoon.

Isku soo wada duuboo, maadaama oo aynu nahay dad islaam ah , inta badan waxa aynu waxba kama jiraan ku tilmaannaa amma aynaan dheg u dhigin guulaha sayniska ay ka gaadhaan dunida reer galbeedku. Tusaale ahaan in dayaxa la gaadhay iyo in kale, muran aad u weyn bay culimada islaamka badhkood iyo gaalada laftrikooda qaar ka mid ahiba ay ku waajahaan.

Waxase aan la dafiri Karin in waxyaabo badan oo ku adag maskaxda bani-aadamku in uu fahmo deedna qiro jiritaankiisa, ay jiraan oo aynu aragno amma taaban karno saameyntiisa. Tusaale ahaan, ikhtiraaca mishiinka caafimaad ee MRI gu wuxuu ka soo bilaabmay in jidhka bani-aadamku ka kooban yahay ‘protron’-no u dhaqma sida birlabta oo kale oo yeesha waqooyi iyo koonfur ay isku xidhaan layman aan la arkayn. Haddii qofka bani-adaamka ah la dhex dhigo aag birlamaysanna, protron-adaasi saameyn bay ku yeelataa, waana xeerka gundhiga u ah in qofka xubnihiisa laga arki karo computer. Sidaad aawadeed na shaybaadhka jidhka loo adeegsado kuwa ugu wanaagsan ayuu daah-furkaasi

 horseeday.

Lama tirin karo daah-furyada cilmiyeed ee horseeda qalabyo faa’iido innoo leh , daahfurkan cusubi se waa mid muhiimaddiisa leh oo ay tahay in aynu ka warqabno.

Qalinkii: Eng Khadar Axmed Faarax

Email: aridman1@gmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories