HomeMUDDALABKII HORE iyo Jaran-jarrooyinka uu Soo Mari Jiray – W/Q: Cabdifataax M....

MUDDALABKII HORE iyo Jaran-jarrooyinka uu Soo Mari Jiray – W/Q: Cabdifataax M. Axmed

Date:

Related stories

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

In ka Badan Toban Sanno Ayuu ahaa Shaqaale Hudheelada ka Hawlgala.Wuxuu ahaa Nin Ilaa Yaraantiisii u Karti iyo Dedaal badnaa Marka laga Hadlaayo Shaqada iyo Xoogsigaba. Toban Sanno ka hor, ayaa Abtigii u Keenay Nin ay saaxiib yihiin oo Hudheel Weyn Suuqa Hoose ku Heysta. Isla Maalintii Loo Geeyeyba Halkii ayuu Shaqadii hore uga galay. Maalintaasi ayuu Dharkii hore iska badalay oo Xidhey Dharka shaqada Hudheelka, waxa lagu Qorey in uu Kuraasta Masaxo Weelka cuntada lagu Cuneyna uu Nadiifiyo Isla markaasi Biyahana Dhigo, aad buu ugu Faraxsanaa Shaqada, dadka cusub ee uu Bartey iyo Xoogsigiisa Xalaasha ah intaba.Hawlkarnimadiisa iyo Degdegsiinyaha uu ku wadey Ilaalinta Nadaafada ayaa keenay in Kursi kastaa Noqdo Mid Markasta Qurxoon oo Soo Dhaweeya Dadka Cunteynaaya. Wey Jirtey Maalin uu la Kufey isaga oo Weel badan Sida ama Biyo ka daateen Laakiin waxba umey Dhimin Shaqadiisa.

Wakhtiga ugu Horeeya ee Qofi Shaqo bilaabo ayuu iman Jirey Hudheelka, waxaana uu ka Rawixi Jirey Wakhtiga ugu Danbeeya ee Qof Shaqeynayaa Ka dhaadhaco Hawsha. Dabeecad wanaagga iyo guud ahaan Qofnimadiisa oo aheyd Mid Dhisan ayaa Dhaxalsiisey in uu Noqdo Qof aan ka Caban ama Dhibsan Hadalada Dadka iyo Shaqaalaha Hudheelka ku yidhaahdaan oo u badan Canaan iyo in si Adag wax la iskugu Tilmaamo. In uu Shaqeeyo oo uu Mashquul ku ahaado Hawl ayuu ka Jeclaa in uu Eego Lacagta dheefta Maalintii uu Qaadanaayo oo ah Mid Afkiisa Mooye aan wax badan oo kale ka dabbari karin. Saddexda Wakhti wuu ka Heli Jirey Hudheelka, wuxuuse la halgamayaa in uu iska daayo Qayilaad uu wakhtiyada Firaaqada ah Jilbaha u laabo oo uu ku Sugo Shaqada Culus ee Habeenkii ama Duhurkii.

Wuxuu Markale Noqdey Shaqaale Shaaha soo Gura isla Markaasina u Dhiga Dadka dalbada; waa Markii ugu Horeysey ee Noloshiisa la Baro sida Taray dhan oo Shaah kulul saaran yahay loo Qaado si Degdeg ah. Wuxuu ahaa Markii hore Wiilka Nadaafada iyo Biyaha oo lagu Dacaayadeyn Jirey, dibaddana Rusheyn Jirey oo yacni ka dhigan (Dawlada Hoose ee Hudheelka), hadase Xilkaasi wuu ka gudbey, Degtana wuxuu ka Dejiyey Maradii Uskaga aheyd ee uu Ku masixi Jirey Miisaska lagu cunteynaayo, wuxuuna u wareegay dhinaca shaaha oo hadda Koobabka ayuu weerar baas ku hayaa. Bigeys iyo Caddeys iyo Soolane ayuu La wareegayaa Hiirta Waaberi ilaa Gabaldhaca Habeenkii. Tarayga Marka laga tagana wuxuu Sitaa Birta Shaaha lagu qaado oo Xitaa meelo ka durug Hudheelka uu ku geeyo.

Keen Shaaha,Cadeyskii Mee, Waar Caleentaa ku badan iyo Sonkortaa ku dhacdey ama ka Yar, ayaa laga sheega Shaahiisa, wuu Dhageystaa inta uu dhigaayo wuxuuna dib ugu Celiyaa Shaah Sameeyaha Kilaadhida waaweyn ku dul gaboobey ee Hudheelka.

Wakhtiyar oo Gaaban ka dib Waxa loo Wareejiyey Mid ka mid ah Hawlaha ugu Culus ee Shaqada Hudheelka. Waxa uu Gaadhey Darajada Mudalabka Cuntada dadka u dalba. Hamigiisa ayaa ahaa in uu Noqdo dadka Cuntada soo qaada, Dadkana weydiiya wixii ay Cunayaan. Wakhtigaasi Dheer Asxaab badan oo kale ayaa Hudheelka kaga tagtey oo Shaqada Wadi kari waayey ama laga Eryey oo u Wareegey Hudheelo kale. Waa Nin Xilsare Hayee, wuxuu Maanta la hadlayaa Wiilka beddelay ee Shaaha dhigaya,wuxuu Canaananayaa Midka nadaafada ee Dawladdii Hoose soo Maraya, Midka sharaabka iyo Midka Weelka Meydhaya intaba.

Maxaan ku Siiyaa? Ii Sheeg. Iyo Maxaa Yaala Ayuu u soo Wareegay. Gebi ahaan Cuntooyinka Hudheelada lagu sameeyo iyo Qiimayaashooda ayuu Xafidey; Kuwa Quraacdii, Inta qadada iyo Kuwa Cashada ee badan ayuu Dusha ka wada Xafidey oo sida Qur’aanka u Akhriyayaa una Dudubinayaa. Maskax badanaa,Inta qof la hadashey ayuu wada Xasuusan yahay wixii ay Dalbadeen, Cunto-Kariyaha ama Kuugga ama Dabbaakha gudaha Madbakha ku Jira ayuu ugu Dhawaaqayaa wixii laga dalbaday. Mar qudha ma Amuusaayo, Waa Maxaan ku siyaa? iyo Tirinta Noocyada Cuntada Diyaarka ah. Waa kan haddana isaga oo Ku raran oo Sida Labatameeyo Bileedh oo isa wada dulsaaran oo Cunto ah nadaafadana aan u wanaagsaneyn, Boqolaalka fadhiya isaga ayaa cuntada Hordhigey, Boqolaal kalena isaga ayaa Dalabka ugu Maqan, Kuwa kaceyna Isaga ayaa sheegaya waxa ay cuneen iyo Lacagta laga qaadaayo intaba iyada oo taagan miiska ninka Maqal-hayaha kedinka fadhiya.

Qeylada ka Dhaceysa Mudalabka lama Dhibsanayo waayo waa qof adiga kuu Qeylinaya oo leh Cunto soo siiya ama Midaad u dirtey Xasuusinaaya Cunto-Kariyaha Gudaha ku sii Jira. Wey yartahay ee soo Hagaaji, Inteydii yareyd keen, Saliiddaa ku badan, Waa Qalleyl, Basasha ama Basbaaska ha ku darin, Subaga iga daa, Caddaan iigu keen iyo Macsar ku dar, ayaa dhegihiisa ka batey. Wax la sugaa Rag kuma simo, dad wada Faraxalan ayaa sugaya oo raba in ay gacanta saaraan Bileydhka. Magacyo la isku Afgaranaayo ayuu ugu Yeedhayaa Cuntooyinka,oo Hadduu Yidhaahdo Dheri gaaban Dhiib, Waxa lagu soo Hordhigi doonaa Haaf Bariis ah.

Waxba uma Oga Jaamiciga Aqoonta leh oo Isaguba waa Jaamici kale, wuxuu dalbayaa boqol qof Cuntadood, Wuxuu soo qaadayaa Boqolkaasi cuntadood mana kala ilaawayo, wuxuuna garanayaa Mid kasta Qiimaha lacageed ee uu wax ku cuney oo Dudubinayaa.

Ugu Danbeyntii Waa Farxad cusub iyo Xilkale oo Horumarkiisa leh. Hadda waxa laga dhigey oo Mulkiilaha Hudheelku u xilsaarey in uu Noqdo Ninka Maqalka Hudheelka haya.Waa Ninkii oo Kursiga Ugu dheer lagu Fadhiisiyey,Waa Ninkii oo Lacagta ururinaaya oo leh Maxaad Cuntey,Waa Ninkii oo Cadarka iyo Findhicilka iyo Warqadaha afmariska Horfadhiya, Waa Ninkii oo Buuga Deynta iyo Amaahda dadka loo Furey ku qoraya,Waa ninkii oo Maqalka lacagta hor Fadhiya laakin aan heynin Furaha qasnada,Waa ninkii oo Zaadka lacagta Eegaya, Waa Ninkii oo ka Masuul ah Dabagalka Agabka cuntada lagu darayo, Wixii Dhammaada iwm. Heerkaasi ayuu ka gaadhey Shaqada Hudheelka, laakiin Weli Cuntada karinteeda looma Dirin si fiicana uma Yaqaano.

10 Sanno ka dib wuxuu ku Fekirayaa in uu Isaga tago Hudheelkan uu inta badan Ka shaqeynaayey oo uu Furto Meel uu isagu leeyahay oo ka Shaqeysto, Dabcan waa Hudheel, Wuxuu ka fekirayaa Halkuu ka dhigi lahaa iyo wuxu ku bilaabi lahaa Cunto wadani ama cuntooyinkan kale, wuxuuna Isweydiiyaa Magacii uu u bixin lahaa Hudheelkiisa soo socda…Cunto-same ma u bixisaa. ayuu isleeyahay, Marna wuxuu is Yidhaahdaa Waxaad u bixin doontaa Calool-Kaab!

QALINKII Cabdifataax Maxamed Axmed

ceelaabe_10@hotmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories