HomeMIYAA HOOSBA LOO DAYAY!!!!

MIYAA HOOSBA LOO DAYAY!!!!

Date:

Related stories

Somaliland: Growing public suspicion and concern over citizenship law changes

Hargeisa (SLpost)- A growing public debate has emerged in...

Somaliland–Taiwan Relations: An Alliance Built on Isolation

Two governments that the world largely refuses to acknowledge...

Somaliland urged to take dispute with Somalia to International Court of Justice

Hargeisa (SLpost)- Somaliland veteran and academic Prof. Abdisalam Yasin...

Five geopolitical questions behind Somaliland’s international engagement in the United States

Analysis by Somalilandpost News Part One of Somalilandpost News’ analysis...

Somaliland Education Ministry Faces Questions Over Proposed 4.6% Deduction From Secondary School Fees

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland Ministry of Education and Science...

Aduunyada waxaa jira waxyaabo kaa yaabiya ama ku xiiso galiya, sidoo kale waxaad arkaysa wax ku hoos yaala balse aanad dareensanayn inuu aqoon ku salaysan yahay.

Soomaalida waxay lahaan jirtay nidaam ay noloshooda u maarayso, iyadoo aanay cidina ka caawin balse fikirkooda iyo maskaxdooda ka tuujiya xalka hadba hawsha lasoo derista. Dhinac kasta oo nolosha laga eegaba waxay ahaayeen qaar u maareeyay habkii noloshooda dhaqayay. Mid kamid ah hababka noloshooda waxaa ugu waynaa qaabka ay u dhisan jireen hoyga ay ku noolaanayaan oo dabcan iyagu ay ka ahaayeen farsamo yaqaan (engineers).

Mawduucan aynu ugu magac darnay “Miyaa Hoosba loo dayay” waxaynu ku eegi doonaa waxyaabo badan oo aynaan hoos ueegin lakin markaad u kuurgasho aad dareemayso inay xikmadi ku duugan tahay, lakin aynaan dhaadsanayn. waxaynu diirada saari doonaa isu eekaanshaha qaab dhismeedka dhulka iyo aqaladeenii hore (buul somaaliga).

Sida aynu la wada socono ama la inoo sheegay qaab dhismeedka dhulku wuxuu u samaysan yahay sida qaabka baadka goroyada waxaana ku gedaaman xariiqyo la maleeyay (imaginary lines) oo lagu magacaabo dhigo (latitude) iyo lool (longitude) Iyo dhul badhe (equator), kuwaasi oo faa’iidooyin badan inoo leh.

Sidoo kale guryaheenii hore intaynaan magaalooyinka baran, hadana dadkeena miyiga degani isticmaalaan (buulasha) ayaa waxay yihiin markaad u fiirsato qaar si wayn u shabaha ama loo eekaysiiyay qaab dhismeedka dhulkan aynu ku noolyahay.Qaab dhismeedka buulka ayaa markaad u kuurgasho waxaad dareemaysaa inuu ka kooban yahay isla inta dhulku ka kooban yahay . tusaale ahaan : qaab dhismeedka buulka inta ugu muhiimsani waa qaabka uu u samaysan yahay oo ka dhulka u eeg, isla markaana lagu qotomiyay dhigo iyo lool laguna adkeeyay udub dhexaad oo ka dhigan dhul badhaha (equator).

Haddaba is waydiintu waxay tahay, qaab dhismeedka dhulka iyo samayskiisan waxna quraanka kariimka ah ayaa ilaahay ku daah furay oo uu inoogu sheegay, waxna saynisyahanadii reer galbeedka ayaa daah furay oo inoosoo dhaweeyay fahamka sawirka qaab dhismeedka dhulka.

 Haddaba iswaydiintu waxay tahay, sidee soomaalidu ku keentay hoygan (buulka) qaabka dhulka leh, mase la is odhan karaa soomaalidu waabay ka horaysay aduunka intooda kale.

 

Cabdi Yuusuf

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories