HomeMilicsiga Wargeyska Dhadhaarada Oo La Kala Bedelaa Dheriga Ma Macaaneeyaan

Milicsiga Wargeyska Dhadhaarada Oo La Kala Bedelaa Dheriga Ma Macaaneeyaan

Date:

Related stories

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Hargeysa(Spost)- Somaliland, wuxuu habeenimadii Isniintu soo galaysay xil ka qaadis, magacaabis iyo isku shaandhayn ku sameeyay qaybo ka mid ah golihiisa xukuumadda.

Go’aankan Madaxweyne Siilaanyo oo muddo la sugayay, waxa lagu eekaysiiyay 18 masuul oo isugu jira wasiiro, wasiir-xigeeno, badhasaabbo iyo maareeyayaal, waxaana dabcan la garwaaqsan karaa in Madaxweynuhu talaabadan qaaday ka dib dhaliilo uu arkay oo kaga yimid bulshada, kuwaas oo sabab u noqday inuu sidan sameeyo si uu ugu yaraan isugu dayo inuu shacabka doortay qanciyo islamarkaana uu taageero ugu raadsado.

Talaabadan Madaxweyne Siilaanyo qaaday ayaa noqotay mid dad badan oo sugayay in Madaxweynuhu soo kordhiyo isbedel togan, ku keentay inay candhuuftooda dib u liqaan, maadaama aanu Madaxweynuhu soo kordhin isbedelkii ay dad badani mudada dheer sugayeen, isla markaana aanu taaban wasaarado iyo haayado in badan oo ka mid ah dadka siyaasadda Somaliland falanqeeyaa ay u arkayeen in ay isbeddel iyo xoojin ama horumarin siyaasi ah iyo mid maamulba u baahan yihiin.

Bulshadu, waxa ay madaxweynaha ka sugaysay inuu isbedelkiisa kaga jawaabo tabashooyinka ay qabaan ee dhinacyada siyaasadda gudaha, siyaasadda dibadda, sicir bararka dhaqaalaha dalka aafeeyey, khilaafka soo noq-noqda ee masuuliyiinta qaarkood, qaybsanaanta bulshada ee durugtay iyo arrimo kale oo bulshada ku habsaday lixdii sanadood ee uu talada hayay.

Talaabadan Madaxweyne Siilaanyo kama ay jawaabin dareennadii bulshada, in aanay isku shaandhaynta iyo xil ka qaadistani ahayn mid macno badan samaynaysana waxaa laga dheehan karaa in 18 masuul oo go’aanka madaxweynuhu saameeyay saddex xubnood oo keliya yihiin wejiyo cusub, halka uu sidoo kale keliya xilka ka qaaday saddex masuul kuwaas oo weliba laba ka mid ah lagu calaamadiyey magac ku cusub saaxadda siyaasadda rayidka ah ee dunida, kaas oo ah xil-suge, maalmihii u dambeeyeyna rugaha bulshadu ku kulanto iyo bar-kulannada bulsho ee internet ka ay inta badan ee shacabka Somaliland ka sheegayeen aragti aad uga biyo-diidsan.

Waxaana markaas la arkayaa in madaxweynuhu tabashadii bulshada ee uu isaga laftiisa markii uu arkay uu talaabadan qaaday uu kaga jawaabay isku bedelka masuuliyiinta xukuumadiisa. Marka ay sidaas tahayna waxa loo arkay in digreetadan u dambaysay ee madaxweyne Siilaanyo lagaga jawaabi karo, “Madaxweyne dhadhaarada oo la kala bedelaa dheriga ma macaaneeyaan.”

Waxaanay Madaxweyne shacabkii ku doortay kaa sugayaan inaad ka jawaabto dhaliilaha ka muuqda xukuumadadaada oo aad samayso talaabo shacabka qancisa oo aad si wax-ku-ool ah u dhaydo boogaha shacabku dhibsadeen ee xukuumaddaada ka muuqda.

Geeska

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories