HomeMid ka mid ah Culimada Waaweyn ee dalka Kenya iyo Xaaskiisa oo...

Mid ka mid ah Culimada Waaweyn ee dalka Kenya iyo Xaaskiisa oo Maxkamad la soo taagay iyo Dambiga loo haysto

Date:

Related stories

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Nairobi (SLpost)-  Sheekh Xassan Xuseen Aadam oo ka mid ah Culimada Soomaalida ee dalka Kenya ku dhaqan ee lagu eedeeyo inay taageeraan Argagixisada Al-Shabaab, ayaa isaga iyo Xaaskiisa la soo taagay Maxkamad ku taalla magaalada Nairobi ee xarunta waddankaas, ka dib markii ay Booliska Kenya kala baxeen gurigooda goor habeennimo ah.

Bilowgii bishan xilli habeen ah ayaa Ciidammada ammaanka, waxaa ay gurigooda kala baxeen Sheekha oo lugu magacaabo Xassan Xuseen Aadan iyo Xaaskiisa oo la yidhaahdo Fardowsa Maxamed Cabdi,waxaana markii ugu horreeysay ay ka soo hor muqdeen Maxkamadda Khamiistii dorraad.

sheekhSheekh Xassan ayaa hore u fatwoodey in adduunka la dhaafiyo oo la dilo Culimo badan oo ka mid ah Jamaacada al-Ictisaam, waxaana uu ku tilmaamey kuwo Diinta ka riddoobey, waxaanu si badheer ah u taageeri jirey Kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya sida la sheegay. Culimada Jamaacadda Al-Icitisaam, ayaa ku tilmaamey afkaarta Sheekh Xasan inay tahay middii Khawaarijta ee Sayid Cali Bin Abidaalib (RC) diley.

Sheekha ayaa lala xidhay Xaaskiisa Fardowsa Maxamed Cabdi, waxaana lagu soo eedeeyay inay ku lug lahaayeen weerarro argagixisannimo oo ka dhacay magaalada Nairobi, iyaga oo Booliskuna eedayntooda ku soo daray inay Sheekh Xasan ka heleen laba Bambaano oo kuwa gacanta laga tuuro ah, sidaa daraaddeedna uu halis wayn oo amni ku hayo dalka iyo dadka reer Kenya, balse eedayntaas loo soo jeediyey ay iska difaaceen intii ay Maxkamadda joogeen.

Qareenka u doodayay Wadaadka iyo Xaaskiisa, waxaa uu isna dhankiisa beeniyey in wax Bambaano ah ay haysteen, sidoo kalena aanay haysan aaladaha qarxa, taasna ay tahay mid been-abuur ah oo la doonayo in dembi loogu sameeyo Sheekh Xasan iyo Xaaskiisa Fardawsa.

Maxkamadda ayaa diidday in dammiin lagu sii daayo Sheekha iyo Xaaskiisa, dacwadda lagu soo oogayna ay weli socoto, waxaana dib loogu celiyay halkii ay ku xidhnaayeen isaga iyo Xaaskiisu. Waxaa ay intaasi ka dib Maxkamaddu go’aamisay in dhegeysiga dacwadda Wadaadkan iyo Xaaskiisa dib ay u furmayso 25-ka bisha Juun ee sannadkan 2014-ka.

Wadaadka oo dhowr jeer oo hore ay Ciidanka Booliska Kenya xidheen, ayaa la sii daayey ka dib markii ay wax dembi ah ku waayeen. Hase ahaatee, xadhiggiisan immika ayaa ku soo beegmaya xilli magaalada Nairobi ay ka dhaceen dhowr qarax oo khasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira geystay, isla markaana ay Boolisku u xidheen dad Soomaali ah oo toddoba boqol ka badan, kuwaasoo ay intooda badan ka qabqabteen Xaafadda Islii ee magaalada Nairobi oo ay Soomaalidu aad ugu badan tahay saddex qaraxna ka dheceen toddobaadkii hore.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories