HomeMeydka Nin aan Haybtiisa la Aqoonsan oo laga Helay Xeelliga Dekedda Berbera

Meydka Nin aan Haybtiisa la Aqoonsan oo laga Helay Xeelliga Dekedda Berbera

Date:

Related stories

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Berbera (SLpost)- Agagaarka Xeeliga badda ee Dekedda magaalada Berbera, ayaa habeen hore laga dhex-helay Meydka nin aan haybtiisa la aqoonsan, sida uu xaqiijiyey Taliyaha Saldhigga Booliska Dekeeda Maxamed Dacar Ibraahim.

Taliyaha oo qaar ka mid ah warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay  in maydka ninkaas oo ku soo caaryay xeelliga dekadda aan ilaa hadda la aqoonsan diirka oo ka muldhaday awgeed, isla markaana loo malaynayo in uu dhawr habeen badda ku jiray.

Taliyuhu waxa uu sheegay in maydka ninkan ay ciidamadda ilaalada dekedu arkeen habeen hore isaga oo ay biyaha baddu meel cidhiidhi ah oo dekedda ka mid ah ku rideen isla markaana markii dambe lagu soo saaray laashash loo dalbaday.

Berbera-cityNinkan maydka ah ayaa sida uu taliyuhu sheegay la geeyay cusbitaalka magaalada Berbera, waxaanu intaasi ku daray taliye Dacar in ciidamada boolisku ay baadhitaan ku samaynayaan maydkaasi laga helay isagoo  dul sabayna meel ku taala biyaha dekedda Berbera.

“Ninkaasi maydka ahaa oo soo caaryay oo ay baddu soo tuftay oo diirkii ka muldhaladay oo aanu u malaynayno in uu bada dhawr habeen ku jiray, xalay baa la helay xili  waa-ku-dhawaadkii ah, isaga oo meel cidhiidhi ah oo dekedda kooneheeda ah ay baddu soogelisay, saaka subaxnimadi ayaana la soo saaray oo laashash loo dalbaday,” ayuu yidhi Taliyuhu

Taliyaha oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Welina lama aqoonsan cid uu yahay qofkaasi maydka ah, diirka ayaa ka muldhaday, cusbitaalka ayaa la geeyay baadhista ayaana lagu samaynayaa CID-da ayaana baadhaysa, Lama garan karo inuu Soomaali ahaa iyo in uu ajnabi kale ahaa, waayo wax diir ah oo ku hadhay ma jiro, in uu midabkiisu casaan ama madaw ahaa lama garan karo oo uu is beddelay, oo aad ayuu u yaraaday, markaa lama garan karo, Badu inta badan dadka waxay ka keentaa wixii xagga Bari kaga dhaca ayay eeriyada ka soo caaridsiisaa, Markaa in uu qof waalan ahaa iyo in kale lama oga,” ayuu yidhi Taliyuhu.

Somalilandpost.net.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories