Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...
NewYork (SLPOST) Maxkamada magaalada New York uga socota Suleyman Abu Qayd oo kamid ahaa kooxda Al Qacida, isla markaana qabay gabadh uu dhalay Osama Bin Ladin ayaa lagu soo bandhigay cajaladihii uu hore u duubay.
Xeer illaalinta Maraykanka ayaa ku eedaysay Suleyman Abu Qayd inuu kamid ahaa madaxda sare ee Al Qacida isla markaana uu wax badan kala socday weeraro ka dhan ah shacabka Maraykanka.
Cajaladaha maxkamada lagu soo bandhigay ayaa waxaa kamid ahayd Cajalad filim ah oo uu duubay Suleyman Abu Qayd oo xiligaasi ku sugnaa Afghaanistaan, bishii Oktober sanadkii 2001, bil kadib weeraradii 9/11, xiligaasi oo uu Abu Qayd sheegay in Maraykanka ay kusoo wajahan yihiin Duufaan Diyaarado ah isagoo Muslimiinta ugu baaqay inay ka fogaadaan daaraha dhaadheer ee Maraykanka.
Suleyman Abu Qayd ayaa ah 48 sano jir, wuxuuna horey usoo ahaan jiray Imaam masaajid ku yaal magaalada Kuwait oo uu kasoo jeedo. Wuxuuna kamid ahaa xubnihii ay qaraabada ahaayeen Hogaamiyaha Al Qacida ee u baxsaday wadankaasi Iran, xiligii Maraykanka duulaanka ku qaaday Afghanistaan.
Waxaana gacanta lagu dhigay kadib markii uu yimid wadanka Turkiga, waxaana la filayaa in lagu xukumo Xabsi daa’in hadii lagu helo danbiyada lagu soo eedeeyey.
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland