HomeMashruuc Dawladda Itoobiya Dhaqaale badan kaga Urursatay Ganacsatada Somaliland oo mar labaad...

Mashruuc Dawladda Itoobiya Dhaqaale badan kaga Urursatay Ganacsatada Somaliland oo mar labaad Hargeysa loogu Qabtay Kulan qaadhaan-ururin ah

Date:

Related stories

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Hargeysa (SLpost)- Dawladda Itoobiya oo dhaqaale u raadinaysa dhammaystirka dhismaha Dhaamkii ugu ballaadhnaa qaaradda Afrika ee Koronto laga dhaliyo, ayaa maanta kulan labaad oo qaadhaan loogu ururinayo dhismihiisa loogu qabtay magaalada Hargeysa, ka dib kulan horaantii sannadkii hore loogu yaboohay adduun lacageed oo ku dhow boqolaal kun oo Dollar.

AWOODAHA (2)Kulanka oo shalay ku qabsoomay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxa ka soo qayb-galay masuuliyiinta ka tirsan xukuumadda, Ganacsato, Safiirka Itoobiya u fadhiya Hargeysa iyo Marti-sharaf kale.

Ugu horreyn waxa kulankaas ka hadlay safiirka Itoobiya u fadhiya Somaliland Janaraal Berhe Tesfaye oo sheegay in aanay jirin wax dhaqaale ah oo uu dibada ka helay Dhaamka weyn ee Balaayiinka doolar ku kacaya ee  dab-dhalinta Itoobiya,  balse  uu adduunkaasi ka imanayo  oo keliya dadka Itoobiya gudo iyo dibadba iyo muwaadiniinta dalal Afrikaan ah.

Janaraal Tesfaye waxa uu sheegay in uu dhaamkaasi 30% haatan dhameystirmay , balse waxa uu sheegay in uu dalkiisu waqtigan hayo koronto ku filan inuu siiyo Somaliland.

“Isticmaal ahaan muwaadiniinta Somaliland waxa ay dawladda Itoobiya  diyaar uga dhigtay  koronto dhan 60 mega watt magaalada xuduud ku taal ee Togwajaale, taasi oo qasdiga keliya yahay in ay qaadato Somaliland,” sidaas waxa yidhi danjire Tesfaye.

Isaga oo faa’iidada dhaamkan weyni leeyahay ka hadlaya waxa uu sheegay in marka uu dhameystirmo lagu wado inuu dhaqaalaha Itoobiya ee beeraha ku dhisan u beddelo mid ku salaysan warshado, kaasi oo sida uu sheegay la filayo inuu meesha ka saaro saboolnimada dalkaas ka jirta,  isla markaana dardargeliyo koritaanka dhaqaale.

Waxa uu danjire Tesfaye kulankaas ka sheegay inay Somaliland ka faa’iidaysan karto koronto awooddeedu dhan tahay 60-ka Mega watt oo dawladda Itoobiya soo gaadhsiisay Magaalada Togwajaale

“Waxa aanu wadnaa mashruuc balaayiin ku kacaya sida awgeed waan dhiirigelinaynaa wixii qaadhaan ah ha badnaado ama ha yaraadee,” ayuu yidhi.

AWOODAHA (1)Waxa uu xusay in mashruucani  yahay mid ay ku han weyn yihiin muwaadiniinta caadiga ahi maadaama lagu hirgelinayo qaadhaanka yar ee ay bixiyeen  muwaadiniintu  ha ahaado shilin, bir ama doolar.

Dhaamka weyn ee Itoobiya ka dhalinayso Korontada ‘Grand Ethiopian Renaissance  Dam’, oo hore loogu yiqiin dhaamkii kun guurrada ‘millennium dam’, waxa laga samaynayaa  webiga Niilka buluuga ah ee Itoobiya, gaar ahaan gobollada Beninshangul iyo Gumus,  waxaanu 40 km u jiraa xuduudka  Suudaan. Dhaamkan oo awooddiisu tahay 6000 MW oo lagu wado inuu noqdo ka ugu weyn Afrika, ayaa wakhtigan dhismihiisu socdaa, iyada oo la sheegay inuu dhamaystirmay 30%.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories