HomeMarwada Hanka Iyo Hawlkarnimda

Marwada Hanka Iyo Hawlkarnimda

Date:

Related stories

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Marwo ku suntan astaanta Dadaalka,Daacadnimo, Kartida iyo Hawl karnimo, sumad astameedna u ah Haldoorka Haweenka Dalkeena Jamhuuriyda Somaliland Marwo khadra Xaaji Geydh.

Laga soo bilaabo taariikhdii dib ula soo noqoshada Qaranimad Jamhuuriyada Somaliland, Haweenka Somaliland wax ay door laxaad leh ka qaateen dib u dhiska Dalkeen taas oo ay hadh iyo habeenba ka muuqdeen abaabulka isbadal doonka iyo dhismaha Dalka.

Marwo khadra xaaji Gaydh oo ah marwo ku suntan Hanka, Himilo Fog, Dadaal, Daacadnimo iyo Hawlkarnimo ilaahay hibo u siiyey ayaa sida cadceeda uga soo dhex baxday Haween waynaha Jamhuuriyada Somaliland.

Wax yaabaha ugu xusida mudan ee Marwo khadra ka qabatay markiiay Mayorka Caasimada Gobolka Gabiley ahayd wax aka mid ah dhismaha Wadooyinka iyo qurxinta bilicda magaalada iyadoo kor uqaaday adeegyada bulshada ee xafiisyada Dawlada Hoose waana wax lagu xusuusto.

Khadra xaaji Gaydh waxay qeyb libaax leh ka qaadatay ololihii balaadhnaa ee xisbiga kulmiye galey wakhtigii uu talada Dalka ku loolamaayey, ololahaas oo khadra ahayd haweenka la xasuusto ama maanka qofka ku soo dhaca marka la maqlo xisbiga kulmiye dhinaca Haweenka.

Waxa mudan in la dhiiri galiyo laguna taageero Daadalka balaadhan ee ay ugu jirto Horumarinta hawlaha ay Dalka u hayso , waxaana muhim ah in lagu daydo

Marwo khadra waxay noqotay qofka ugu horeeya ee la xasuusto marka la maqlo xisbiga kulmiya dhinaca haweenka oo ay ahayd shaqsiyaadka ugu cadcad xisbiga kulmiye gaar ahaan wakhtigii ololihii kulkmiye .

Wakhtigaas oo ay waliba khadra xaaji Geydh ka mid ahayd haweenaydii ugu horeysay ee golaha Deegaanka Gabiley ka mid noqota iyo waliba Haweenaydii ugu Horeysa ee Somaliland ka mid noqota Golaha Deegaanka Dalka oo idil.Khadra Xaaji Geydh waxay markii labaad noqotay Haweenaydii ugu horeysa Somaliland ee ku guulaysatay Maayir ka Noqota Dalka Gaar ahaan Gobolka Gabiley.

Guulaha is daba jooga ah ee ALLEH ku manaystay Khadra xaaji Geydh waxay tusaale u noqotay Haween waynaha Jamhuuriyada Somaliland inay han yeelan karaan, waliba waxay khadra is badal weyn oo la taaban karo ku samaysay Gobolka Gabiley, tusaale wax ku oolana u noqotay Dadka reer Gabiley. Iyadoo Gobolka Gabiley ka mid yahay gobolada ugu dakhliga iyo waxsoo saarka badan Dalka, meel fogna ugu suntan Dadka reer gabiley.

Guulihii is Daba jooga ahaa ee Marwo Khadri kumay eekaan intaas oo kaliya ee Marwo Khadra Xaaji Gaydh waxay ku Guulaysatay inay noqoto Haweenaydii ugu Horeysay ee noqota Dalka Agaasime Guud Taasi oo ay ku kasbatay Dadaalka Joogtada ah ee ay wado.Hadaba Marwo Khadra Xaaji Gaydh waxaanu kugu Hambalyeynaynaa Guulahaas, waxaanan ku leeyahay Halkaas ka sii wad waxaad leedahay mustaqbal ifaaya..

Qalinkii: Cabdirisaaq Almis

Email: cabdirisaaqalmis@gmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories