HomeMarinka Guusha

Marinka Guusha

Date:

Related stories

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

 

Qof kasta oo inaga mid ahi waxa uu jecel yahay inuu gaadho guul oo uu noqdo mid ka midho dhaliya waxa uu rabo inuu helo ama se meesha uu rabo inuu gaadho maalin maalmaha ka mid ah, waxaan maqaalkaygan idinkula wadaagi doonaa qoddobo lafdhabar u ah hanashada guul kasta oo uu qof jecel yahay inuu gaadho.

 1.    Fahamka Nolosha:

Inaad fahanto nolosha aad ku dhex nooshahay iyo siday u socoto waxay kuu saamaxaysaa inaad si fudud u gaadhi karto guul, waayo wax kastaba marka la fahmo ayaa xalkiisa la heli karaa.

Si gaar inaad u fahanto noloshaada kuu gaarka ah adiga iyo hanaanka ay u socoto ee aad u nooshahay adigu, siiba qaabka aad falcelinta uga samayso ama aad u abaarto waxyaalaha saamaynta ku leh noloshaadu waxay jaan goysaa natiijada iyo maxsuulka kuu soo baxaya.

Noloshaada oo aad fahantaa waa qayb ka mid ah guushaada Aduunyo iyo taada Aakhiraba.

2.    Dhiirigalin: Dhiirigalintu waa halka ama se shayga kaliyaata ee kugu dhaqaajin kara hawl aad qabanayso, haddii aanad dhiiranayn awood uma lihid inaad si niyadsan oo xamaasadaysan u qabato hawlahaaga aad ku gudo jirto ama aad rabto inaad inaad qabato.

Dhiirigalintu waa shiidaalka qof kasta u saamaxaya inuu ku gaadho hankiisa kuna bislaysto midhaha guushiisa.

 3.    Qorshe: qorshuhu wuxuu kaa caawinayaa inaad hawlaha u qabato siday u kala mudanyihiin, una hawlgasho sida ugu fudud uguna wax soosaarka badan leh. Qorshe la’aantu waxay ku badaa dhabar jab iyo khasaare, mararka qaarkood kugu keeni kara niyad jab aad ka soo kaban karo waydo

 4.    Samir: samirku waa waxa kaliyaata ee kugu sii hayn karaya xaalad adag oo qalafsan oo aad kala kulantay hawl maalmeedkaaga Aduunyo, inaad samirtaa waa astaan ka mid ah astaamaha qofka Muslimka ah looga baahanyahay inuu ku dhaqmo oo uu fuliyo si kasta oo ay xaaladu ugu adkaato, carqaladuhuna u soo wajahaan.

 ‘inaad samirtaa waxay ku dhaxalsiisa inaanad rajo dhigin oo aad socoto ilaa aad gaadhayso ama se aad helayso halka ama se waxa aad rabto.

5.    Joogtayn: joogtayntu waa waxa kala saara guulaystayaasha iyo guuldaraystayaasha, guulaystuhu mar kasta oo uu go’aan gaadho waxa uu ku dadaala inuu joogteeyo waxaa uu go’aansaday inuu qabto ilaa uu ka midho dhalinayo, halka guuldaraystayaashu marka ay isku dayaan inay wax qabtaan aanay sii joogtayn ee ay ugu badnaan kaga hadhaan meel dhexe.

 6.    Dad la dhaqan: dad la dhaqan inaad yeelato, oo aad dadka kugu xeeran si fiican ula dhaqmi karto waxay kuu saamaxaysaa inaanay dadku kugu noqon carqalad ee ay noqdaan kuwo kula garab gala kuguna caawiya hanashada heerka aad doonayso inaad gaadho.

 7.    Wax Akhri: Wax akhrisu waxa uu ka qayb qaataa in qofka heerkiisa garaadeed iyo garasho ay kobocdo, qofba qofka uu ka wax akhris badanyahay xogtiisa uu hayaa way ka badantahay. Wax badan akhri wax badan ayaad ogaane

8.    Illahay talo saaro: Inaad Illaahay (S.W.T) u talo saarato hawlahaaga Aduunyo iyo kuwaaga Aakhiraba waxay kuu sahlaysaa inaad noqoto qof mar walba ku xidhay Illaahay (S.W.T) noloshiisa oo dhan, aaminsana inuu Illaahay yahay ka noloshiisa gabi ahaanteedba gacanta ku haya; sidoo kale inaad Illaahay talo saarataa waxay kaa dhigaysa mid guul ka gaadha noloshan iyo ta danbeba.

Illaahaybaa Quraanka inoogu sheegay in qofkii talo saarta uu ku filnaan doono kana dabooli doono baahiyihiisa oo dhan.Wax walba waxa uu leeyahay waddo loo maro loona raaco si loo helo oo loo hanto, qoddobadani haddii aad ugu dhaqanto sida ay yihiin una ilaaliso; waad ka gun gaadhi oo aad heli hankaaga iyo halkaad rabto inaad gaadho. Insha Allah.

Qore: Xamse Siciid Maxamed (Tudhaale)

Email: qoraaxamze@gmail.com

Mobile: 0634410163

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories