HomeMaraykanka Oo Lagu Eedeeyay Inuu ka gaabiyey Maalgelinta Dimuqraadiyadda Somaliland, Xilli Uu...

Maraykanka Oo Lagu Eedeeyay Inuu ka gaabiyey Maalgelinta Dimuqraadiyadda Somaliland, Xilli Uu Malaayiin dollar Ku Bixinayo Somalia

Date:

Related stories

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Hargeysa (SLpost) – Khabiirka Ameerikaanka ah ee Michael Rubin oo inta badan wax ka qora Arrimaha dalalka Geeska Afrika, sida Somaliland, ayaa War-bixin dheer ka qoray Siyaasadda Waaxda Arrimaha dibedda ee Maraykanku kula Macaamilayso Dalalka Afrika ee Dimuqraadiga ah.

Michael Rubin, ayaa war-bixinta dheer ee uu arrintan ka qoray isla-markaana uu ku soo qaatay Nidaamka dimuqraadiyadeed ee Somalilad wuxuu Ciwaan uga dhigay “Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanu waa inay joojiso sida quudhsiga ah ee ay ula dhaqmayso Dimuqraadiyadda Afrika”.

blankWar-bixinta dheer oo uu Michael Rubin ku baahiyey Bog uu Internet-ka ku leeyahay, ayuu ku sheegay inaan Waaxda Arrimaha dibedda ee Maraykanku aanay si siman taageero dhaqaale u siinin Dalalka Afrika, balse qaar aan dimuqraadi ahayn ay Malaayiin dollar siiso, kuwo ay hoggaamiyaan Madax Kaligood Taliyeyaal ahna ay sidaasi oo kale Malaayiin dollar u siiyaan si sanadle ah, balse Dawladaha Dimuqraadiga ah uu Maraykanku Quudhsado nidaamkooda Dimuqraadiyadeed.

Michael Rubin oo dalalkaas uu Maraykanku siiyo dhaqaalaha barbar-dhigaya Somaliland, ayaa yidhi  “Waddamadan (uu Maraykanku lacagta siiyo) barbar-dhig Somaliland, oo ah Qaran madax-bannaanidiisa Maraykanku aqoonsaday 1960, ka hor Midowgii isxilqaanka ahaa ee ay la galeen Soomaaliya, si ay dhisaan Soomaaliya. Midowgaasi wuxuu burburay 1991-kii, laakiin Maraykanku uma soo celin aqoonsigii Rasmiga ahaa, halka Soomaaliya u xuub-siibatay Dagaallo sokeeye, Somaliland-na waxay sii ahaatay Nabadgalyo, waxay qabsatay doorashooyin kala duwan oo Hal qof iyo Hal Cod ah, kuwaasi oo ay ugu dambaysay doorashadii dhacday 31-kii May, 2021.”

Michael Rubin oo War-bixintiisa sii wata, ayaa Waaxda Arrimaha dibedda ee Maraykanka ku eedeeyay in aanay goob-joogayaal u dirin doorashadii Somaliland ka dhacday bishii May ee sannadkan 2021, taasi oo illlaa 10 waddan oo Midowga Yurub ahi u soo dirsadeen kormeerayaal “Si ka duwan dal kasta oo Afrikaan ah, Somaliland waxay ku xaqiijisaa (Doorashada) hufnaanta hawsha diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha, iyada oo lagu sameeyo baadhitaannada Isha Bu’deeda, diblumaasiyiin ka socda ku dhawaad ​​toban dal dal oo  tirsan Midowga Yurub, ayaa indho-indheeyey doorashooyinkii ugu dambeeyay ee Somaliland, laakiin Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka Antony Blinken iyo Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya midna uma dirin goob-joogayaal Mareykan ah..”

Khabiirkan Maraykanka waxa kale oo uu qoraalkiisa ku soo hadal-qaaday doorashadii Shir-guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland, waxaanu sheegay in labada Xisbi Mucaarad oo iskaashanayaa inay doorteen Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdirisaaq Khaliif Axmed, lagana adkaaday Wasiirkii hore ee Arrimaha dibedda oo Biixi u soo sharraxay Afhayeenka Baarlamaanka, laakiin Faratoon wuxuu aqbalay guul-darradiisa, Madaxweyne Biixina intii uu wiiqi lahaa dimuqraadiyadda wuu u dabbaal-degay Natiijada, Waayo ? “Karaamada dimuqraadiyaddu waxay hoos u dhigtaa damaca nin kasta..”

Wuxuu sheegay in Boqortooyada Midowday ee UK aanay aqoonayn Madax-banaanida Somaliland, balse ay Somaliland ku leedahay Xafiis, Stuart Brown oo ah Wakiilkeeduna uu hambalyeeyay Guusha Somaliland ee doorashada.

Rubin wuxuu ku canaantay Waaxda Arrimaha dibedda ee Maraykanka in aanay Caawin Somaliland, iskaa inay caawisee xitaa aanay qiranin inay arrintaa ku khaldan tahay “Waaxda Arrimaha Dibeddu, waxay diiddan tahay inay xitaa qirato (inay khaldan tahay), iskaba daa inay caawiso oo ay Maalgeliso dimuquraadiyadda kaliya ee guulaysatay..” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey, “In la taageero Somaliland uma baahna in la aqbalo Madax-bannaanideeda,” ayuu yidhi.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories