HomeMagacyada Shaqaale ka tirsan Radio Hargeysa oo Cabasho ka muujiyey Caddaalad-darro ay...

Magacyada Shaqaale ka tirsan Radio Hargeysa oo Cabasho ka muujiyey Caddaalad-darro ay ka tirsanayaan Wasiirka Warfaafinta iyo Agaasimaha Guud

Date:

Related stories

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Hargeysa (SLpost))- Shaqaale ka hawlgala Waaxda Idaacadda Radio Hargeysa ee Wasaaradda Warfaafinta Somaliland, ayaa cabasho ka muuqjiyey caddaalad-darro iyo sinnaan la’aan ay sheegeen inay ka tirsanayaan Masuuliyiinta Wasaaradda, gaar ahaan Wasiirka iyo Agaasimaha guud.

cukuse iyo cabdirashiidLabaatan ka tirsan Shaqaalaha Idaacadda Radio Hargeysa, ayaa War-Saxaafadeed ay magacyadoodu ku saxeexan yihiin oo ay Warbaahinta u qaybiyeen waxay ku sheegeen in ballan-qaadyo kala dambeeyey oo uu u Sameeyey Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ay meesha ka baxeen, taasina ay tahay ta ku kalliftay inay cabashadooda u soo gudbiyaan Warbaahinta madaxa-bannaan.

Qoraalka War-Saxaafadeedka ay labaatanka ka tirsan Shaqaalaha Idaacaddu soo saareen, ayaa u dhignaa sidan:- “Annagoo ah shaqaalaha Idaacadda Radio Hargeysa, muddo badanna ka soo shaqaynaynay, ahna Shaqaalihii Imtixaankii shaqaalaha aannu u soo galnay Wasaaradda, isla markaana ka tirsan Shaqaalaha Barmalka ah ee Wasaaradda Warfaafinta Somaliland.

Waxaannu maanta ka cabanaynaa Xuquuqdayadii aannu xaqa u lahayn oo aannaan illaa hadda helin, caddaalad-darro iyo sinaan la’aan shaqaalaha Wasaaradda dhexdiisa ah, oo ay ka mid yihiin: Shaqaale isku giraydh ah (isku derajyo) ah oo haddana kala mushahar badan. Ardaydii ka soo baxday sannadkan Jaamacadaha dalka ee ka tirsanaa shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta oo qaarkood la dallacsiiyey.

Waxaa cabashadayadan keenay, ka dib markii uu fashilmay, shaqaaluhuna ku hungoobay ballan-qaad Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) shaqaalaha u sameeyey dabayaaqada sannadkii dhammaaday ee 2013-kii, kaasoo uu ku sheegay inaanay jiri doonin sannadka 2014-ka shaqaale isku-giraydh ah oo haddana kala mushahar badan, isla markaana ay heli doonaan wixii ay xaq u leeyihiin.

 Sidoo kale, waxa na kallifay ballan-qaadkii uu shaqaale ahaan noo sameeyey Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Cabdirashiid Jibriil Yuusuf oo noo sheegay inay sinnaan iyo caddaalad noo samaynayaan, wixii aannu xaq u leenahayna na siin doono, hase-yeeshee, taasina meesha way ka baxday. Waxaanannu qabnaa oo aannu ka cabanaynaa dulmi badan oo aan marna shaqaale ahaan waxba aanay Masuuliyiinta isu beddelayay Wasaaradda Warfaafintu waxba nooga qaban.

Waxaannu u soo jeedinaynaa Masuuliyiinta cabashadayadu khusayso inay wax ka qabtaan tacaddiga, caddaalad-darrada iyo sinnaan la’aanta hadheeyey Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta Somaliland.”

1-     Idil Maxamed Saleebaan

2-     Yaasiim Muuse Xasan

3-     Nuura Maxamed Nuur

4-     Saynab Maxamed Cabdi

5-     Aamina Xasan Cawaale

6-     Cabdiwali Saxardiid Xirsi

7-     Mubaarik Cabdi Yuusuf

8-     Sakariye Axmed Muxumed

9-     Cabdiraxmaan Axmed Ibraahin (Bataash)

10- Cabdicasiis Caydiid Cilmi (Yamani)

11- Deeqa Cali Saalax

12- Maxamed Cabdillaahi Cali (Soomaali)

13- Maxamed Saleebaan Muxumed (Gaabane)

14- Nimco Cabdiwahaab Shirdoon

15- Xasan Cali Carraale

16- Xayaad Cali Cumar

17- Ismaaciil Xasan Siciid

18- Cabdirisaaq Xasan Maxamed

19- Salma Cabdillaahi Khadar

20- Cabdillaahi Yuusuf Axmed.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories