HomeMagaalada uu Ka Soo Jeeday Daahir Rayaale Ee Qolujeed Oo Lagaga Mudaharaaday...

Magaalada uu Ka Soo Jeeday Daahir Rayaale Ee Qolujeed Oo Lagaga Mudaharaaday Muuse Biixi iyo Wafti Uu Watay

Date:

Related stories

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Qulujeed (Slpost)-Wararka naga soo gaadhay Degmada Qolijeed ee gobolka Awdal ayaa sheegaya in wafti uu hoggaaminayo guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Bixii Cabdi ,ayaa goordhaweyd gaadheen degmada Qulujeed ee gobolka Awdal,waxaanay halkaasi kala kulmeen markii ay gaadheen mudahaarad lixaadle oo lagaga soo horjeedo imaatinkooda.

Waftigan ay horkacayeen labada kornayl ee KULMIYE ayaa markii ay gaadheen degmada Qulijeed ee gobolka Awdal shacabka ku dhaqani ku qaabileen mudaharaad balaadhan oo laga soo horjeedo imaatinkooda,waxaana xusid mudan in aanu waftigan la soco madaxweyne ku-xigeenka C/raxmaan Saylici.

 Arintan ayaa ku soo aaday xili ay maalintii shalay ahayd diwaangelinta codbixiyaasha ka bilaamatay gobolka Awdal,isla markaanu uu waftiga xukuumadda caleenteedu cadaatay ee KULMIYE kala kulmeen gudaha Boorama wajigabax iyo mudahaarad aamusnaan ah oo lagu qaabilayey marka ay kormeerka ku samaynayeen goobaha ay diwaangelintu ka socoto.

Dhanka kalena waftiga uu hoggaaminayo Muuse biixi ee mudaharaadka liixaadka leh kala kulmay degmada Qulujeed,ayaa askartii la soctay jidh dil u geysteen laba weriye oo lagu kala magacaabo,Madaxamed Yusuf Bakayle oo ka hawlgala Tv-ga Star iyo weriye Khadar Cabdi Xasan ( Gurayte ) oo ka Hawgalaa Shabakada wareedka Oodweynenews, kuwaasi oo goob-joog ka ahaa dhacdaasi mudaharaadka lagaga soo horjeeday waftiga Muuse Biixi,isla markaana duubay muuqaalada Mudaharaadka,waxaana la sheegay in amarka weriyayaasha lagu jidh diley uu bixiyey wasiirka xidhiidhka Golayaasha Qaranka Cali Xaamud Jibiriil “Cali Asqo”,isla markaana ay ciidamadu askartiisu ka qaadeen wariyayaashasi qalabkoodii,balse markii dambe laga soo furtaamiye,waxaana xusid mudan inay labada weriye la socdeen wafti uu hoggaaminayo guddoomiye Cirro oo horaya u sii joogay degmada Qulujeed

Si kastaba ahaatee labada Kornalay ee Xisbiga KULMIYE hoggaamiya ayaa kala kulmay saaka dad weynaha ku dhaqan degmada Qulujeed ee gobolka Awdal mudaharaad Balaadhan oo lagaga soo horjeedo socdaalka ay saaka ku tageen Muuse iyo Maxamed Kaahin,

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories