HomeMadaxweyne Siilaanyo oo Xilka ka Qaaday Mid ka mid ah Masuuliyiinta Ugu...

Madaxweyne Siilaanyo oo Xilka ka Qaaday Mid ka mid ah Masuuliyiinta Ugu Cimriga Dheeraa Xukuumaddiisa

Date:

Related stories

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta xilka ka qaaday Agaasimihii Guud ee wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dr. Maxamed Axmed Maxamuud (Cagaweyne oo ka mid ah masuuliyiinta ugu cimriga dheer ee shaqada ka qabtay xukuumaddiisa xilligii xisbiga Kulmiye talada dalka la wareegay.

dr-cagawayneMadaxweyne Siilaanyo waxa uu masuulkan beddelkiisa u magacaabay Dr. Jaamac Maxamed Odowaa inuu noqda Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha.

Digreeto Xil-ka-qaadista iyo magacaabista madaxweynuhu ku sameeyey wasaaradda Xannaanada Xoolaha, ayaa lagu shaaciyey war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Af-hayeenka madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul, waxaanu u qornaa isaga oo dhammeystiran sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu digreeto Madaxweyne oo Sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-2493/052014uu xilkii kaga qaaday Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha isla markaana waxa uu Madaxweynuhu wasaaraddaasi u magacaabay Agaasime Cusub.

MADAXWEYNUHU:-

Markuu Arkay:                                  Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:                          Ahmiyadda ay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaraduhu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay:                                  In baahi loo qabo buuxinta jagada Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee JSL;

Markuu La Tashaday:                    Madaxda ay khusayso;

Markuu Ku Qancay:                        In uu hanan karo, aqoon iyo kartina u leeyahay jagadan;

Wuxuu go’aansaday

In Dr. Jaamac Maxamed Odowaa, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Xil-ka Qaadis

Ku:         Dr. Maxamed Axmed Maxamuud (Cagaweyne),

Agaasimihii Guud ee Hore ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha    

Og:         Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha                                                             

Mudane,

Waxa aan kuugu mahadinayaa muddadii aynu wada shaqaynaynay. Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.

Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee JSL.

Haddaba, waxaan kaa rajaynayaa in si niyad sami ah aad ugu wareejiso xilka aad haysay Dr. Jaamac Maxamed Odowaa, oo aan xilkaa isaga ah u magacaabay.

Sidoo kale, waxaa Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, oo ay warqadani ogaysiin ugu socoto, la farayaa in uu labada masuul u kala wareejiyo xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee JSL.”

Dr Caga-weyne, ayaa ka mid ahaa Agaasimayaashii Guud ee u horreeyey ee madaxweynuhu magacaabo xilligii uu talada dalka ku guulaystay xisbiga Kulmiye 27 June, 2010, waxaanu wasaaraddaas xilkeeda hayay muddo ku dhow-dhow Afar Sanno.

 

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories