HomeMadaxweyne Siilaanyo oo xil-ka-qaadis, Isku-beddel iyo Magacaabis ku sameeyey Golihiisa Xukuumadda

Madaxweyne Siilaanyo oo xil-ka-qaadis, Isku-beddel iyo Magacaabis ku sameeyey Golihiisa Xukuumadda

Date:

Related stories

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

SiilaanyoHargeysa (SLpost) Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Siilaanyo, ayaa isku-shaandheyn ku sameeyey golihiisa xukuumadda, waxaanu madaxweynuhu digreeto uu caawa soo saaray uu isku beddel, magacaabis iyo xil-ka-qaadis ku sameeyey wasiirrada, wasiir ku-xigeenno iyo masuuliyiin sar-sare.

Madaxweynuhu waxa uu isku beddel ku sameeyey Wasiirradii Wasaaradaha Warfaafinta, Duulista Hawada, Xannaanaha Xoolaha, waxaanu madaxweynuhu wasiirka wasaaradda Warfaafinta ee cusub u magacaabay wasiirkii Wasaaradda Duulista Cismaan Cabdilaahi Saxardiid, halka wasiirkii warfaafinta uu u magacaabay wasiirka cusub ee wasaaradda Xannannada Xoolaha, wasiirkii wasaaraddaasna waxa uu u beddelay inuu noqdo wasiirka cusub ee wasaaradda Duulista iyo Hawada.

Digreetada Madaxweynaha ayaa u qornayd sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu caawa Digreeto Madaxweyne oo Summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3830/022016 uu Magacaabis, Xilka qaadis iyo Bedel ku sameeyey Masuuliyiin kala duwan.

MADAXWEYNUHU:

Markuu Arkay:  Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda weyn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay:  In baahi loo qabo buuxinta jagooyinkan Wasaaraddaha, iyo Gobolada,

Markuu Ka Fiirsaday:Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;

Markuu Ku Qancay:Inay hanan karaan xilalkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

1              Wasiirkii hore ee Duulista Hawada Mudane, Cismaan Cabdillaahi Saxardiid Waxa loo magacaabay Wasiirka Warfaafinta

2              Mudane, Cabdillaahi Maxamed Daahir,  Wasiirkii Warfaafinta waxa loo magacaabay     Wasiirka Xannaanada Xoolaha

3              Mudane, Cumar Sheekh Maxamed Faarax ,   Wasiirka Xannaanada Xoolaha  waxa loo magacaabay   Wasiirka Duulista Hawada

4              Mudane, Muuse Qaasim Cumar                Wasiirka Ganacsiga          Xil Suge

5              Mudane, Yaasiin Maxamed Shide             Guddoomiyaha Gobolka Sool     Xil Suge

6              Mudane, Xuseen Aadan Cige     Af-hayeenka Madaxtooyada      Wasiirka Ganacsiga

7              Mudane, Mawliid Maxamuud Ibraahin  Wasiir Ku-xigeen W. Xidhidhka Golayasha            Xil Ka Qaadis

8              Mudane, Cabdillaahi Maxamed Carey    Maareeyaha Madbacadda Qaranka         Xil Ka Qaadis

9              Mudane, Siciid Cabdi Maxamuud              Wasiir Ku-xigeen W. Duulista, waxa loo magacaabay  Wasiir Ku-xigeen W. Ganacsiga

10           Mudane, Kaysar Cabdillaahi Maxamed   Wasiir Ku-xigeen W. Ganacsiga, waxa loo magaacbay  Wasiir Ku-xigen W. Qorshaynta

11           Mudane, Cabdi Yuusuf (Cabdi Wadad)   Wasiir Ku-xigeen W. Qorshaynta      waxa loo magacaabay Wasiir Ku-xigen W. Kalluumaysiga

12           Mudane, Naasir Ayjeex Jaamac                                 Wasiir Ku-xigenka W. X. Golayasha

13           Mudane, Maxamed X. Aadan Cilmi          Wasiir Ku-xigeen W. Kalluumaysiga    waxa loo magacaabay  Wasiiru Dawlaha W. Waxbarashada

14           Mudane, Axmed Nuur Faahiye Wasiiru Dawlaha W. Waxbarashada      waxa loo magacaanbay   Wasiiru Dawlaha W. Duulista

15           Mudane, Xamse Maxamed Cabdi  waxa loo magacaaabay     Guddoomiyaha Gobolka Gabiley

16           Mudane, Mustafe Cabdi Ciise (Shiine)    Guddoomiyaha Gobolka Gabiley, waxa loo magacaabay       Guddoomiyaha Gobolka Sool

17           Mudane, Cabdiraxmaan Aw Cilmi Fahiye (Shamax)    waxa loo magacaabay Afhayeenka Madaxtooyada

18           Mudane, Siciid Saalax Shire  waxa loo magacaabay Maareeyaha Madbacadda Qaranka.”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories