HomeMadaxweyne Siilaanyo oo Saqdii Dhexe ee Caawa Isku-shaandhayn Sameeyey, Tirada Seeftu jiidhay,...

Madaxweyne Siilaanyo oo Saqdii Dhexe ee Caawa Isku-shaandhayn Sameeyey, Tirada Seeftu jiidhay, Xubnaha Cusub iyo inta la beddelay

Date:

Related stories

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

 Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa digreetooyin kala duwan oo uu caawa soo saaray xil-ka-qaadis, isku-beddel iyo magacaabis ku sameeyey masuuliyiinta laamaha kala duwan ee dawladda, kuwaas oo qaarkood ku cusub yihiin saaxadda xukuumaddiisa.

Masuuliyiinta uu madaxweynuhu isku-beddelka, xil-ka-qaadista iyo magacaabista ku sameeyey, ayaa isugu jira guddoomiyeyaal gobol, Agaasimeyaal, guddoomiyeyaal hay’adeed, taliye iyo wasiir ku-xigeen.

Digreetada madaxweynuhu waxa ay samaayn ku yeelatay guddoomiyeyaasha gobollada Gabiley, Saaxil iyo Sanaag, kuwaas oo midkood xilka laga qaaday, halka labada kale loo wareejiyey hay’ado kale, kuwaas oo beddelkooda loo magacaabay masuuliyiin cusub.

Sidoo kale, wareegtada madaxweynuhu waxa ay saamaysay agaasimeyaashii Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Cadaaladda, Tacliinta Sare, Diinta iyo Kalluumaysiga, kuwaas oo laba ka mid ah xilalka laga qaaday, halka kuwa kalena isku-beddel lagu sameeyey.

Xilka ka Qaadis

MASUULIYIINTA LA ERGAYEYMadaxweynaha Somaliland waxa uu xilalka ay qaranka u hayeen ka qaaday Wasiir Ku-xigeenkii Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Cabdilaahi Abokor Cismaan, Taliyihii Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Gaashaanle Faysal Kaamil Ciise, Guddoomiyihii gobolka Gabiley Yuusuf Ibraahin Geeddi, Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Cabdirashiid Cabdilaahi Maxamed iyo Agaasimihiii hore ee wasaaradda Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka Cabdirashiid Jibriil, kuwaas oo dhammaantood uu ka fadhiisiyey shaqadii xukuumaddiisa ka hayeen.

Magaaabis Cusub

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu masuuliyiin cusub u magacaabay gobollada Saaxil, Gabiley, Sanaag. Madaxweynuhu waxa uu guddoomiyaha cusub ee gobolka Saaxil u magacaabay masuul cusub oo magaciisa la yidhaahdo Fahmi Cabdi Bidaar, halka badhasaabkii hore ee gobolkaas Cali Maxamed Cilmi u wareejiyey wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu guddoomiyaha Gobolka Gabiley u magacaabay Mustafe Cabdi Ciise (Shiine) oo hore u ahaan jiray guddoomiyaha ururka Suxufiyiinta ee SOLJA xilligii xukuumaddii UDUB.

Md Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) oo hore u soo ahaan jiray Guddoomiyaha gobolka Saaxil, balse uu hore xilka uga qaaday, waxa uu digreetadiisa caawa ugu magacaabay Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Sanaag, halka guddoomiyihii hore ee gobolka Sanaag Axmed Muxumed Geelle (Dacar) loo magacaabay guddoomiye ku-xigeenka Hay’adda Ka hor-tagga Aafooyinka Dabiiciga ah ee (NERAD) oo uu hore xilkeeda u hayn jiray ka hor intii aan loo magacaabin badhasaabka Sanaag.

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu guddoomiye iyo ku-xigeen cusub u magacaabay guddiga Mihnadleyaasha Caafimaad. Dr. Axmed Xaashi Oday oo xukuumadda Siilaanyo hore uga soo qabtay wasaaradaha Xannaanada Xoolaha iyo Boosaha, ayaa loo magacaabay Guddoomiyaha Guddiga Mihnadlayaasha Caafimaadka ee Jamhuuriyadda Somaliland halka guddoomiye ku-xigeenka guddigaasna loo magacaabay Cabdiraxmaan Maxamed Axmed Doodi.

Sidoo kale, madaxweynuhu waxa uu taliyaha cusub ee Ilaalada Ciidanka Madaxtooyada Somaliland u magacaabay Axmed Cali Maygaag, ka dib markii xilka ka qaaday taliyihii hore ee ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Gaashaanle Faysal Kaamil Ciise.

Sidoo kale, Badhasaabkii hore ee gobolka Saaxil Cali Maxamed Cilmi, ayaa madaxweynuhu u magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Masuuliyiinta Cusub ee digreetada madaxweynaha Xilalka loogu magacaabay waxa kale oo ka mid ah agaasimeyaasha Wasaaradaha Warfaafinta iyo Diinta oo lagu beddelay masuuliyiintii hore ugu magacownaa ee digreetada madaxweynuhu galaafatay.

Waxa digreetada lagu sheegay In Aadan Cabdilaahi Cabdille uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, halka Maxamed Cilmi Xuseen loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda.

Isku- beddel

Agaasimihii hore ee wasaaradda Cadaaladda iyo Garsoorka Abiib Axmed Cali, waxa loo beddelay inuu ahaado Agaasimaha Guud ee Tacliinta Sare ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Somaliland. Halka Agaasimihii hore ee Tacliinta loo beddelay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cadaaladda iyo Garsoorka.

Sidoo kale, Agaasimihii hore ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Kheyraadka Badda Maxamed Cilmi Aadan, waxa uu madaxweynuhu u beddelay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories