HomeMadaxweyne Siilaanyo oo la kulmay Taliyaha Guud ee Ciidamada Waddanka Imaaraadka iyo...

Madaxweyne Siilaanyo oo la kulmay Taliyaha Guud ee Ciidamada Waddanka Imaaraadka iyo masuuliyiin kale

Date:

Related stories

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Abu Dhabi (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland iyo weftigii uu hoggaaminayey oo socdaal shaqo ku jooga waddanka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, ayaa maanta kulan la yeeshay Dhaxal-sugaha Imaaradda Abu Dhabi ahna Abaanduulaha Ciidamada Qalab-sda ee dalka Imaaraadka Maxamed bin Zayed bin Suldan Al Nahyan oo madaxweynaha iyo weftigii Marti-qaadka u fidiyey iyo Raysalwasaare ku-xigeenka ahna wasiirka madaxtooyada Imaaraadka Sheekh Maansour bin Zayed.

Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan oo madaxweynaha ku wehelinaya safarka ay ku tageen dalka Imaaraadka, ayaa faahfaahin ka bixiyey waxyaabaha lagaga wada-hadlay kulankaas iyo natiijada ay ka filayaan socdaalkooda.

siilanayoSida uu Wasiir Xirsi ku sheegay Qoraal uu caawa ku baahiyey bartiisa Facebook, waxa uu madaxweynuhu kala hadlay dowladda Imaaraadka Carabta kor u qaadista mashaariic wax-qabad oo dowladda Imaaraadku ku taageerto Somaliland.

Qoraalka wasiir Xirsi kaga hadlay kulanka, ayaa u qornaa sidan:- “Weftiga Somaliland oo Imaaradka Carabta Kala hadlay Dardar gelinta Mashaariicdi horay loo balan qaaday iyo Gudbinta kuwo Cusub oo saamayn muuqata ku yeelanaya Bulshada reer Somaliland

“Kulankan ayaa wax badan ka taraya kor u qaadida Muuqaalka Dimplomaasiyadeed iyo Xidhiidhka Ganacsi ee Somaliland

Waxay ahayd maanta kadib markii kulan si sharfan loo soo agaasimay uu ka qabsoomay dalka Imaaradka Carabta, kulankan oo uu Madaweynaha

Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silanyo oo aan ku wehelinayno Xubno kamida golaha Wasiirada JSL uu nagu qaabilay dhaxal sugaha Imaaradka Carabta Mohammed bin Zayed bin Sultan Al Nahyan oo uu wehelinayo Ku xigeenka Ra’isal Wasaaraha dalka ahna Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Mansour bin Zayed bin Sultan bin Zayed bin Khalifa Al Nahyan.

madaxweyahaUjeedada kulankan oo ahayd soo dhawaynta waftiga ka socda Jamhuuriyada Somaliland iyo sidoo kale sidii iskaashi dhaqaale iyo maal-gelin u dhex mari lahaa labada dal ee Imaaradka Carabta iyo Jamhuuriyada Somaliland

Waxaa sidoo kale Waftiga ka socday Jamhuuriyada Somaliland kala hadleen madaxda Imaaraadka Carabta dhamaystirka mashaariicdii hore loogu heshiiyey safarkii hore ee Madaxweynaha JSL uu ku soo gaadhay dalka Imaaradka Carabta iyadoo sidoo kale dalab cusub weftigu u gudbiyey,waxaanay kala ahaayeen mashaariicdii horay loo gudbiyey iyo kuwo lagu darayba sidan hoose :-

1) Horumarinta Biyaha

2) Horumarinta Kaabayaasha dhaqaalaha sida (Dekadaha, Wadooyinka iyo Madaarada)

3) Horumarinta caafimaadka

4)Tayeynta Tamarta korontada oo dalka loo sameeyo tamaraha la cusboonaysiin karo (renewable energy)

5) Kor u qaadida cilaaqaadka iyo xidhiidhka siyaasada ee labad dal

6) Caawimo xaga bin-aadaminimo ee qaxootiga kasoo burqanaya Yemen.

Kulankan ayaa ku dhamaaday guul iyo is af-garad, iyadoo la xusi karo sida milgaha dawladnimo huwan ee weftiga loogu soo dhaweeyay dalkan kulankuna ku billaabmay jawi milgo iyo maamuus mudan

Kulankan ayaa noqonaya mid wax badan ka tari doona xaalada Dimplomasiyadeed iyo dhaqaale ee Jamhuuriyada Somaliland.”

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories