HomeMadaxweyne Siilaanyo oo ku waabariistay Borama Kuna Hoyday Gobolka xeebta Galbeed Ee...

Madaxweyne Siilaanyo oo ku waabariistay Borama Kuna Hoyday Gobolka xeebta Galbeed Ee Saylac

Date:

Related stories

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Boorama(SLPOST)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa saaka ku waaberiistay magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal, waxaana si laayb leh ugu soo dhoweeyay halkaa boqolaal gaadiid iyo dadweyne oo is xidhay jidka dheer ee isku xidha inta u dhaxaysa Gebilay iyo Awdal .

dhagax-dhig

Masuulyiinta gobolka iyo kuwa degmada Boorama oo ay weheliyaan masuulyiinta ururka waddooyinka Awdal ee SERDA ayaa ka dhexmuuqday soo dhaweynta wefdiga Madaxweynaha Somaliland, iyadoo Madaxweynaha ay socdaalkiisa ku weheliyaan wasiirka madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji

Xasan iyo xubnaha golaha wasiiradda qaarkood oo ay ka dhexmuuqdeen Wasiiradda Arrimaha debeda, Arrimaha Gudaha, Boosaha, Beeraha iyo xubno kale.

Madaxweyne Siilaanyo wuxuu xadhigga ka jaray jaray  qaybtii u dambaysay ee  lagujsoo gunaanaday jidka u dhexeeya Boorama iyo Dila  oo ururka wadooyinka Awdal  ee ASEFRDA sannado badan ku

Mashquulsanaa, kaas oo ay dawlada Somaliland gacan weyn ka geystay dhamaystirkiisa.

Sidoo kale  Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa kaddib u kicitmay goob galbeedka magaalada Boorama u jirta ilaa saddex Km,  halkaasoo uu dhagaxa dhigay Madaxweynuhu jidka isku xidhi doona Lawyacaddo iyo Boorama oo dhererkiisana lagu qiyaasay ku dhawaad 300 oo km, kaas oo xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku daray qorshaha la doonayo in lagu dhiso wadooyinka isku xidha dalka.

Madaxweyne Siilaanyo iyo wefdigiisa ayaa markaa ka dib u kicitimay Jaamacadda Camuud, halkaas oo Madaxweynaha iyo wedfigiisu kaga qaybgaleen xaflad  ururka wadooyinka ASERDA ku qabteen, taas oo ay ka qaybgaleen dhammaan masuulyiinta laamaha dawladda  ee gobolka Awdal iyo qaybaha kala duwan ee bulshada deggen Boorama iyo sidoo kale salaadiinta iyo madaxdhaqameedka Awdal.

Madaxweyne Siilaanyo oo khudbad ka jeediyay halkaa ayaa sheegay sida ay xukuumaddiisa uga go’antahay dib u dhiska dalka iyo in ay fuliso waxyaabihii ay balanqaaday xiliggii ololaha doorashada ee 2010. Munaasibadaa waxa sidoo kale hadalo ka jeediyay waxgaradka ,siyaasiyiinta ,iyo xubno ka socday ururada bulshada rayidka ah ,ayaa waxa ka hadlay

Soo dhaweynta madaxweynaha loo sameeyey ayaa toddobaad uun ka dambaysay soo dhaweyn  wiigii hore Boorama loogu sameeyey madaxweyne ku xigeenka soomaaliland oo jid qardajeex ah kasoo galay magaalada ,Balse Mardaxweyne Siilaanyo ayaa qaab ka duwan socdaalka madaxweyne Xigeenkiisa, wuxuu  cabbaar kusoo lugeynayay jidka laamiga ah ee Boorama kasoo gala dhinaca Hargeysa .

Maanta gelinkii dambe waxay madaxweynaha iyo wafdigiisu  socdaal dheer ugu kicitimeern dhinaca xeebaha galbeedka Somaliland, gaar ahaan degmada Saylac.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories