HomeMadaxweyne Siilaanyo Oo Ka Qayb-galay Xafladda Qalin-jebinta Jaamacadda Camuud

Madaxweyne Siilaanyo Oo Ka Qayb-galay Xafladda Qalin-jebinta Jaamacadda Camuud

Date:

Related stories

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Hargeysa  (SL.Post) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa safar ku tegay gobolka Awdal, magaalo Madaxdiisa Boorama, halkaasoo uu kaga qaybgalay xaflada qalinjebinta Dufcadii 15aad ee Ardayda ka baxday Jaamacada Camuud oo tiradoodu dhamayd 682 Arday.

 

blank

 

Madaxweynaha oo si balaadhan loogu soo dhaweeyey gobolka Awdal ayaa markii uu gaadhay hoolka xalfadu ka dhacaysay waxa si balaadhan u soo dhaweeyey Ardaydii ku sugnayd halkaasi oo dareen farxadeed ku qaabiley madaxweynahooda soo sharfay soona karaameeyey Ardayda u dabaaldegaysay qalinjebintooda.

 

 

 

Xaflada ay ka soo qaybgaleen Masuuliyiin kala duwan, hoggaanka dhaqanka iyo waalidiin tiro badan, ayaa socotay wakhti dheer iyadoo ay halkaa hadalo dardaaran u badnaa kasoo jeediyeen, qaar ka mid ah waalidiintii ku sugnayd halkaas, maamulka Jaamacada oo uu ugu horeeyo Prof Saleebaan Cabdi Guuleed, Gudoomiyaha ahna Murashaxa Xisbiga Kulmiye, Mudane Muuse Biixi Cabdi, Xubno ku hadlaayey Afka Ardayda Jaamacada iyo Gudoomiyaha Cusub ee Hay’adda Shaqaalaha oo isagu halkaasi ka jeediyey khudbad ay la dhaceen Ummaddii halkaasi ku sugnayd, isagoo gudoomiyuhu Ardaygii Gudoomiyaha u ahaa Ardayda Baxday Sanadkan ka shaqaalaysiiyey Madaxtooyada Somaliland, Xusayna in Shan Sanno ka hor isaga uu Madaxweynuhu ka qaatay Isla jaamacadaasi isagoo ahaa gudoomiyihii Ardaydii wakhtigaasi baxday, balse uu maanta ku soo noqday isagoo ah Gudoomiyaha Hay’da ugu saraysa dalka marka laga hadlaayo dhinaca shaqaalaysiinta dalka iyo xuquuqda shaqaalahaba, taa abaalkeediina uu ku gudi doono daacadnimo iyo cadaalad uu u sameeyo da’a yarta iyo dadka tirsanaya in ay cadaalad daro ku waayeen aqoontooda ay soo barteen.

 

 

 

Madaxweynaha Qaranka Somaliland oo halkaasi ka hadlay soona afmeeray xaflada shahaadooyinna gudoonsiiyey Ardaydii ka qalinjebisay Jaamacada Camuud ayaa yidhi “Farxad weyn ayey ii tahay in aan xafladan qalinjebinta ardayda intaa tirada leeg in aan idin kala soo qaybgalo ee Jaamacada Camuud, Waxan hambalyo balaadhan u dirayaa oon leeyahay Hambalyo Macalimiinta, Ardayda Qalinjebinaysa, Waalidkood iyo dhamaan shaqaalaha Jaamacada ee ku hawlanayd soo saarista Ardaydan qiimaha badan waxanan leeyahay aad iyo aad ayaan idinku hambalyeynayaa. Jaamacada Camuud waxa yaalaha ay qabatay  waa waxyaabo dadkeena iyo dalkuba ku wada faanayo oo aynu gidigeen kuwada faanayno oo aynu markhaati uga nahay inay qiimo weyn iyo magac weyn iyo sharaf weyn qaranka u tahay, Annagana waxa weyn bay noo tahay waxa aanu jidkaa u soo marnay waa taa Ilaahay waxan ka baryayaa inuu sanadkan sanadkiisa inagu gaadhsiiyo bash-bash iyo barwaaqo, Waxanan idin leeyahay mar kale Hambalyo Hambalyo Hambalyo Ilaahay garabkiina ha galo, guushana ha idin waafajiyo”. sidaasi ayuu madaxweynuhu ka yidhi munaasibadii loo qabtay Ardaydii ka baxday Jaamacada Camuud. Ka dibna waxa uu madaxweynuhu Shahaadooyin gudoonsiiyey Ardaydii dhamaystay waxbarashadii jaamacada.

 

 

dhinaca kale waxa uu madaxweynuhu xadhiga ka jaray dhisme balaadhan oo ay wasaaradda Maaliyadu ka dhistay gobolka Awdal gaar ahaan magaalada Boorama, halkaasoo noqon doonta xarunta wasaaradda maaliyada ee gobolka Awdal.

 

st.Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories