Hargeysa(SLpost)-Ka qaybgalka Madaxweynaha ee Xidhitaanka Dugsigan oo ahKoorsadiisaddexaad ee si xidhiidha uga soo baxda dugsigan Cabdilahi Askar Madaxweynuhuna uu nasiib u yeeshayAas-aaska Dugsigan, dhagax-dhigiisa, Furitaankiisa iyowelibaxidhitaanka saddexdaaKoorso ee kala danbeeyey inuu goob-joog u ahaado,Maanta oo ay horumar balaadhan ku talaabsadeen ciidamada kaa duwan ee Qaranku aydhiirigelin u tahay madaxweynaha iyo Ciidamadaba.





Markii uu madaxweynuhu gaadhayXerada Ciidamada ee Dererweyne waxa uu salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka qaranka,ka dibna waxa uu madaxweynuhu xadhiga ka jaray Taangi biyood oo qaadi doona 150 Foosto, ka dibna waxa uu madaxweynuhu kormeer ku tegayCeelasha biyaha looga soo qaado Dugsiga Layliskasaraakiisha Cabdilaahi Askar ee Degmada Dererweyne.
Waxaana Madaxweynaha halkaasi warbiximo kala duwan ka siiyey Taliyaha Ciidanka Qaranka Sareeyo Gaas Ismaaciil Shaqale, isaga oo taliyuhu sheegay in ay qodeen saddex ceel oo hoosta isaga daloola biyahana geeya mastaafo dhan hal kiilomitir iyo badh (1KM1/2)iyagoo isticmaalaya Tamarta Cadeeda.
Ka dibna waxa uu madaxweynuhu xadhiga ka jaray, Mashaariic kala Duwan oo ay ka mid ahaayeen Dugsiga kulliyada saraakiil ku xigeenada, oo loogu magac daray MujaahidMaxamed Xaaji Muuse (Harag-waafi) oo ahaa mujaahid ku suntan taariikhda halgamayaashii naftooda u huray qarankani inuu cagihiisa ku istaago.
Sidoo kale madaxweynuhu waxa uu soo kormeeray Guryaha hurdada, Cuntada, xafiisyadaiyo Qaybo kale oo loo dhisay dhamaan saraakiil ku xigeenada dugsiga
iyo macalimiintooda. Waxaanu madaxweynuhu isla joobtaasi xadhiga kaga jarayQasabadaha biyaha qaybiya oolooga talaalay Guryahaasi kaydka Biyaha Ciidamada.
Ka dibna waxa uu madaxweynuhu soo gaadhay xaruntii lagu qabtay xaflada xidhitaanka DugsigaLayliska Saraakiisha, waxaana halkaasi madaxweynaha ku soo dhaweeyeyTaliyaha DugsigaLayliskaSaraakiishaee CabdilaahiAskar,Gashaanle Sare Maxamed Cabdi CaliShiinewaxaanu yidhi Madaxweyne waan kaaga mahadnaqaynaa inaadmaanat noo soo xidho Kulliyadii 3aad ee Cabdilaahi Askar ka baxda sanadkan kana qalinjebisa.
Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Sareeyo Gaas Ismaaciil Shaqale, iyo wasiirka Gashaandhiga Mudane Axmed Xaaji Cali Cadami oo dhamaantood madaxweynaha uga mahadnaqay dedaalka uu mar walba la barbar jooga ciidamada kala duwan ee qaranka, iyagoo iska daba maray inhorumar balaadhan ciidanku ku talaabsaday intii uu madaxweynuhu xukunka hayey.
Ugu danbayna waxa halkaa ka hadlayMadaxweynaha Qaranka Mudane Axmed Maxamed Siilaanyooo ay hadaladiisi ka mid ahaayeen “Duco–qabayaal Farxad bay ii tahayin aan idin kala soo qayb–galo munaasibadan qalinjebinta layliska saraakiisha, waxaanan idin ku hambalyenayaa waxbarashada aad dhamaysateen maanta. Mar labaad hambalyo ayaan idin leeyahay waxqabadka kale ee ay ka mid yihiin Dugsiga Cusub ee Saraakiil xigeenada loo dhisay.
Waxaan idin leeyahay Hambalyo qaranka sida aad ugu adeegtaan, dedaalkana halkaa ka sii wada aniguna waxan idin la barbar taagnahaytaageero buuxda.
Ugu danbayna waxa uu madaxweynuhu shahaadooyin gudoonsiiyey Tobankii Sarkaalee ugu sareeyey saraakiishii dugsigaas ka soo baxay maanta kuwaas oo isugu jiray Xidigle ilaa dhamme.
