HomeMadaxweyne Ismaciil Cumar Geele oo ay Jaaliyadda dalkiisa ee Yurub...

Madaxweyne Ismaciil Cumar Geele oo ay Jaaliyadda dalkiisa ee Yurub si weyn ugu muddaharaadeen

Date:

Related stories

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Brussels(SLPOST):- Jaaliyadda reer Jabuuti ee ku dhaqan waddamada Yurub, ayaa ku muddaharaaday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti iyo wefti dawladiisa ka tirsan oo magaalada Brussels ee dalka Belgium kaga qaybgalay Shir lagu casuumay oo lagu qabtay xarunta Baarlamaanka Midawga Yurub oo magaaladaas ku taalla.

Jabuuti_

Mudaaharaadkia lagaga soo horjeedo Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa ka dhacay Arbacadii inna dhaaftay faafka hore Baarlamaanka Midowga Yurub oo ku yaalla magaalada Brussels ee xarunta dalka Belgium. Bannaanbaxa ayaa waxaa ka qaybgalay boqolaal ka tirsan jaaliyadda Jabuuti ee ku nool Qaaradda Yurub, iyadoo dibedbaxayaashu ay wateen Boodhadh ay ku Sawiran yihiin Xubno siyaasiyiah oo ka tirsan Xisbiyada Mucaaridka ah ee Jabuuti, kuwaasoo ay dawladdu xidhay, isla markaana ay Muddaharaadayaashu dalbanayeen in la sii daayo oo xorriyaddooda ay dawladda uu Madaxweyne Geelle hoggaamiyaa u soo celisay.

nnjb

“Dibadbaxa waa mid si wanaagsan u dhacay, waxayna dadkan halkaan isugu yimid ee dibadbaxa ka qaybgalayay muujinayeen dareenkooda ku aaddan sida aanay ugu qanacsanayn Maamulka ka jira Jabuuti ee Madaxweyne Geelle.” Sidaa waxa yidhi Cabdiraxmaan Boorre oo ka mid ah Ganacsatada sida weyn looga yaqaanno dalka Jabuuti oo dibedbaxa ka qaybgalayay, kaasoo uu Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ka mabnuucay inuu waddanka Jabuuti lug soo dhigo, hanti uu lahaana ay dawladdu la wareegtay, isla markaana uu Md. Geelle dacwad kaga oogay waddanka dibeddiisa.

Dj--jubti

Sidoo kale, Cabdiraxmaan Boorre oo intii muddaharaadku socday Warbaahinta la hadlay, wuxuu sheegay in dibedbbaxa ay ka qaybgaleen Xisbiyo badan oo Mucaaradka Jabuuti ka tirsan, kuwaasoo ku mideysan isbahaysiga SNA. Waxaanu intaa sii raaciyey in muddaharaadkani uu meesha ka saarayo hadallo ay faafin jirtay dowladda Jabuuti oo ahaa in Mucaaradku ay dhexdooda is-haystaan.

jajj

Ganacsade Cabdiraxmaan Boorre oo sharraxayay nuxurka farriinta uu Bannaan-baxoodu dunida u gudbinayo, waxa uu yidhi; “Farriinta aan muddaaharaadka ku gudbinaynay waxay ahayd inaan beesha caalamka tusno in shacabka Jabuuti ay dhibaato ku jiraan oo uu gacanta ku hayo Maamul mayal-adag, dadkuna waxay dalbanayeen caddalaad, midnimo iyo maamul furfuran oo aan keli-talis ahayn.”

Ganacsadaha Boorre waxa kale oo uu sheegay in waxyaabaha kale ee ay muujinayeen ay ka mid ahaayeen cadaalad-darrada iyo dimuqraaddiyad la’aanta ka jirta Jabuuti iyo dhibaatada shacabka haysata. Muddaaharaadkan ayaa waxaa ka qaybgalay dadweyne isugu jiray Rag, Dumar iyo Dhalinyaro iyo Waayeelba leh, kuwaasoo dhammaantood ku qaylinayey erayo ay kaga soo hor-jeedaan Madaxweynaha Jabuuti iyo Xukuumaddiisa.

Xisbiyada Mucaaradka ah ee dalka Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa waxay ka cadhoordeen sannadkii 2013-ka doorashadii Baarlamaanka ee ka dhacday dalkaas, iyagoo sheegay in si aan caddaalad ahayn ay ku dhacday oo codadkii doorashada lagu shubtay, inkastoo uu taas gaashaanka ku dhuftay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Dibedbaxayaasha ayaa waxay dalbanayeen in lasii daayo Mas’uuliyiin ka tirsan Xisbiyada Mucaaridka ah eek a jira dalka Jamhuuriyadda Jabuuti oo uu Maamulka Ismaaciil Cumar Geelle Xabsiyada ku guray, kuwaasoo ay ku dhawaaqeen inay ku xidhan yihiin caddaalad-darro iyo cabbudhin Madaxweyne Geelle ku hayo Mucaaridka iyo Shacabkiisa sida ay Muddaharaadayaashu ku dhawaaqayeen.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Wasiirro Xukuumadda Jabuuti ka tirsan, ayaa tegay wadanka Belgium, iyaga oo ka mid ahaa Madaxda dalalka Afrika ka socday ee lagu casuumay Shirka Afrika iyo Midowga Yurub oo lagu qabtay xarunta dalka Belgium ee Brussels oo ay ku taallo xarunta Baarlamaanka Midowga Yurub.

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories