HomeMadaxweynaha Somalia Oo Saxeexay Xeer Cusub

Madaxweynaha Somalia Oo Saxeexay Xeer Cusub

Date:

Related stories

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Muqdisho  (SL.Post) Madaxweynaha  Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud,  ayaa maanta si rasmi ah qalinka ugu duugay sharciga lagu dhisayo Guddiga Madaxa Banaan ee Xuquuqul Insaanka.

 

blank

 

 

Madaxweynaha oo munaasabaddan khudbad ka jeediyay ayaa sheegay in dhowrista xuquuqda aadanaha ay qeyb ka tahay dhismaha dowlad wanaagga iyo in nabad iyo caddaalada lagu wada noolaado.

 

 

 

“Saxeexa sharcigan waxaa uu si cad uga tarjumayaa muhimadda aan siineyno dhowrista xuquuqaha aasaasiga ah iyo xorriyadaha qof walba oo ku nool Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya ay tahay inuu helo. Guddigan Madaxa Banaan ee Xuquuqda Aadanaha waxaa uu noqonayaa xafiiska ugu sarreeya dalka ee u xilsaaran inuu sugo in xaqa muwaadiniinta sida ay tahay loo ilaaliyo, cid walbana lagula xisaabtamo iyadoo la tixraacayo dastuurka iyo shuruucda kale ee inoo degsan.”  ayuu yidhi Madaxweynaha Somaaliya.

 

 

 

Waxaa uu Madaxweynaha sidoo kale hoosta ka xariiqay in Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay ballanqaadeyso inay iskaashi iyo wadashaqeyn buuxda u fidin doonto Guddigan Madaxa Banaan ee Xuquuqda aadanaha iyo sidii uu waajibaadkiisa u gudan lahaa.

 

 

 

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale ka hadley arrimaha siyaasadda dalka, isagoo ka waramey muhimadda in xisbiyo siyaasadeed la sameysto, khatarta siyaasadaha qabiilka ku dhisan, qoondada haweenka ay ku leeyihiin goleyaasha siyaasadeed ee la soo dhisayo doorashada 2016 iyo in la dhiirigeliyo midnimada iyo dib u dhiska dalka.

 

 

 

Somalilandpost.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories