HomeMadaxweynaha oo Farriin u diray Soomaaliya: “Awrkii lamada iyo dhibaada lahaa...

Madaxweynaha oo Farriin u diray Soomaaliya: “Awrkii lamada iyo dhibaada lahaa ee aannu lixdankii idiin keennay isagoo cadaysimo ah ayaannu la noqonay ee aan kala eed la’aanno si gobeedna aan wax u kala guranno”

Date:

Related stories

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo oo maanta khudbad dhinacyo badan ka jeediyey munaasibad loogu dabbaal-degay 23-guurada maalinta Qaranimada Somaliland, ayaa sheegay inay xukuumaddiisu sii wadayso wada-hadallada u socda Soomaliya, balse aanay taas micnaheedu ahayn inay Somaliland ka tanaasushay go’aankeeda madax-bannaanida.

DSC_0154Madaxweynuhu waxa uu munaasibadda 18-May farriin ugu diray shacabka Somalia inaanay shacabka Somaliland diyaar u ahayn inay dib u soo noqdaan cadaawaddii iyo dhibaatooyinkii hore u soo maray,  waxaanu sheegay in dhex-dhexaadinta beesha Caalamka ee wada-hadallada labada dhinac ujeeddadeedu tahay sidii umadda Soomaaliyeed darisnimo lagu badhaadho u heli lahaayeen.

“Walaalahayo Somaaliya waxaan leeyahay reer dan buu guuraa, sidaa darteed, waannu tashanay oo waannu isku tashanay. Dalka iyo dadka aan madaxda u ahayna idiinma soo socdaan ee illaawa oo idinkuna duco-qabayaal isku tashada. Walaalayaal, awrkii lamada iyo dhibaada lahaa ee aannu lixdankii idiin keennay isagoo cadaysimo ah ayaannu la noqonay ee aan kala eed la’aanno si gobeedna aan wax u kala guranno. Waxaanu doonaynaa way cadahay, waxaannuna ka digaynaa in dib loo abuuro cadaawad iyo caabuqii colaadihii ina soo maray,” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo oo khudbaddiisa ay ka muuqatay dareen waddaniyeed iyo shucuur beddeshay jewigiisa.

Madaxweynuhu mar uu ka hadlayey dhex-dhexaadinta beesha Caalamku ka dhex-waddo Somaliland iyo Somaliya, waxa hadalladiisa ka mid ahaa, “Xukuumadda aan gadh wadeenka ka ahay waxay diyaar u tahay in wada hadallada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya la sii ambaqaado, si looga gaadho maslaxad caam ah oo qawmiyada somaaliyeed u horseedi karta in ay ku wada noolaato nabad, walaaltinimo iyo deris wanaag salka ku haya laba dawladood oo dano badan iska kaashan kara. Waxaan bogaadinayaa  dawladihii  sida hagar la’aanta ah  gacanta uga gaystay qabsoomidda wada hadalkaasi,  haatanna diyaarka  u ah  inay sii wadaan  dedaalkaas,” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.

DSC_0094 IMG_0132 IMG_0184

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories