HomeMadaxwayne Suxufiyiinta Xamar tagey, waa Dambiilayaal Qaran.

Madaxwayne Suxufiyiinta Xamar tagey, waa Dambiilayaal Qaran.

Date:

Related stories

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Waxay Aheyd 11-12January 2016ka markii laba suxufi oo ka mida warbaahinta Somaliland ay ka qaybgaleen Shir dawlada federaalka Somaliya ku mijo xaabinayso warbaahinta Soomaaliyeed oo lagaga hadlayay qorshaha dawlada federaalka Somaliya ku hagin doonto warbaahinta Soomaaliyeed.

Shirkan waxaa kasoo qaybgalay ra’iisal wasaare ku xigeenka Somaliya, wasiiro, iyo xubno kale oo ka socda maamul goboleedyada dawlada federaalka Somaliya.Somaliland shirkan waxaa si tuugnimo leh uga qaybgalay Laba Suxufi oo ka hawlgala TVga Horn Cable oo kala ah Agaasimaha guud Maxamed Cabdi (Ilig) iyo wariye Cabdiraxmaan Xirsi (Heelo) oo sidoo kalena ah mulkiilaha wargeyska madaxa banaan ee Sahan kana mid ah shaqaalaha wasaarada warfaafinta Somaliland oo ka diwaangashan qaybta idaacada Radio Hargeysa.

Markii labadan Suxufi lagu arkay shirkan lagaga hadlayey saxaafada Dawlada Federaalka Somaliya waxaa si wayn uga damqaday dhamaan suxufiyiinta Somaliland ee ay labadan masuul kaga qaybgaleen magacooda ama ay somaliland ku matalayeen warbaahinteeda.

Qodobo Saddex iyo toban ah oo shirkaasi kasoo baxay waxaa lagu sheegay in dhamaan warbaahinta Soomaaliyeed ay u dhantahay shirkaasi lagu qabtay Xamar iyadoo qodobka lagu xusayna odhanayay Dhamaan warbaahinta Soomaaliyeed waxay isla qaateen in la hirgaliyo faafinta Dastuurka nidaamka Federaalka,wacyigalinta bulshada ,Amniga iyo Arrimo kale.Suxufiyiintan dawlada Somaliland ee ay ka tirsanyihiin kama hadal falkan ay ku kaceen, balse waxaa ay xukuumadu go’aansatay in marka ay madaarka Hargeysa kasoo degaan halkaasi lagu xidho islamarkaana la dacweeyo.

Suuqyada magaalada Hargeysa maalmahaasi waxaa goobaha shaaha laga cabo si aad ah loogu falanqayn jiray falka ay ku kaceen labadan Suxufi ee ka Tirsan warbaahinta Somaliland.Iyagoo dadka suxufiyiintan difaacayay ee taageersanaa ku doodayay in TVga ay ka tirsanyihiin caalami yahay.Halka ay dadka kale ee kasoo horjeeda ka qayb galka shirkan ee labada suxufi ay ku doodayeen TVgu waxaa uu leeyahay wakiilo u jooga Somaliya iyo Agaasime u qaabilsan Koonfurta Somaliya.

Golleyaasha Baarlamaanka Somaliland waxaa ay 2003kii Ansixiyeen Xeer diidaya in Shacabka reer somaliland haday tahay Maamul,saxaafad,Ururada Bulshada,odayaasha dhaqanka iyo muwaadiniinta Somaliland oo cid matalayaa ay ka qaybgalaan shir ay soo qabanqaabisay dawlada Somaliya islamarkaana lagaga hadlayo arrimo khuseeya Somaliland ay tahay Khiyaamo laga galay Qarankan yar ee curdinka ah .

Sida aan ku maqlay warar hoose markii ay labadan Suxufi kasoo dageen madaarka Hargeysa lama Xidhin oo waarankii waxaa ka horjoogsaday guddoomiyaha Maxkamada Sare oo yidhi Suxufiyiinta iyagoo dibada jooga hala dacweeyo.

Labadan Suxufi ee qaranka Khiyaamay islamarkaana ka qaybgalay shirka dawlada federaalka Somaliya wax raali galin ah kama bixin falkaasi ay ku kaceen iyadoon la xidhin oo aan shircigii baarlamanku ansixiyay lagu fulin.

Dabagal badan oo aan sameeyay waxaan ogaaday in xadhiga labadan suxufi ay aad uga soo horjeedeen laba wasiir oo ka tirsan xukuumada Madaxwayne Siilaanyo oo la hayb ah Wariyayaashan islamarkaana aad ugu dhaw Madaxwaynaha Qaranka Mudane Siilaanyo.

Hadaba Su’aasha isweydiinta Mudan waxay Tahay Akhristayaal iyo Mudane Madaxwayne, Maxaa loo xidhay Fanaaniintii xidigaha geeska ee Muqdisho Showga ka dhigayay, ee ay gabadhu ku jirtay, fanaaniintu kamay qayb galin Shir Somaliland lagaga hadlayo waxay tageen Muqdisho Sharcigii xidhay maa la badalay?

Mudane Madaxwayne, Muwaadinka ku kaca khiyaamo qaran islamarkaana aan laga hadal falkan ay labada suxufi ku kaceen xukuumad ahaan iyo cid kale, Ma sharcigay ka weynyihiin oo fanaaniinta way ka awood badan yihiin?

Mise Sharcigu waxaa uu qabtaa maskiinka aan cid u dooda laheyn?Mise ka qaybgalka shirkan ee labadan Suxufi xukuumada ayaa ka dambaysay oo u dirtay Muqdisho?

Mudane Madaxwayne Su’aalahan iyo Qaar kale oo badan waxaa jawaabahoodu mashquuliyeen oo xal u waayey Suxufiyiin ,Muwaadiniin iyo labeen Shacabka Somaliland ee sida Caafimaadka qabta Caqligoodu u fikiro.Madaxwayne shacabkaagu waxay u baahanyihiin inaad Su’aalahan uga Jawaabto oo aad ka qanciso maadaama ay adiga ku doorteen.

Fiiro Gaara: Qoraalkani igama aha ku xumeyn labadan Suxufi, Laakiin ujeedadiisu waa in sharciga loo sinaado.

TILMAAN IYO TOOSIN.

W/Q:Ilyas Abdi Ali.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories