HomeMadal-sharafeed Kulmisey Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale iyo Hoggaanka Sare ee...

Madal-sharafeed Kulmisey Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale iyo Hoggaanka Sare ee Xisbiga UCID

Date:

Related stories

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Hargeysa (SLpost)- Kulan Casho-sharaf ah oo ay soo qaban-qaabiyeen Jaaliyadda Somaliland ee magaalada Dubai ee dalka UAE, ayaa kulmisay siyaasiyiin miisaan culus ku leh siyaasadda dalka, kuwaas oo ay ka mid yihiin Madaxweynihii hore Md Daahir Rayaale Kaahin, Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe iyo Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen.

ucid_rayaale (2)Kulankan oo ka dhacay Hotel ku yaala Dubai, ayaa ujeeddadiisu ahayd mid ay ku sharfayaan madaxweynihii hore Daahir Rayaale kaalintii Qiimaha lahayd ee uu hoggaaminta talada dalka ku soo daadinayey intii u dhaxaysay 2002 ilaa 2010-kii iyo sidii Taariikhda ahayd ee uu awoodda dalka ugu wareejiyey madaxweynaha hadda talada haya ee Axmed-Siilaanyo.

Kulanka oo ay goob-joog ka ahaayeen qaar ka mid ah madaxda UCID ee dalka UAE iyo Saxaafadda, ayaa lagu soo qaaday Arrimaha Xisbiga Kulmiye ee khilaafka weyn ka dhextaagan yahay, waxaanay ugu baaqeen baaqay in loo dhameeyo sida ku cad sharciga Xisbiga Kulmiye iyo ka dalka, lana tix galiyo sharciga u yaala Xisbiga, lagana daayo fara galinta qaawan ee xukumadu ku haysto.

Madaxweynihii hore ee Somaliland Md Daahir Rayaale Kaahin, ayaa intii ay socotay casho-sharafta jaaliyadda u samaysay, waxa uu muujiyey sida uu uga qoomamoonayo Burburkii ku yimi xisbigii UDUB ee uu hoggaamiyaha ka ahaa, isaga oo masuuliyaddaas burburkiisa dusha u saaray wasiirro ka tirsanaa Xukuumaddiisa oo uu ku sifeeyey Niman Macaash doon ah oo ka dhex-dillaalayey Axsaabtii kale ee dalka ka jirtay.

Intii uu socday Kulanku, waxa uu madaxweyne Daahir Rayaale halkaas ka muujiyey taageero weyn oo uu u hayo Xisbiga UCID iyo madaxdiisa oo wada-sheekaysi dheer iyo hadallo kaftan ahi dhexmareen, isaga oo dhinaca kale u jeediyey hoggaanka UCID dhiirri-gelin ku aaddan kalsoonida shacabku ku qabaan Xisbiga UCID.

Madaxwaynihii hore ee Somaliland Daahir Riyaale Kaahin oo in muddo ah ku sugnaa sugnaa dalka Imaaraadka Carabta, waxa uu kulankani noqonayaa markii ugu horeysay tan iyo intii uu talada dalka ku wareejiyey madaxweyne Siilaanyo ee uu la kulmo Madaxda Xisbiga UCID ee uu Musharaxa madaxwaynaha ayaa xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen ka qayb-galo.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe iyo Murashaxa Madaxweynaha Jamaal Cali Xuseen oo muddooyinkii u dambeeyey safaro ku galaa-bixinayey waddada Maraykanka, Yurub iyo Ustareeliya, ayaa todobaadkan soo gaadhay magaalada Dubai ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, iyaga oo ku sii jeeda dhinaca dalka oo muddo laba bilood ku dhow ay ka soo maqnaayeen, waxaana la filayaa maalmaha soo socda inay dib ugu laabtaan dalka.

SOMALILANDPOST.NET

Dubai, United Arab Emirates

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories