HomeMacluumaad Laga Yaabo In Aanad Ka Hayn Shaaha Oo Ah Cabbitaanka Dunida...

Macluumaad Laga Yaabo In Aanad Ka Hayn Shaaha Oo Ah Cabbitaanka Dunida Ugu Shacbiyadda Badan

Date:

Related stories

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Beijing (SLpost)- Shaaha oo ka mid ah cabbitaannada ugu shacbiyadda badan dunida oo dhan, dadka cabbaana ay ka kooban yihiin dhammaan diimaha iyo dhaqannada kala duwan ee dadka dunidu ku kala calaamadsan yihiin ayaa la og yahay caafimaad ahaan in uu leeyahay faa’idooyin aad u badan.

Qormadan oo uu Geeska Afrika afsoomaali u rogay ayaa shabakadda Alcarabiya ay dhowaan ku soo bandhigtay toban ka mid ah xogaha la xidhiidha Shaaha oo laga yaabo in aanay ogeyn dad badan oo jecel cabbista shaahu:

1. Toddobaadkii hore ayaa ay cilmibaadhayaasha aataartu ay caddeeyeen in shaaha ugu guunsan dhinaca cabbitaanka ee illaa hadda la og yahay uu ku arooro muddo ka badan 2100 sano.

2. Cilmibaadhayaashu Shaahii u horreeyey ee loo malaynayo in dunida lagu cabbay, waxa ay raadkiisa ka heleen meel ku dhow qudbi uu ku aasan yahay Imabaraadoorkii Shiinaha ee Wang Lin, taas oo loo fahmay in uu shaahu uu xilligaas ahaa sharaabka boqorrada iyo dadka sare ay xiisayn jireen xilligaas.

3. Waxaa jirta taariikh Shiine ah oo ku doodaysa Imbaraadoorkii koowaad ee dalkaas Shennong uu shaaha cabbistiisa baray dadka Shiina, waxase illaa hadda la isla qaatay in shaaha dunida laga isticmaalayey 59 sano ka hor dhalashadii Nebi Ciise (CS).

4. Dadka dunida maanta ku dhaqan, saddex meelood laba oo noqonaysa boqolkiiba 66 ayaa isticmaala Shaaha oo leh Caffeine dabiici ah. Laakiin dadkaasi isticmaalka shaaha waxa ay u adeegsadaan caadooyin iyo habab kala duwan.

5. Dalalka ugu muhiimsan ee geedka Shaahu uu ka baxo, soona saara shaaha ugu tayada badan waxaa ka mid ah Hindiya, Shiinaha, Ceylon, Jabaan iyo Indooneesiya, dalalka ugu muhiimsan ee loo dhoofiyo dadkooduna aadka u isticmaalaan waxaa ka mid ah, Ingiriiska, Maraykanka, Ustareeliya iyo Ruushka.

6. Shaahu waxa uu u qaybsamaa qaybo kala duwan, Shaah madow, Shaah cagaaran iyo Shaaha cad oo isagu ka mid ah noocyada ugu dhif san shaaha uguna fiican. Shaaha Cad waxa uu leeyahay hah aad u yar, si ka taxaddar iyo farsamo badan shaaha kale ayaana loo kariyaa.

7. Waxaa xiise gaar ah leh in qawmiyadda Tibet oo ah qawmiyad facweyn oo dowlad gaar ah waqtiyada qaar lahayd balse hadda ka mid ah dalka Shiinaha, marka ay shaaha cabbayaan ay ku dhex walaaqaan milix iyo subag.

8. Waxaa jira shaah Yasmiin loo yaqaanno oo ay aad u cabbaan dadka Shiinaha ahi, waxaana loo sameeyaa hab gaar ah, sonkorna laguma daro. Shaaha Yaasmiin waxa uu caan ku yahay ur aad u udgoon.

Xigasho Geeska Afrika

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories