HomeMaamulka Jaamacadda Alpha oo Wasiirka Waxbarashada ku bogaadisay Wax-qabadkeeda

Maamulka Jaamacadda Alpha oo Wasiirka Waxbarashada ku bogaadisay Wax-qabadkeeda

Date:

Related stories

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

guddoomiye ku-xigeenka AlphaHargeysa (SLpost)- Guddoomiye ku-xigeenka Jaamacadda Alpha ee xarunteedu tahay magaalada Hargeysa Prof Cabdirisaaq X. Xuseen, ayaa ku bogaadiyey

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Marwo Samsam Cabdi Aadan horumar ballaadhan oo uu sheegay inay ku soo kordhisay Waxbrashada dadka.

Prof Cabdirisaaq X. Xuseen waxa uu sheegay inay waxbarashada dalku wakhtigan marayso heerkii ugu sarreeyey, taas ammaanteedana ay leedahay Wasiirka Waxbarashada oo uu tilmaamay inay dedaal u gashay sidii gobollada iyo degmooyinka dalka looga hirgelin lahaa goobo waxbarasho.

Guddoomiye ku-xigeenka Jaamacadda Alpha, waxa uu sidaas ku sheegay qoraal kooban oo uu na soo gaadhsiiyey, kaas oo u qornaa sidan: “Sida laga warqabo waxbarashada ama tacliintu waa shay udub-dhexaad u ah horumarka bani’aadamka, iyadoo Ilaahay (SWT) Qur’aanka Kariimka ah inoogu sheegay in aanay sinnayn dadka wax bartay ee aqoonta leh iyo kuwa aan waxba baran, waxaana fiican in la isku dhex wado waxbarashadda Diiniga ah iyo Tacliinta Maadiga ah.

Haddaba, dalkeenna Jamhuuriyadda Somaliland, waxa ka jra goobo kala duwan oo lagu barto tacliinta iyo aqoonta diiniga ah iyo waxbarashada maadiga ah oo isugu jira heerar hoose, dhexe, sare iyo ilaa heer jaamacadeed, arrintaas oo fure u noqon karta horumar dalka Somaliland gaadho, iyada oo lala kaashanayo aqoonyahanka kala duwan ee dalka gudhiisa iyo dibadiisaba wax ku bartay.

Muddadii xukuumadda madaxweyne Siilaanyo talada dalka haysay, waxa horumar la taaban karo ku tallaabsatay Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare oo ay gadhwadeen ka tahay marwo Samsam Cabdi Aadan oo ka mid ah wasiirrada ugu waxtarka iyo waxqabadka badan masuuliyiinta xilalka kala duwan ka haya dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Siyaasadda iyo hawl-karnimada Wasiir Samsam Cabdi Aadan, waxa ay sababeen in horumar weyn laga sameeyo waxbarashada Somaliland, iyada oo degaan iyo tuulo kasta oo dalka gudihiisa ah dugsi ama goob waxbarasho laga hirgeliyey muddadii Samsam Cabdi Aadan haysay xilka Wasaaradda Waxbarashada, arrintaasna waxa tusaale u ah, safarkii weftiga madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) dhawaan ku maray gobollada iyo degmooyinka dalka, iyada oo dadweynaha ku nool degaannadii madaxweynuhu maray ay si xooggan uga mahad sheegteen wax-qabadka Wasiiradda Waxbarashada, amaantaas oo ay marwo Samsam Cabdi Aadan ku mutaysatay dugsiyada kala duwan ee ay ka hirgelisay degaannada dalka, si loo xoojiyo, sarena loogu qaado heerka aqooneed ee da’yarta Somaliland, miyi iyo magaalaba.

Waxa kale, oo marwo Samsam Cabdi Aadan gacan weyn ka gaysatay horumarinta tacliinta sare ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland, iyadoo jaamacaddo kala duwan ka furmeen gobolada waddanka, kuwaasoo bixiya tacliin iyo aqoon faa’iido u leh dadweynaha kala duwan ee ku dhaqan Somaliland, taasoo ah tallaabo iyo guul ay ku amaanantahay Wasiiradda Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare.”

SOMALILALANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories