HomeMaamulaha Guud ee Dahabshiil oo Raysal-wsaaraha Ingiriiska si toos ah ugu ban-dhigay...

Maamulaha Guud ee Dahabshiil oo Raysal-wsaaraha Ingiriiska si toos ah ugu ban-dhigay Ahmiyadda Isu-Gudbinta Lacagaha Soomaalida

Date:

Related stories

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

London (SLpost)- Maamulaha Guud ee Shirkadaha Dahabshiil, Mr Cabdirashid Mohamed Saciid, ayaa si toos ah ugu soo bandhigay Raysal-wasaaraha Ingiriiska, David Cameroon, ahmiyadda dhaqaale iyo horumarineed ee ay Soomaalida u leedahay isu-gudbinta lacagaha iyo sida ay halbowle ugu tahay noloshooda.

AbdiDavidMaamulaha Guud iyo Raysal-wasaaraha Ingiriisku waxa ay ka wada qayb-galeen munaasabad lagu abaalmarinayey dadka Muslinka ah ee dhalashada Ingiriiska haysta ee sumcad iyo magac weyn u soo hooyey bulshooyinka ay ka soo jeedaan, oo loo yaqaan Muslim News Awards for Excellence oo ku beegnayd sannad guuradii 25aad ee xafladda noocan ahi qabsoonto, isla markaana ay ka soo qaybgaleen ilaa 800 oo shakhsiyaad, shirkado iyo jaaliyado isugu jira oo lagu maamusay.

“Sharaf ayay noo ahayd aan la soo koobi karin in aanu Raiisal Wasaaraha United Kingdom, David Cameroon, ka wada sheekaysanno kaalinta dhaqaale ee isu-gudbinta lacaguhu kaga jirto Soomaalida iyo sida ay saamayn baaxad leh ugu leedahay qaybaha kala duwan ee noloshooda iyo horumarkooda, aad ayuuna Raiisal Wasaaruhu u xiisaynayey,” ayuu yidhi Mudane Cabdirashid.

AbdiWaxa muuqatey, ayuu ku daray Maamuluhu, inuu Raysal-sasaaruhu aad u danaynayey arrimaha Soomaalida, uuna u rajaynayey inay nolosha horumar ka gaadhaan dhinac kasta, isla markaana loo ballamo kulamo dambe oo lagu sii lafaguro.

Mudane Cabdirashid, isaga oo metelaya shirkadaha Dahabshiil, waxa lagu maamuusay in ka mid noqdo shakhsiyada magaca ku leh bulshada Muslimiinta UK ee iyagu abaalmarinnada guddoonsiinayey xulkii nasiibka u helay 2014.

Waxa Maamulaha Guud guddoonsiiyey abaalmarinta loogu magac daray Fazlur Rahman Khan Award for Excellence, gaar ahaan dhinaca handasadda (engineering), Cilmiga iyo Tiknoolajiyadda, aqoonyahanka Dr. Farid Khan, oo lagu abaalmariyey kaalinta muuqata eeuu ka qaatay wax-ku-soo-kordhinta  Caafimaadka Aadanaha dalweynaha UK dhexdiisa iyo adduunka soo korayaba.

David2Waxa isaguna ka mid ahaa dadka xalay abaalmarinta la guddoonsiiyey MO Farah oo lagu guddoonsiiyey heerka uu ka gaadhey isboortiga abaalmarin lagu magacaabo Faaezah Hashemi Award for Excellence in Sports.

“Sharaf iyo maamuus aad u sarreeya ayay ii tahay,” ayuu ka yidhi Maamulaha Guud milgaha lagu casuumay “inaan qayb muuqata ka ahaanno baalmarinnada la guddoonsiinayo haldoorka Muslinka Ingiriiska ah oo lagu xusayo kaalinta uu mid waliba ka qaatay horumarinta bulshada iyo aadanaha guud ahaantiisba.”

Mo FarahShirkadda Dahabshiil waxa laf ahaanteeda lagu abaalmariyey 2013 horumarka baaxadda leh ee ay ka samaysay dhinaca ganacsiga, halka sannadkanna lagu sharfay in Maamulaheeda Guud ka mid noqdo mudanka iyagu abaalmarinta guddoonsiinayey shakhsiyaadkii iyo hay’adihii loo soo xulay abaalmarinta.

Xafladda Abaal-marinta oo 1-dii April ku qabsoontay Grosvenor House ee magaalada London, ayaa noqonaysaa sannadkii labaad ee xidhiidh ah ee si weyn loogu karaameeyo Dahabshiil oo caalamka looga aqoonsaday shirkad kaalin mug leh ka qaadatay ganacsiga siiba dhinaca maaliyadda iyo isu-gudbinta lacagaha, iyada in ka badan 155 dal oo adduunka ah ka hawlgasha.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories