HomeMaalinta Qarannimada Jam. Somaliland 18-ka May & SHANTA QAARADOOD

Maalinta Qarannimada Jam. Somaliland 18-ka May & SHANTA QAARADOOD

Date:

Related stories

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Mahad oo dhammi waxay u sugnaatay Rabbigeenna Weyn ee inaga dhigay dad Muslim ah ee weliba inaga dhaliyey ummadda aynu nahay eeJam.Somaliland. Xuska 23 guurada maalinta Qarannimada JSL waxaan hambalyo iyo bogaadin baaaxad leh u dirayaa dhammaanba ummadda Sharafta iyo Karaamada leh ee Jam.Somaliland, gudaha dalka iyo daafaha duniba, taasoo aan ugu hambalyeynayo sida dadnimada iyo dal-jacaylkuba ku dheehanyahay ee ay u xurmeeyaan una weyneeyaan maalinta Qarannimadeena ee 18-ka May. Waxaan Ummadda Jam. Somaliland meel kasta oo ay joogaanba ugu baaqayaa inaynu furitaanka Xaflad kastaba ugu ducayno Qarankeena iyo dadkii naftooda u huray.

Muwaadin, waxa ah dhacdo caajaa’ib ah habka iyo qaabka ummadda Jam. Somaliland ay u xusaan una xurmeeyaan maalinta Qarannimada ee 18-ka May taasoo ayna cidna la wadaagin oo ay gebi ahaanba kaga duwan yihiin ummadaha kale. Bal u u fiirso muwaadin, ummadda Jam. Somaliland waa ummadda keliya ee awoodda u leh inay maalinta qarannimadooda uga dabaal-degaan SHANTAQAARADOOD ee Dunidu ka kooban tahay!! Arrintani waxay ka dhigtay 18-ka May inay noqoto dhacdo ummadeed oo caalami ah (Worldwide National Event).Tusaale ahaan sannadkan 2013-kii waxaa qabsoomay in ka badan 70 xafladoodoo looga dabbaal-degayo laguna xusayo 18-ka May, kuwaasoo ka dhacay in ka badan 48 daloo ku yaal daafaha dunida oo dhan:

Africa:           Somaliland, Djibouti, Ethiopia, Sudan, South Sudan, Senegal, Ghana, Uganda, Kenya, Tanzania, Zambia, South Africa iyo Egypt &Somalia (for the 2nd time!!!).

Asia:             Malaysia, Indonesia, Philipine, China, India, Pakistan, Turkey,

                      Saudi Arabia, Kwait, Qadar, UAE, Bahrain, Yemen.

Europe:      UK, Republic of Ireland, Portugal, Spain, France, Belgium, Holland, Germany, Switzerland, Austria, Italy, Ukarain, Malta, Finland, Norway, Sweden iyo Denemark.

North America:            USA iyo Canada

Autralia & New Zealand:  Australia iyo New Zealand.

 

Haddaba, awoodda iyo kartida intaa leeg ee ummad iyo dal aanay dunidu weli aqoonsani ay u leeyihiin inay maalinta qarannimadooda sidaa u weyneeyaan waa arrin muujinaysa Kartida, Talo-wadaaga iyo Tayada sare ee ay leeyihiin ummadda Jam.Somaliland taasoo u suurto gelin karta inay qabsadaan wax kasta oo ay u dhaqaaqaandan oo ay moodaanba.

 

Dhinaca kale, ha noqoto u diyaar-garawga, abaabulka, isku duba ridka iyo kharashka ku baxaya xuska maalinta Qarannimada ee 18-ka May, ma jirto cid ka caawisa ama ka taageerta ee dhammaanba iyaga ayaa bixiya. Ku darsoo weliba, mudnaanta iyo karaamada ay leedahay maalinta 18-ka Maywaxa ka markhaati ah waa maalin waxtar iyo dhaqaale badanba laga helo gudaha dalka iyo dibaddiisaba, oo xataa ummadaha kale ee aan Somaliland u dhalani ay ka si dadban iyo si toos ahba uga faa’iidaan.

Tusaale ahaan waxaa suuq xaamiya leh iibka astaanta Calanka, dharka kala duwan rag iyo haweenba ee ay ku xardhan yihiin astaamaha qaranka, maabka dalka, renjiga (casaan, caddaan iyo doog), warqadaha lagu dhejiyo baabuurta iyo gidaarrada (stickers), renjiga saddexda midab ah ee wejiga la mariyo, madbacadaha iyo xarumaha wax lagu daabaco iyo waxyaabo kale oo badan.

Sidoo kale, meel kasta oo ay tahayba, waxa iyaguna suuq aad u weyn leh baabuurta iyo basaska la kiraysto, Hoteellada iyo Hoolalka (Party Halls) xafladaha lagu qabto, meelaha haweenka iyo habluhu isku qurxiyaan. Xuska Maalinta Qarannimada Jam. Somaliland ee 18-ka May waxaa kobca suugaanta iyo hal-abuurnimada oo heeso, gabayo iyo geeraaroba ay abwaanadu u hibeeyaan maalintan qiimaha leh. Waxa iyaguna daba-qabsi noqda heesaaga, codeeyaha, kuwa muusiga tuma iyo inta ku xeeran.

Ha ka tegin, warbaahinta nooc kasta oo ay tahay 18-ka May (dhawr cisho ka hor iyo ka dib-ba) waxay u tahay fursad dahabi ah oo ay dhaqaale badan ka helaan, kuna muujiyaan kartida iyo xirfaddooda warbaahineed. Ugu dambayntii, shirkadaha telefoonnada ayaa iyaguna hela suuq wanaagsan maadaama uu isticmaalka telefoonnadu kor u kaco (gudaha dalka iyo dibeddaba).

Ummadda awoodda intaa leeg leh ee maalinta qarannimadooda dunida oo dhan uga dabaal-degaya, fikir ahaan waxaan aaminsanahay inaanu aqoonsigu waxbaba kala maqnayn, mar haddii ay iyagu isku aqoonsan yihiin inay yihiin Qaran iyo Ummad jirta oo la yidhaa JAMHUURIYADDA SOMALILAND.

 

TALO SOO JEEDIN:

Muwaadiniinta sharafta iga mudan, garanay oo is hoga tusaaleynay inay ummadda Jam. Somaliland ay yihiin ummaddaa leh awoodda intaa leeg ee suurto gelisay inay Shanta Qaaradoodba uga debaal-degaan maalinta Qarannimada. Haddaba miyaanay habboonay in awoodda intaa leeg si kalena looga faa’iideysto oo fikirka loo bedelo ficil oo loo jeesto dib u dhiska dalka hooyo oo loo wada dhan yahay. Haddaba, fikirkayga iyo aragtidayda qof ahaan, waxaan talo ahaan u soo jeedin lahaa in sannad walba 18-ka May ka hor, shanta qaaradood laga abaabulo saddex (3) maalmood oo kala duwan (tusaale ahaan 3-dii biloodba mar) oo loogu magac daro Maalmaha Waxtarka iyo Taageerada QarankaJam. Somaliland, sida tusaale ahaan:

 

Maalinta taageerada Waddooyinka Dalka

Maalinta taageerada Waxbarashada JSL,

Maalinta teegeerada Caafimaadka JSL,

Maalinta taageerada Ciidamada iyo Naafada Qaranka JSL.

(Ama wixii kale ee kolba la isla af-garto)

 

Ogsoonow muwaadin, sida xuska 18-ka May oo kale, ka qayb qaadashada waxtarka dalkaagu waa arrin kugu waajib ah meel kasta oo aad dunida ka joogtaba, aakhiro iyo adduunkana waxtar kuu leh.

 

ALLAA MAHAD IYO MUDNAANBA LEH,

 

Wa Billaahi Tawfiiq,Somaliland Guul iyo Horumar

 

By Architectural-Eng Hussein Adan Igeh |Hussein Deyr| | Birmingham UK|

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories