HomeLama Huraan Waa Caws Jiilaal

Lama Huraan Waa Caws Jiilaal

Date:

Related stories

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Qoraalkanu maaha kii ugu horeeyey iyo kolay kii ugu dambeeyey ee ka hadla mawduucan aan maanta jeclaystay inaan wax ka qoro,wuxuu mudan yahay in laysugu celceliyo oo laysku baraarujiyo. Waxa iswaydiin mudan halkaynu dhignay Afsoomaligii? Iyo waxa inooga qorshaysan?

Waa wax laga murugoodo inaynu ku faraxno ama horumar ku sheegno luuqado qowmiyado kale, oo aynu soo waaridno, Keeniina hoos u dhigno.”lama huraan waa caws jiilaale”

Afksoomaaligii isticmalkiisii wuu soo koobmayaa marba marka dambaysa. afkani waa nolosheenii jiritaankeenii. Wadankeenu wuxuu xoroobay 1960kii laakiin xiliga aynu si dhab ah u xorownay waxay ahay markii afkeena laqoray. Markaas oo aan anigu shakhsiyan odhan karo, qoristii ,hilgalintii iyo ku dhaqankiisa

maalintaynu isla helnay ayaynu xorawnay. Maanta se waxaad moodaa in aynu mar labaad u baahanahay inaynu is xorayno oo afkeenii halgan u galno.

Gumaysi casriyaysan baa ina helay oo afkeenii dabargoyn ba’ana ku haya e!

Caruurteenii waxay noqdeen bilaa waxbarasho oo maanta waxay bartaan ma jirto, waayo Waxaynu noqonay “Dacawadii raadkeediina ka tagtay kii Nabigana gaadhi wayday”. ASW. Caruurtii afkoodiina loo dacaree ku kalena ma hayaan cilmina hadalkiisa daa! Dambigaa yaa iska leh? Waynu wada ognahay miisaanka uu leeyahay in afkeena wax lagu barto, wax ka fiican oo aynu ku badelnaana jirin! Afkeenuna hodan yahay.Waxa jira waalid aan aqoon lahayn, oo iyagu sidan horumar u arka,lakiin hadii la wacyi galiyo fahmi lahaa kuna ganci lahaa wax barashada ku salaysan afsoomaliga.

Waxaan in badan arkaa oo runtii murugo I galisa dhalinyaro ilaa heer jaamacadeed dhamaystay oo aan afkii qoristiisii iyo akhriskiisii midna hayn. Isla markaana luqadkaloo ay hayaana jirin, waxaan is waydiiyaa tolow aqoontooda maadigiina waa sidee? Dambi ku ma laha oo kuma dhaliilayo ee asaaskii waxbarashaa ka marin habaabay!

Waxa wadankeena ka furan kumanaan iskuul oo af kale ku baxa gaar ahaan afka ingriisiga ah. Caruurteena wadanka wax ku barata bogolkiiba 90 waxay dhigtaan iskuulo gaar loo leeyahay.Dadka wax ka dhigaa waxay u badan yihiin dad aan xirfad macalinimo lahayn! Kama soo hor jeedo iskuuladaa gaarka loo leeyayhay, laakiin in afkeena la waafajiyo,manhajyadana la mideeyo ayaa haboon.

Maxaa cilmigii iyo afkii isku xidhay? Goormay luqadi cilmi noqotay? Luqadu cilmigay xoojisaa oo qofku afkiisa wax ku barta,ayuu cilmiguna ku degaa.

Waagii hore waxa dhici jirtay in iskuulada xiisada carabiga laga baxsan jiray, maantana ta Afsomaaligaa laga baxsadaa!Dadka aan la wadaagayo arrintani waa dadkii iskuuladii afsomaaliga lagu baran jiray kasoo baxay, ama ku soo shaqeeyey, ee garanaya isna barbar dhigi kara shalay iyo maanta. Waxa jira caruuro dibadaha laga keeno oo iyagu afsoomaali aan aqoon, dhibna bilawga ay ku keeni karto in iskuul afsomali ku baxaya madaxa loo geshaa, laakiin way baran lahaayeen aakhirka. Sida kuwa halkan ka tagaaba ula qabsadaan marka la dhoofiyo kuwa ajaanibka ah. Afkay doonaanba hala kulmaane.

Waxaan arkaa in afkii soomaaligu uu ka guuray wadamadii qoray ee asaaskiisa lahaa, kuwii aan iyagu wagaa wax ku baran jirina maanta ku dadaalayaan, runtii aan odhan karo garab adagbay u noqdeen afsomaaligii inkastoo iyaguba ay Somali yihiin lakiin afafkale wax ku baran jiray ,sida dawlada Jabuuti iyo Ismaamulka Somalida Ethopia. Aadna waan ugu farxaa runtii inay yihiin qolyaha xooga u hadal haya maanta afkan aynu ka mashquulnay ee sii guuraya.way jirtaa oo wali suugaantii sida gabayadii iyo heesaha curintoodii waa la wadaa laakiin barri yaa fahmi baa iswaydiin leh.

Waxa jira oo iyaguna xusid mudan in ay jiraan dad badan oo jecel in lays dabo qabtaa, fikirkan na aan hubo inay ila qabaan lakiin, awoodii fulineed aan lahayn.Waa AAFO QARAN dhamaanteena ina khusaysa,dhaliisha ugu wayna ay Dawladu leedahay,illaa hadana dawlada jirta iyo kuwii horeba marna aanay qorshe u samayn, mowqif adagna iska taagin,sidii wadankan afkiisii loogu soo dabaali lahaa laguna hirgalin lahaa,waxbarshada oo dhan.

Siyaasiyiinta haatan u diyaargaroobaya doorashooyinka,Olalaynta xooganna ugu jira hanashada codadka shacbigoow muujiya siyaasadiina ku waajahan sidii aydin arrintan wax uga qaban lahaydeen.

Afkeenii hooyo maanta HIIL QARAN ayuu u baahan yahay. Gunaanadkayga dheerayn maayee”Baraarujin iyo waxqabad ba waa laynooga fadhiyaa dhamaanteen! Mustaqbalka ubadkeena,dhaqankeena,diinteena iyo Qaranimadeenaba,muraayadii laga eegayey waa afkeena hooyo.”

Yasmiin Omar Hadrawi

Ysmi_hadrw@yahoo.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories