HomeKulmiye ma ka Bedbaadi Doonaa Duufaanada Siyaasadeed ee ku soo fool leh?...

Kulmiye ma ka Bedbaadi Doonaa Duufaanada Siyaasadeed ee ku soo fool leh? Part.1

Date:

Related stories

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Dirqi iyo tu xun ayuu dhawaan ku qabsoomay Shirweynihii 3-aad ee Xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE, kaasoo marar badan dib ugu dhacay is-khilaaf iyo kooxo iska soo horjeeda oo Xisbiga dhexdiisa ka samaysmay awgeed. Ha noqoto Qaabka Shirweynaha loo abaabulay ama ha noqoto hannaanka Ergooyinka loo soo xulaye, waxa marag ma doon ah in Xisbiga Kulmiye halkii uu hore uga socon lahaa, inuu 20 SANO dib u dhacay. Shirweynihii 3-aad ee KULMIYE may jirin haba yaraatee wax alle wax uu kaga duwanaa Shir-beeleedkii 1993 ka dhacay Boorame ee beelaha JSL ku heshiiyeen Axdi-Qarameedka. Waxaban odhan karaa kaasi ayaa ka wacnaa oo beeluhu ay u dhammaayeen iskuna dheelli tirnaayeen.

Haddaba akhristow, Xisbi Qaran oo ummadda ku leh waxaanu ku dhisanahay oo aanu aaminsanahay nidaamka dimuqraadiga, Xisbi muddo dheer mucaarid soo ahaa, Xisbi doorasho xor ah kaga guulaystay Xisbul Xaakimkii talada hayey, Xisbi hoggaanka dalka kula wareegay hab dimuqraadi ah iyo doorsho xor ah oo uu ugu awood sheegtay labadii Xisbi Qaran ee la tartamayey; su’aasha u baahan in la is weydiiyo waxa weeyi: Siday ku dhici kartaa in Xisbiga sifahaa lihi uu muddo kooban si fudud u lumiyo haybaddii iyo karaamadii ay Codbixiyeyaashu huwiyeen? Siday ku dhacaday inuu Xisbi miisaankaa lihi u maanta Shir-weynihiisii hab-beeleed ku soo xulo, halkii uu nidaamka dimuqraadiga raaci lahaa?

Waxaan jeclaan lahaa akhristayaasha intooda xasuusata inay wax-yar dib iigula boqoolaan maalmihii tilmaannaa iyo 2010-kii markii Xisbiga Kulmiye uu hantiyey guushii Taariikhiga ahayd ee uu hoggaanka Dalka gcanta ku dhigay. Bal is bar-bar dhig maalintaa iyo maanta faraqa u dhexeeya Xisbiga? Waa kaaf iyo kala dheeri sow maaha?! Sideedaba nidaamka Xisbiyada siyaasiga ah ee waqtigan casriga ah waxaa haga fikir iyo aragti aad u qoto dheer oo salka ku haysa hammi iyo hiigsi siyaasadeed oo codbixiyeyaasha lagu kala jiidanayo.

Guushii Kulmiye ee 2010-kii laba bilood kaddib Xisbigii Kulmiye wuxuu u gacan galay Muuse Biixi Cabdi kaasoo jujuub iyo faro-maroojis kagala wareegay Madaxweynaha la doortay. Laga bilaabo waqtigaa Xisbigii Kulmiye waxba kumay soo kordhin wax ka dhaca mooyee. Waxa la wada ogyahay sida xad-dhaafka ah ee uu Muuse Biixi u rabay inuu ka mid noqdo Golahii wasiirrada ee Xukuumadda cusub, aqooni yeelkeede balse Muuse wuxuu qoondaystay inuu noqdo Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Axmed Silaanyo, haddii uu taa waayana inuu noqdo ka arrimaha gudaha.

Taariikhdu dadkay bartaa Dunida waayeheeda; M/weyne Axmed Silaanyo wuxuu aad uga dheregsanaa shaqsiyadda Muuse Biixi iyo rafaadka uu soo mariyey intii uu socday halgankii SNM iyo xilligii ay siyaasadda Xisbiga kulmiye ku wada jireenba. Muuse Biixi Xisbigii loo daa, balse cidi wax kale umay dirsan, sidaasi ayuu kaga qaday ka mid noqoshada Golihii Xukuumadda ee cusubaa. Waxaa xusid mudan in rag maanta Muuse Biixi gacantiisa midig ah, iskana dhigaya inay isaga daacad u yihiin, kuwaasoo horena u ahaan jiray gacanta midig ee M/weyne Silaanyo ay iyagu ahaayeen kuwa qof ahaan ka masuul ahaa in Muuse Biixi la qadiyo oo aan lagu soo darin Golaha wasiirrada, Madaxweyanaha Cusubna sidaa ku qanciyey, beddelkii Muusena waxaa galay Maxamed Xaashi Cilmi iyo Dr. Gaboose.

Arrintaa waxaa si weyn uga shaqeeyey ninka la yidhaa Maxamed C/llaahi Cumar oo maanta Muuse Biixi daacad isaga dhigaya. Maxamed C/llaahi Cumar waa nin keli socod ah, gacan adag, ehel qaraabo iyo rafiiqna aan u roonayn oo ah keligii danayste. Wuxuu ka soo jeedaa beelaha dega galbeedka Hargeysa ee Siyaasadda Somaliland ugu saamaynta badan leh, balse haba yaraate wax sumcad, sharaf iyo taageero ah kuma laha beesha uu ka soo jeedo. Maxamed C/laahi rajo la’aanta uu Siyaasadda ka qabo awgeed ayuu ka leexday Madaxweynihii isaga soo saaray ee sharafta iyo haybaddaba huwiyey. Maxamed C/llaahi Cumar, M/weyna Axmed Silaanyo xumaan ayuu ugu abaal guday wuxuuna qabyaalad iyo il-maadeernimo ku raacay Muuse Biixi.

Rajo la’aanta uu siyaasadda ka qabo awgeed, Maxamed C/llaahi wuxuu iska dhaadhiciyey in Muuse Biixi noqon doono Madaxweynaha JSL, isaguna uu ahaan doono gacantiisa midig. Waana isaga ninka Muuse Biixi lug-gooyey ee ku yidhi ku dhawaaq inaad tahay Murashax M/weynaha golaha dhexe ee Kulmiye kula tar-tami doona. Haddaba, nin aan lahayn wax lagu raaco dhan kastooy tahayba, ka leexday dariiqii Xukuumaddiisa, ka horyimid nidaamkii dawladnimada ee kala dambaynta, ka fallaagoobay Gobolkii, Degaankii iyo beeshii uu ka soo jeeday, aan haba yaraatee Xisbigiisa u keeni karin 100 cod, haddana dedaal dheer ugu jira sidii uu uga ka takhalusi lahaa Madaxweynihii isagaba soo saaray; waxa is-weydiin leh sidee buu ugu sii jiri karaa Golaha Xukuumaddan uu dagaalka kula jiro??!!

 

La soco qaybta labaad ee maqaalkan……

 

Yuusuf Cali Maxamed,

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories