HomeKooxda Kubadda Kolayga ee Gaashaan oo la guddoonsiiyay Koobkii Kooxaha Heerka Koowaad...

Kooxda Kubadda Kolayga ee Gaashaan oo la guddoonsiiyay Koobkii Kooxaha Heerka Koowaad oo ay ku guulaysteen

Date:

Related stories

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Hargeysa (SLpost)- Munaasibad lagu qabtay xarunta wasaaradda Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska, ayaa kooxda heerka koowaad ee kubada kolayga ee ciidanka qaranka ee Gashaan lagu gudoonsiiyey koob ay dhawaan ku guulaysteen oo tartankiisu ku qabsoomay garoonka kubadda kolleyga ee Timacade Staduim.

gaashaanTartankaasi oo la bilaabay 20-kii February oo ahayd xuskii maalinta dhalinyarada Somaliland, ayaa waxa ka qayb-galay lix kooxood oo kubada koleyga ah, waxaana ugu dambayntii reeb-reeb ka dib guushu ku raacday Kooxda Gaashaan inay hantaan koobkan.

Munaasibadda guddoonsiinta Koobka, ayaa waxa ka qayb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Md Maxamed Xuseen Axmed (Dhabeeye), Guddoomiyaha Xidhiidhka Kubadda Kolayga Maxamuud Xassan Cabdilahi, Guddoomiyaha Olambikada Qaranka Xassan Waraabe Cade, Agaasimaha waaxda ciyaaraha ee wasaarada Maxamed Nuux Jibriil, Xoghayaha Xidhiidhka Kubadda Kolayga Mahdi Cabdi Yuusuf, Khadar Xariir oo ka socday ururka dhalinyarada ee SONYO iyo kale marti sharaf kale.

Ugu horeyn waxa halkaas ka hadlay Guddoomiyaha Xidhiidhka Kubadda koleyga Maxamuud xasan Cabdilahi (Qodax) oo sharraxay ujeeddooyinkii tartanka kooxaha heerka koowaad, waxaanu ammaan iyo mahad celin u jeediyay Wasiirka Wasaarada waxbarashada Marwo Samsan Cabdi Aadan iyo Daladda dhalinyarada ee SONYO oo uu sheegay inay kaalin mug leh ka qaadeen qabsoomidda tartankaas.

Guddomiyaha Olambikada qaranka Xassan Waraabe Cade oo isna goobtaas ka hadlay ayaa ugu horeyn hambalyo u diray kooxda Gaashan ee noqotay horyaalka kubadda Koleyga ee kooxaha heerka koowaad ee dalka. Guddoomiyuhu wuxuu ku dheeraaday taariikhda kubada kolayge ee dalka,  waxaanu dhalinyarada iyo bahda ciyaaraha ugu baaqay inay taageero la garab-joogsadaan koox kubadda Koleyga ah oo metelaysa dalka oo dhawaan u baxaysa dalka Tanzania, halkaas oo ay kaga qayb galayaan tartanka Barriga iyo badhtamaha Afrika.

Ugu danbayntii, waxa xafladaas soo gunaanaday Agaasimaha Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Md Maxamed Xuseen Dhabeeye oo ku hambalyeeyay ciyaartoyga kubadda kolayga ee kooxda Gaashaan iyo maamulkoodaba guusha ay hanteen. Sidoo kale, waxa uu bogaadiyey kooxihii aan jaanisku siinin inay tartankan ku guulaystaan.

Khaalid Axmed Dhuxul oo ka tirsan kooxda Gaashaan ayaa noqday ciyaartoygii ugu goolal dhalinta badnaa intuu tartanku socday, halka Mustafe Xassan Cabdilaahina uu noqday laacibkii ugu wanaagsanaa tartanka.

Xubnaha kale ee madasha ka hadlay waxa ka mid ahaa Agaasimaha waaxda ciyaaraha ee Wasaarada Ciyaaraha Maxamed Nuux, Aadan Jaamac Sooyaal (Shekeeye) iyo sidoo kale Khadar Xariir oo ka socday Dalada dhalinyarada ee SONYO  oo tartankan qabsoomidiisa kaalin mug leh ku lahayd iyagoo dhamaantood si qoto dheer uga sheekeeyay muhiimada ay ciyaaruhu uleeyihiin dhalinyarada Somaliland.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories