HomeKhasaaraha ka Dhashay Isku-dhac laba beelood ku dhex-maray Gobolka Sool iyo Xog-warranka...

Khasaaraha ka Dhashay Isku-dhac laba beelood ku dhex-maray Gobolka Sool iyo Xog-warranka Badhasaabka Gobolkaas oo ka hadlay

Date:

Related stories

Somaliland: Growing public suspicion and concern over citizenship law changes

Hargeisa (SLpost)- A growing public debate has emerged in...

Somaliland–Taiwan Relations: An Alliance Built on Isolation

Two governments that the world largely refuses to acknowledge...

Somaliland urged to take dispute with Somalia to International Court of Justice

Hargeisa (SLpost)- Somaliland veteran and academic Prof. Abdisalam Yasin...

Five geopolitical questions behind Somaliland’s international engagement in the United States

Analysis by Somalilandpost News Part One of Somalilandpost News’ analysis...

Somaliland Education Ministry Faces Questions Over Proposed 4.6% Deduction From Secondary School Fees

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland Ministry of Education and Science...

Hargeysa (SLpost)- Sagaal ruux ayaa la sheegay  in ay ku dhinteen shaqaaqo dhexmartay laba beelood  meesha loo yaqaano dharkayn-geenyo oo  ka tirsan gobolka Sool, halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen.   sida uu noo xaqiijiyay Guddoomiyaha  gobolka Sool Musate Cabdi Ciise (Mustafe-shiine).

ShiineDagaalka dhexmaray labada beelood ayaa la sheegay in uu ka bilaabmay khilaaf ka dhashay Maq ay  u kala qaadanayeen dhibaato hore u dhexmartay labdaasi beelood. Isagoo xusay guddoomiyuhu in gudiga nabadgeliyadda ee gobolka Sool ay isla shalay ka fadhiisteen arrintaasi isla markaana ay ka soo saareen g’aamo lagu deminayo colaadaasi.Guddoomiyaha gobolka Sool Mustafe Cabdi Ciise,  oo  xalay khadka telefoonka ugu waramay wargayska DAWAN.isagoo joogay magaaladda Laascaanood. Waxa uu yidhi   ”Dagaalka saaka (shalay) ka dhacay Dharkayn-geenyo waa mid jira,  waxaanu ka bilaabmay xoolo mageed oo lagu kala qaadanayey dhib hore oo labadaa dhinac u kala gaadhay ilaa iyo hadda tirada dhimashada ee aanu ka maamul ahaan haynaa waa 9 nin labada dhinacba.

Iyadoo  ay jirto tiro ka badinaysaa waayo waxaanu ka war haynaa in dagaalku laba jeer dhacay oo galabta  (shalay galab) goor gaaban dagaal danbe dhacay. Halka  dhaawucuna uu tiradaa ka badan yahay mana jirro wax dhaawac ah oo magaalada Laascaanood na loogu keenay.”

Waxa  kale  oo gudoomiyuhu  uu sheegay in   gudida nabadgelyada gobolku ka fadhiisteen go’aamana ka soo saareen  deminta iyo wax ka qabashadda arrintaasi, go’aamadaasi oo ay ka mid yihiin “In maadaama magaalada Laascaanood labada reer-ba joogaan ciidanka, hubka, saanada  iyo sahaydaba intaba ay ka heli karaan oo ay u taalo in aanu xidhno dhamaan dariiqyada oo dhan si aanay xoojin u helin, sidoo kalena guddi ahaan waxaan soo saarnay baaq nabadeed oo ku wajahan labada dhinac” ayuu yidhi Mustafe-shiine.

Badhasaabku waxa uu intaasi ku daraya  in ay xukuumada sare iyo wasaaradooda arrimaha gudaha la socodsiiyeen kana sugayaan amar iyo go’aan wasaaradeed iyo mid xukuumadeedba taasna ay si dhaqso ah uga sugayaan jawaab ay ku hawlgalaan.

Dhinaca kale garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe oo ka mid ah madaxda dhaqanka ee gobolka Buuhoodle, ayaa baaq nabadeed u diray beelaha shaqaaqadu dhex martay, waxaanu yidhi  “Waxaanu ku baaqaynaa anigoo ku hadlaya afka madaxda dhaqanka ee gobolka iyo deegaankaba in colaaddaas la joojiyo, xabada qoriga laga saaro, noloshana uu qorigu u danbeeyo.  Sidoo  kale ay yihiin dad walaalo ah ood-wadaag ah ceel iyo carshinba wadaaga, wiil, abti,  seedi iyo sodog isku yihiin ILLAAHAY  waxaan uga baryeynaa inuu kala qaboojiyo oo nabad iyo maslaxad khayr qabtana  kala dhex dhigo.”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories